Warfaafiye » Tacsi

OGEYSIIS: Tacsi loo dirayo dhamaan qoyska reer Maxamed Abuukar
Fadumo Muxudiin Cali, Hani Muxudiin, Ahmedey Muxudiin Cali, Abdirahman iyo Abdullahi Muxudiin Cali oo Abdul Arts ku magacdheer, Ali Muxuyaddiin Cali iyo dhamaan qoyska reer Muxudiin Cali waxey Tacsi tiiranyo u dirayaan qoyska Reer Maxamed Abuukar  gaar ahaan hooyo Faay Nuur  waxeyna uga tacsiyeynayaan geeriyadii ku timid Marxuumad Safiyo Maxamed Abuukar  oo maalinamadii Sabtida ku geeriyootay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska , waxeyna Ilaahey uga baryayaan  naxariistii Janno inuu Alle ka waraabiyo .  Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

Taariikh Nololeedkii Guddomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka.
Allaha u naxariistee Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, halkaasi oo howlo caafimaad uu u tegay kaddib markii ay soo wajaheen cudurro kala duwan.

Guddoomiyihii ugu horeeyay Golaha Baarlamaan uu yeesho wadanka Soomaaliya ayaa xanuuno kala duwan oo hayay maalmihii ugu dambeeyay loogu dabiibayay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waxaana geerida Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen tacsi u diraya madax ka tirsan Dowladda KMG ah.

Haddaba Taariikhda Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen waa tan hoos ku qoran:-

SHEEKH MUKHTAR MAXAMED XUSEEN wuxu ku dhashey gobalka BAAY gaar ahaan tuulada lagu magacaabo CAASHO GAABO oo 12km u jirta magaalada baydhabo dhalashadiisa waxay ku beegan tahay xiligii la,unkayey ama lasoo degeyey magaalada BAYDHABO sida uu ii sheegey sh mukhtar taariiq ahaana waxay ku aadaneyd 1912kii.

SHEEKH MUKHTAR wuxu kubarbaarey gobolka BAKOOL ilaa uu kaxifdiyo 114 Qur,aanka kariimka ah kama harin inuu daalacdo cilmiga Diiniga ah wuxu si qoto dheer u darsey barashada Diinta islaamka qeybaheeda kala duwan taasi oo heer sare ka gaarey una keentay magaca sharafeedka SHEEKH.

GANACSIGA

daraasadkii diiniga ahaa markuu ka aflaxay SHEEKH MUKHTAR M XUSEN wuxu u weecdey tijaaro ama ganacsiga asagoo ka furey goobo ganacsi magaalada xuddur ee gobolka bakool dadaal dheeri ah iyo agaasin wanaagsan waxa u tarmey ganacsigii waxana u suurtowdey inuu kafuro xarumo kale oo tijaaro magaalda BAYDHABO taasi oo sababtey iney isku xirmaan ganacsigiisa gobolada BAY iyo BAKOL oo waqtigaasi la isku oran jirey jubbada sare(upper jubba).

SHEEKH MUKHTAAR ayaa wuxu huwanaa laba shey oo bulshada dhexdeeda ku qaali ahaa waxaa kamid ah asagoo ah shaqsi laga helo cilmiga diiniga ah iyo tijaaro sare na ku lahaa gobolka waxayna dhaxal siisey inuu noqdo qof caan ku, ah bulshada waxayna u arkeen beesha uu kasoo jeedey ee HADAME qof muhiim u ah huogaaminta beesha waxa loo doortey MALAAQA HADAME AMA UGAAS wuxuna wajahayey howlaha garsoorka iyo ku hogaaminta dowga toosan

KUBIIRISTII SIYAASADA

mudo markuu ahaa MALAAQA HADAME ayaa dhinaca kale waa kajirey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo looga hortagayey gumeystihii TALYAANIGA oo xukumayey koonfurta SOOMAALIYA .

1943di ayaa la,aas aasey ururka dhalinyerada soomaaliyeed SOMALI YOUTH LEAGUE ((SYL) iydoo markii hore loogu wanqaley magaca SOMALI YOUTH CLUB(SYC) mudo kadib ayaa loo bedeley magaca SYL waxa iska lahaa fikirka dhisida 13 dhalinyero soomaaliyeed oo isu arkey samata bixinta dadka iyo dalka SOOMAALIYA isla markii waxa balaartey ururka SYL SHEEKH MUKHTAR M XUSEEN oo xiliga kusugnaa magaalada XUDDUR kuna dhexjirey howl maalmeedkiisa ayaa ururka dhalinyerada SYL u igmadeen inuu SH MUKHTAAR qeyb lexaad leh kaqaadan karo kaxuroobida gumeystaha TALYAANIGA wuxuuna kamid noqdey SYL xubin kamid ah ee u joogta gobolka JUBBADA SARE(UPPER JUBBA) .

markii loo gudbey nidaamkii dowliga ahaa wuxu noqdey xildhibaan kasoo gala JUBBADA SARE iyadoo loo sheegey SH MUKHTAAR oo waqti galabo labo jago isku hayey inuu mid uu ku ekaado MALAAQNIMO AMA XILDHIBAAN wuxuna doortey xildhibaanimo tasi oo ah howl QARAN kana balaaran mida beesha intaa wixi kadanbeeyey SHEEKH MUKHTAAR M XUSEEN lugaha ayuu lagaley siyaasada dalka SOOMALIYA.

markii la,dhisey dowladii ugu horeysay ee loo dhiso soomaaliya oo hoos imaaneysay gumeystihii TALYAANIGA ra,isul wasaare ka,ahaa MARXUUM CABDULLAHI CIISE MAXAMUUD waxa ladhisey dowlada 29 febraayo 1956dii SHEEKH MUKHTAAR ayaa waxa uu ka,noqdey kuxigeenka WASIIRKA CADAALADA mudo kadibna wuxu nasiib u heley inuu noqdo wasiir buuxa isla wsaarada garsoorka wasirka cadaalada dooorashadii labaad ee ku loolameen labada MARXUUMADA CABDULAHI CIISE iyo MAXAMED XAJI IBRAHIM CIGAL dib ayaa loo doortey SHEEKH MUKTAAR

XURAYADII KADIB

1964tii sheekh mukhtar maxamed xuseen waxa loo magacaabey afhayeenka baarlamaanka soomaaliya xukumadii uu madaxweyne ka,ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan tirada xildhibaan ee SH MUKHTAR u ahaa afhayeenka ayey ahyed 123 kursi oo xiliga kakoobna BAARLAMANKA SOOMAALIYA wuxu xilka hayey shan sano.

1967dii codeyntii madaxtinimo dhexmartey AADAN CADE iyo C/RASHID CALI SHARMARKE guuleysteyna C/RASHIID CALI SHRAMARKE wuxu si nidaam ah isugu duwey doorashada oo la,ogyahay si dumuqaraadiga ah u dhacdey waxa kamarnaa isqab qabsi eex iyo dood.

Sikastab SH MUKTAR M XUSEEN oo uu weheliyo C/RASHIID CALI SHARMARKE oo aha madxweynihii soomaaliya ayey waxay booqasho ku aadeen magaalada LAASCAANOOD taariiqdu markey aheyd 5tii OKTOBAR 1969 marki ay gaareen magaalada LAASCAANOOD waxa kadhacay halkaasi arin aad looga naxay laguna arag taariiqda umada soomaaliyeed mid kamid ahaa ilaalada gaarka aha madaxweyne C/RASHIID ayaa wuxu toogtey madaxweynaha oo xilaga isla taagnayeen SHEEKH MUKTAR M XUSEEN aaney jirin cid u dhaxaysey xabada marka ay haleeshey alle ah,unaxariistee C/RASHIID waxa ka horeeyey isku dey dil oo loo dhigey BOMB gaarigii agtiisa.

1968tii waxba kuma noqon waxaa goobta kasoo xanbaarey meydka C/RASHIID afhayeenkk baarlamaanka SHEEKH MUKHTAR wuxuna ka qeyb qaatey aaskii qaran ee loo sameeyey maalinka ladiley waxa aheyd 5tii oktobar 1969 ilaa 21oktobar xilka madaxweynimo waxa hayey si kumeel gaar ah SHEEKH MUKHTAR.

21,oktobar 1969kii afganbi lagu magacaabey INQILAAB AAN DHIIG KUDAADAN ayaa kula wareegen awoodii dalka ciidamadii meiteriga soomaaliya oo hogaaminayey MARXUUM MAXED SIYAAD BARRE oo isla markiib kudhawaaqey dowlad taasoo loo diidanaa in Digilmirifle ay noqdaan Madaxweyne qaran oo umadahogaamiya.

intaa kadib maamulkii cusbaa ee meliteriga ahaa wuxu guda galey inuu xir,xiro madaxdii dowlada uu inqilaabey waxyna noqdeen qaar uu xiro iyo kuwa kale XABSI GURI ayaa lagu xukumey SHEEKH MUKHTAR iyadoo lasoo agdejiyey ciidan ilaalo ah oo ilaaliya dhaq,dhaqaaqa siyaasadeed ee SH MUKHTAR.

wixi kadanbeeyey xukunkaasi wuxuu u badnaa gurigiisa da,adiisa oo hore ubadatey awgeed SHEEKH MUKHTAR MAXAMED XUSEEN wuxu noqdey howl gab intii mudo aheydn waxa uu kunoola magaalda MUQDISHO iyo BEER uu kulahaa GOBOLKA SH/HOOSE ayuu u dhaxeeyey hadana wuxu kunool yahay wadanka KENYA mgalaada NAIROBI oo uu maanta ku geeriyooday.

Sheekh Caamir Xaaji Ibraahim Yare oo tacsi u diray eheladii geeridii ku timid Sheekh Cumar Sh. Max’ed Faarax
Sheekh Caamir Xaaji Ibraahim Yare, dhammaan culumaa’udiinka, xerta iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxay tacsi u dirayaan ehelada, culumaa’udiinka, xerta iyo jameecada dariiqada Suufiyada Ahlu Sunna Waljameeca.

Khaliif C/qaadir Macallim Nuur Maxamed Siyaad, Xerta, jameecada iyo dariiqada suufiyada meel kasta oo ay aduunka ka joogaan waxay tacsi u dirayaan ehelada Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo dhowaan ku geeriyooday dalka gudihiisa.

Dhinaca kale Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Sh. Maxamed Faarax wuxuu ka mid ahaa mashaa’iqda fara ku tiriska ah ee sida aadka ah ula dagaalsanaa kooxaha dhibaatada ka wada dalka, wuxuuna mar walba dadka ku boorin jiray inay ka hortagaan cadowgooda oo ah kuwa ku dhibay degaanadooda, una diiday inay cibaadeystaan, iyagoo u fasiraya diinta Islaamka siyaabo khaldan.

Allaha u naxariisto hoggaamiyaha Daruqu Suufiyah, waxayna leeyihiin qaraabadii, asxaabtii iyo jameecadii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, isagana janadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo.

AAMIIN…AAMIIN…AAMIIN

TACSI TIIRAANYO LEH: Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle  iyo xaaskiisa marwo Maryan Maallim Afrax Roble, waxay TACSI tiiraanyo leh u diraayaan qaraabaddii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday marxuum Sheekh Maxamed Caddow Max’uud  Saaqey ( Dhagaweyne) oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho taariikhdu markey aheyd May 24, 2012, iyada oo ay  “xabad wiifta ah”  ayku haleeshay agagaarka Suuqa Bakaaraha.

Sheekhqu wuxuu caan ka ahaay waqooyiga muqdisho, gaar ahaan xaafadda jungal ee degmada Yaaqshiid, Sheekhqu wuxuu ifka kaga tegay laba xaas iyo seddeed carruura ah, oo kala ah 5 wiil  iyo 3 gebdhood,

sida la filaayo berri oo ah Jimco ayaa Sheekha lagu aasidoonaa agagaarka Iskuula Boliisaya.

Marxuunka waxaa ilaahay looga baryayaa in uu ka waraabiyo Jannatul Fardowsam qaraabaddii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Aamiin, Aamiin Amiin.

Tacsi taas la mid ah waxaa diraaya mas’uuliyiinta kala ah:-

1) Gen. Hassan Ali Mohamed Abdulle

2) Danjire Mohamoud M. Tifow

3) Guddoomiye Muhuddiin H. Jurus

4) Nabaddoon Mohamed Roble Alasow

5) Nabaddoon Xaaji Mukhtaar Macallim

6) Nabaddoon Sabriya Mohamoud

7) Haji Ahmed Tifow Sabriya

8) Sheekh Cumar Tifow

9) Haji Aw Ahmed Mallim Afrah

10) Haji Cumar Mallim Afrah

11) Sheekh Qaasim Aw. M.Alasow

12) Haji Abdirahman H. Sabriya

13) Haji Moh’ed H. Cumar

14) Haji Cali H. Gabow

15) Haji A/qadir H. Ali Gab

16) Sheekh A/llahi Sh. Yusuf

17) Sheekh Xasan Ga’al

18) Xaaji Gabow Jinow

19) Haji Jin Moh’ed Moh’ud

20) Haji Cumar Yeberow

21) Haji Cumar Macaalim Dheere

22) Haji Sabriya Tohob

23) Aw Muhumad G. Aw Hilowle

24) Heer Sheekh Axmed Roorow

25) Heer Maxaamed Indhayare

26) heer  Aw Hilowle Sabriya

27) Sheekh Moh’ud Yusuf M.M.

28) Heer Haji Abdulle M. Qeylow

29. Heer Haji Hassan Tifow

30) Heer Moh’ud Barrow

31) Heer Haji Cunsheeye Beerey

32) Heer Maxaad Mahdi

33) Heer Ali Maxaad Abdulle

34) Heer Sheekh Hilowle Cosoble

35) Heer Roble Calasow

36) Heer Maxaad Xasan Suubiye

37) Sheekh Xuseen Aw Cali

38) Macallin Cabdi Aw Cismaan

39) Nuur Eestaro

40) Geeddi Gaal

41) Faarax Ey-toogta

42)  Nabaddoon Abdulle Sheekh Hilowle

43)  Haji Mohamoud ( Cijaweyne)

44)  Heer Haji Mohamoud Moh’ed Cariif

45)  Heer Macallim  Maxaad  ( Garbowd)

46)  Heer Xaaji Diiriye Sebriya

47)  Heer Haaji Maxaad ( Tacbaan)

48)  Abdullahi Haji Cumar Maxaad Mahdi

49)  iyo  Dhammaan Qarraabadda meelkasta

dunida haka joogaanee

Afhayeenka Nabaddoonka

Beesha, Md. Ismaaciil Maxaad Dheere