Warfaafiye » Qormooyinka

Qormo:15ka May bilowgii Gobonimo doonka Soomaaliya
Dalka Soomaaliya oo mudo 53 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa mudnaantaasi iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL (Somali Youth League) oo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradaasi oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo oo ka dhiidhinayey gumeystihii dalka ku soo duulay.

70 sano ka hor geedkii ay beereen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed mirahooda waxaa la gurtay 1-dii Luulyo 1960-kii markii heeryadii Gumeysiga iska dul qaadnay oo Gobolada Waqooyina ay la midowday walaalahooda Soomaaliyeed, taariikhdaasi dheer iyo halgankii dhalinyaradaasi Soomaaliyeed abuureen ayaa ilaa maanta harsaneynaa inkastoo nasiib daro ay tahay in 20 sano dagaal iyo dowlad la´aan dheer kadib maanta la helay nidaam dib u soo celiyay sumcadii iyo sharaftii Soomaaliya ku laheyd caalamka.

15.05.1943-kii Xisbigii SYC oo ah maalintii dhidibada loo taagay waxaa uu ku bilowday qaab urur dhalinyaro, maadaama Gumeystuhu xiligaasi ogoleyn dhaq dhaqaaq siyaasadeed, iyadoo dhibaato badan laga maray sidii uu ururkaasi u noqon lahaa mid Siyaasadeed, muddo kadib waxaa lagu guuleystay in uu u xuub siibto urur siyaasi ah oo la magac baxay SYL sanadku markii ahaa 1947-kii.dhalinyaradaasi oo ka dhiidhinayey hagar daamadda gumeysiga uu ku hayey shacabka Soomaaliyeed iyo ujeedadii Ingiriiska ee aheyd QEYBI OO XUKUN.

13-kii Dhalinyaro ee unkay SYL

Waxay xil iska saareen sidii shacabka Soomaaliyeed xornimo u gaarsiin lahaayeen, iyagoo baaqoodu ahaa Qabiil Qaran ma noqdo, wuxuuna hadafkoodu uu ahaa Soomaali oo xor taasoo ay taageerayeen guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Markii uu SYC isku badalay SYL waxaa bilowday dadaal dheer oo dhalinyaradaasi ay ku doonayeen in ururku uu noqdo mid jira oo aqoonsi ka hela guud ahaan dunida, waxaana markiiba uu noqday urur jira kana qeybgala shirarka caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxayna mar walba gudbin jireen fariinta shcabka Soomaaliyeed ee ah diidmada gumeysiga dalka heystay sidii la isaga dul qaadi lahaa.

Waxyaabihii ururka SYL uu si cad ugu horyimid isagoo shacabka taageero xoogan ka helayay waxaa ka mid ahaa go´aankii Dowladdii Ingiriiska 1946-kii uu ku soo rogay Soomaaliya ee aheyd in qof walba oo Qaan gaar ah laga qaado canshuur, taasoo ka dhaqan gashay guud ahaan bariga Africa hase ahaatee, dibadbaxyo iyo rabshado lagaga hortegay waxay arintaasi keentay in xabsiga loo taxaabay shacab fara badan, ma aysan joojin dibadbaxyadooda, ilaa aaqirkii laga noqdo go´aankaasi, lana soo daayo shacabkii macna darada loo xer xeray.

Dhalinyaradaasi fikraddii waddaninmo oo ay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wada jirkii ummadda Soomaaliyeed waxayna tiigsanayeen ama hadafkoodu ahaa.

1-In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madax banaanida Soomaali.

2- In shanta Soomaaliyeed la mideeyo,hal maamulna la isugu keeno.

3- In Af-Soomaaliga la qoro.

4- . In xoogga la saaro tacliinta

5- In la tirtiro qabyaaladda, quursiga iyo qodobo kale oo halkan lagu soo koobi karin.

Dhibaatooyin fara badan oo ay la kulmeen dhalinyaradii SYL ayaa iyana xusad mudan, waxayna dhibaatadaasi ay dhacday 11-kii Janaayo 1946-kii mar magaalada Muqdisho ay yimaadeen guddi ka socday Dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka iyo Faransiiska, ujeedadooduna aheyd sidii ay u qiimeyn lahaayeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay rabshado ay abuureen Gumeystihii Talyaaniga oo ka war helay in Leegada ay abaabuleen bannaanbaxyo looga soo horjeedo Talyaaniga oo xiligaasi la damacsanaa in gacanta loo geliyo guud ahaan Soomaaliya.

11-01-1948-kii waxaa weerar ku soo qaaday xafiiskii SYL kooxo Soomaaliyeed oo Talyaaniga soo abaabulay, iyadoo weerarkaasi ay ka hortageen dhalinyaradii, halka qaar kale ay weerar ku qaadeen Talyaanigii soo abaabulay rabshadahaasi, waxaana maalintaasi ay Leegada dileen 54 Askarta Talyaaniga, halka dhinaca Soomaalida laga dilay Allaha u naxariistee Xaawo Taako 55 kalena waa laga dhaawacay.

Waxaa xusuus mudan Haweenkii laf dhabarka u ahaa Xisbigii SYL, kuwaasi oo dahabkooda ku bixin jiray safarada dibada iyo howlaha xafiiska uu qabanayo, iyadoo dhaqaalihii uu ku safray Cabdullaahi Ciise markii uu ka qeybgalayey shirkii Golaha Amaanka ay bixiyeen Haween Soomaaliyeed.

Waxaa cajiib ah in dhalinyradaas qaarkood aqoontii ay heysteen oo aheyd mid hooseyso marka la barbar dhigo tan maanta ay ku howlgalaan dhalinta cusub, sidaasoo ay tahayna ay ka mira dhaliyeen hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystaha ku soo duulay dalkooda.

Dadaal kasta iyo dhibaato walba oo ay la kulmaan waxaa la gaaray guushii 1-dii luulyo 1960-kii markii dal xor ah la arkay oo calankooda taagta, ayna sameystaan maamul la aqoonsan yahay, hase ahaatee waxaa uur ku taalo ah in maanta guushaasi ay soo hoyiyeen 13 dhalinyaro ah oo marxaladahaasi soo maray in kooxo gobol gobol isu abaabulaya ay doonayaan in la kala qeybiyo dalka Soomaaliyeed halkii laga filayay qarni kadib in la isu hirdo.

Waxaase Taariikhda ay xusi doonta sida aan maanta u xuseyno Halyeeyadii guusha keenay, kuwa maanta hortaagan maslaxada iyo helitaanka isu imaatinka Soomaaliyeed, kuwaasi oo Damiirkii Wadaninimo ka guuray, una taagan kala qeybinta iyo burburinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Gabagabadii qormadeyda Xuska 15-ka May waxaan ku soo gabagabeynayaa amaan iyo duco aan u soo jeedinayo Halyeeyadii Soomaaliyeed ee majaraha u hayey halgankii Gobonimo-doonka kuwaasi oo magacyadooda hoos ku xusay.

1. Yaasiin Xaaji Cismaan

2. Cabdulqaadir Sh. Sakhaawa-diin

3. Maxamad Cismaan Baarbe.

4. Cismaan Geedi Raage

5. Sayidiin Xirsi Nuur

6. Maxamad Cali Nuur

7. Daahir Xaaji Cismaan

8. Xaaji Maxamad Xuseen

9. Khaliif Huudow Macallin

10.Maxamad Faarax Hilowle

11. Dheere Xaaji Dheere

12. Maxamad Cabdalla Xayeesi

13.Cali Xasan Maxamad “Berdura.

Tixraac: Wargeyska Xiddigta Panorama

Cali Muxiyaddiin Cali

Muxiyaddiin@hotmail.com

Taariikh:Saadaashii Sheekh Suufi ee burburkii magaalada Muqdisho
Sheekh Cabdiraxmaan Bin Cabdalla Al Shaanshiyi wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, sannadku markuu ahaa 1829kii, wuxuuna ka dhashay beesha Soomaaliyeed ee shaanshiiyada oo asal ahaan ka soojeedo waddanka jejniya ama shaanshaan (Chechnya) oo ka mid ah Qooqaas Koofurta dalka Russia.

Sheekh Suufi yaraantiisii wuxuu quraanka kariimka ah ku bartay magaalada Muqdisho, kaddibna, wuxuu bilaabay naxwaha iyo balaaqada afka carabiga, taasoo u fududaysay barashada Tafsiirka Quraan, shareecadda islaamka iyo axaadiiska rasuulka csw, wuxuu sheekhu ahaa arday aad iyo aad u dadaal badan, ilaahna uu ku manaystay caqli iyo faham ka sarraysiiyay ardadii la ayniga ahayd oo ay wax wada baranaayeen.

Sheekh Suufi kama soo bixin jaamacadda Al As-har eer Qaahiro ama tan Ummul Quraa ee Sacuudi Caraabiya, dhammaan culumadii wax soo barayna waxay ahaayeen Soomaali, waxaana hubaal ah, hadduu maanta sheekha joogi lahaa inuu macallin u noqon lahaa barayaasha jaamacaddaha kor ku xusan. Waayo, wuxuu qoray kutubbo uu ka mid yahay kitaabka lagu magacaabo: Shajaratul Yaqiin Geedka Hubaasha ( The tree of Certitude) wuxuuna tiriyay qasiidooyin afka carabiga ku qoran oo Sheekh Cabdullaahi Al Qudubi oo ardadiisii ka ahaa soo guuriyay.

Masjidka Sheekh Suufi iyo goobta uu ku aasan yahay

Sheekha naanaysta Sheekh Suufi oo loo bixiyay kaddib markii uu qaatay dariiqada Qaadiriya, ka hor iyo kaddibba waxaa lagu naanaysi jiray “Caalimul Banaadir” Aqoonyahankki Banaadir oo ah gobolkiisii Mana ahaynin kan hadda oo Xamar oo qura ku kooban ee uu sameeyay keligii taliyahii Siyaad Barre sannadkii 1973dii. Balse waa Banaadirkii hore oo xuduuddiisa u dhaxaysay Faxda Hobyood ilaa Kunya Barrow ee Jubbada Hoose oo xerta ka timaado uu sheekhu wax ku bari jiray xaruntiisa, waxaa kaloo looga imaan jiray tan iyo Harar iyo gobollada kale ee dalka.

Sheekh Cabdiraxmaan waxay isku waqti ahaayeen Sheekh Aweys Alqaadiriyi oo markii ugu horraysay ay isqoonsadeen. Waxaa la sheegaa Sheekh Suufi markuu arkay Sheekh Aweys oo meelaha digrinaayo uu yiri “Sheekhu muu fadhiisto oo ardada kutubbada cilmiga u galo?” Sheekh Aweysna uu ugu jawaabay “Wa digrullaahi aclaa wa bitaqdiimin awlaa” oo macnaheedu yahay: Digriga allaa sarrayn badan, in wax kas laga hormarshana mudan.

Hase yeeshee, markii dambe labada sheekh waa isafgarteen, Sheekh Cabdiraxmaan bin Cabdaalana wuxuu qaatay dhariiqada Qaadiriya asagoo leh: “Faasa man xaasal xaqiiqa wakhtafaakum fidhariiqa, qaadiriyatil wasiiqa, nisbatan li Cabdulqaadir oo ah” Waxaa liibaanay qofkii dhabtii helay, dhariiqadana idinkaga qarsoomay, taasoo ah qaariyada lagu kalsoon yahay oo loo nisbeeyo Cabdulqaadir. Sidaa darteedna waxaa loo bixiyay Sheekh Suufi.

Maalin maalmaha mid ah, salaadda subax kaddib Sheekh Suufi wuxuu arkay nin ardadiisa ka mid ah oo nin jameecada ka mid ah ku canaanaayay inuusan salaadda si habboon u tukanin, Kolkaasuu ku yiri “Dad aad ku qaylinaysid sida lagu keenay ma ogid” Taasoo uu ula jeeday bunka uu sheekha subax kasto masaajidka keeni jiray si uu dadka ugu soo jiido salaadda subax oo loo soo bixi waayay. Hase yeeshee uu bunkii iyo daangadii ay dad fara badan masaajid keeneen.

Waayo, sida la wada ogsoon yahay, Caalimul Banaadir wuxuu ahaa dallaal u dhaxeeyo ganacsatada badeecadaha keeno iyo dukaanleyda magaalooyinka xeebaha, wuxuuna ahaa nin dhididkiisa wax ka cuno, mana ahaynin wadaaddada magaca diinta ku soorsado.

Waxaa intaa u sii dheeraa inuu ahaa hagaajiye (reformist) ku guulaystay inuu barbaartii Muqdisho ku qanciyo inay iska daayaan munkaraad fara badan oo lagu cawaysan jiray sida Cayaartii Makeekoowga.

Waayeelka daaye, carruurtii ku kortay Gobolkii hore ee Banaadir, waxaa quluubtooda ku weynaa Sheekh Suufi oo kolka ay cirka caadad ku arkaan, waxay dhihi jireen “Ilaahayow roob noo keen ilmahii Sheekh Suufiyaan nahee”.

Markii aan carruur ahaynay, waxaa naloo sheegi jiray in Sheekh Suufi uu sii saadaaliyay in Magaalada Muqdisho ay dagaallo ku burburi doonto, lagana kala carari doono oo ay noqon doonto waraabegaleen. Illoowse, nabad la heli doono, Xamarna aad iyo aad u ballaaran doonto. Taasina waxay rumoowday 100 sanno gudahood. Haatanna waxaa muuqato in Balcad, Xamar iyo Afgooye ay isku xirmayaan.

Dad badan waxay aaminsanaayeen in saadaasha Sheekh Suufi inay ka timid karaamo ilaah siiyay. Hase yeeshee, qoraal aan helay wuxuu tilmaamayaa in Sheekhu lahaa aqoon ka badan tan diinta, waxna ka yaqiin xiddigiska (astrology) ahaana xiddigiye (astrologist) saynisyahan ah (scientist) aqoon dheer leh sida ku qoran Qaamuuska Taarriikhda Soomaaliyeed boggiisa 141 oo ay qortay Margaret Kastanyo ( Historical Dictionary of Somalia by Margaret Castagno page 141) iyo E.J Brill,s first Encyclopaedia of Islam, 1913-1936 by M Th Houtsma, TW Arnold, A.J. Wensick page 487.

Waxaa qoraallada i hor yaalo ku cad in qarnigii 18naad iyo wixii ka horreeyay, calumaa’udiinka Soomaaliyeed ay aqoon u lahaayeen xiddigiska oo loo isticmaali jiray bogsiin (healing) faalka (divination) iyo geeddiga (migration). Waxaana la yaabaa sida soomaalidii hore ay u kala taqiin magacyada xiddigaha sida Faraaci, Foocaar iyo Fildarro. Yibirkuna wuxuu ahaa duul-erye (exorcist) wuxuuna u qaabilsanaa inuu dad ruuxaanta ka saaro ama ka eryo, siiyana xirsiyo (amulets).

In Sheekh Suufi ahaa Xiddigiye iyo in kale waxaa iiga ogaal roon qoyskiisa oo ay ku habboon tahay in ay runta ka sheegaan bacdamaa ay yihiin alhu diin, aniguse waxaan halkan ku soo bandhigay wixii aan qoraallo ku arkay, kana maqlay abootaday oo aabbaheed Sheekh Xasan Yare garsoore ka ahaa Gobolka Banaadir, kuna waqti ahaa wadaadka aan maqaalkaan uga hadlaayo.

Sheekh Suufi cilmigiisii wuxuu ka gudbay Shangaani iyo Xamarweyne oo derbi 2 iridood oo laga soo galo leh, Xamar Jabjab oo xaafad yar ah iyo Wardhiigley oo tuulo ahayd inta kalena gaar magaalada ku meegaarsan ahaa (green belt). Wuxuuna gaaray dhammaan dhulka Soomaalidu degto.

Sheekh Suufi wuxuu Xamarcadde ku geeriyooday sannadkii 1904tii, waxaana lagu aasay duleedka villa Somalia oo xilligaa bannaanka magaalada ahayd, Hakaasoo sannad walbo kunaan dad ah ay siyaaro ugu yimaadaan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa intaba. Qabriga Sheekh Suufina wuxuu nasiib u yeeshay in ilaah ka badbaadshay gacmaha khawaarijta.

Axmed Maxamed Axmed

Ciidamada Qalabka Sida: Hal bowle ka go’ay Qaranka Soomaaliyeed
12-kii April 1960-kii oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo marxalado kala duwan soo mareen xilligaasi wixii ka danbeeyay. Qormadan ayaa kusoo qaadan doonaa taariikhihii ay lahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo qaladaadkii ka dhex dhacay.

Sida la og yahay jiritaanka ciidanka Qalabka sida wuxuu heerkii ugu sareeyay gaaray markuu Taliyaha ahaa Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi, waxayna soo dedejisay geeridiisii niyad jab ku yimid dhamaan ciidankii qalabka sida, kana wal walay cida ugu danbeyn doonta hoggaankiisii wanaagsanaa.

Saraakiishii kala duwaneyd ee ciidanka qalabka siday waxay geeridii Gen. Daa’uud ay ku noqotay falaar wadnaha la taagay, hase ahaatee Gen. Maxamed Siyaad Barre oo xiligaasi ahaa ninka ugu dhow hoggaankaasi tacsi u diray ehelka marxuumka iyo guud ahaan ciidamadii wuxuuna yiri ‘Ruushka waxaa ka dhintay Saaxiib wanaagsan, Soomaalidana wiil baari ah Seerjitana Aabaheed’.

Geerida Gen. Daa’uud waxay Maxamed Siyaad u aheyd fursad qaali ah oo uu ku soo gaaray mansabka dalka ugu sareeya ee Madaxweynenimada, markii la dilay Madaxweynihii xiligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke 15-kii Oktoobar 1969-kii. Jaalle Siyaad iyo saraakiil kale oo ka agdhawaa waxay afgambi aan dhiig ku daadinin kula wareegeen hoggaanka dalka.

Maxamed Siyaad Barre oo aan sumcad wanaagsan ku dhex laheyn ciidamada dhexdooda ayaa dhegta dhiiga u jaray Salaad Gabeyre oo ahaa ninka ugu kartida badnaa ciidamada, ujeedada ka danbeysayna waxay aheyd in loo daneeyo Maxamed Siyaad oo heybad aan muuqan ku dhex lahaa ciidamada.

Ciidamada Milateriga oo ahaa awooda dalka iyo Afrika wuxuu lugta la galay siyaasadda iyo maamulka Dowladda, taasoo sababtay in dalka la geliyo marba xaalad aan loo baahneyn, waxaana laga xasuustaa dagaalkii 77 oo hal guuto oo Milateriga xuduuda isla markaana miisaaniyada horumarinta dalka ay kaligood qaataan, waxaana xiligaasi kadib ciidankii u lugta la sii galay marxalad hor leh.

Inqilaabkii dhicisoobay ee uu abaabulay G/Sare Maxamuud Yuusuf Ciro 9-kii Apriil 1978-dii wuxuu sabab u noqdady in ciidankii dhexdiisa qabyaalad toos ah lagu saleeyo hadey ahaan laheyd darajada ciidanka dhexdiisa, taasoo aakhirkii shacabka kalsoonidii ay u hayeen ciidanka ay noqotay mid burburtay, khilaaf mar walba soo noqnoqdana ku dhex abuurmay saraakiishii hoggaamineysay ciidanka sida khilaafkii Gen. Maxamed Cali Samatar iyo G/sare Shire Maxamed Siyaad.

Aakhirkii burburka Millaterigu wuxuu Gobolladii dhexe ee Soomaaliya ka fuliyey falal waxashnimo ah sida dil, dhac, kufsi iyo burburin loo geystay barkadihii biyaha ee dadka iyo xooluhu ka cabbi jireen, sidoo kale Gobolladii Waqooyi ee dalka ayaa muddadii uu kacaanku jirey oo dhan uu amar millateri saarnaa, dadkuna ay bartilmaameed u ahaayeen millateriga, iyadoo dagaal hubeysan oo cirka iyo dhulka ah lagu qaaday, loona soo kireystay duuliyayaal ajnabi ah oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib 1991-kii waxaa kala yaacay oo beelahoodii ku kala biiray ciidamadii qalabka siday iyo saraakiishoodii, waxayna qaarkood ay ka qeyb qaateen dagaal mindhicireedkii dalka ka dhacay iyo dagaaladii kale ee kooxaha siyaasadda dalka, kuwaasi oo qaarkood ku dhintay difaaca beelahooda, aqoontii ay dadka iyo dalka u barteen god ayey la galeen iyagoo caadifad qabiil difaacaya.

Waxaa kaloo xusad mudan Saraakiishii ciidan ee Alle ka badbaadiyay iney u dagaalamaan beelahooda oo si gardaran fikirkooda loogu dilay iyagoo qaarkood cibaadeysanayay.

Ciidamada Qalab Sida ee ahaa ishii laga riday Qaranka Soomaaliyeed waxaa xiligan hadii maanta sida tiir taagan ahaan lahaayeen in aan loo baahnaan laheyn ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin u jooga xiligan Soomaaliya, lagana maarmi lahaa howshooda.

Waxaase soo muuqda ifafaale nabadeed oo dib loogu unkayo awoodii ciidan ee xoogga dalka Soomaaliya, balse u baahan kartidii iyo waaga aragnimadii sida Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi oo geeridiisa niyad jab ku noqotay ciidamadda qalabka sida, kuwa maanta hoggaanka u haayana waxaan ka rajeynayaan in ay fiiriyaan wadadii Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud.

Ciidamadda Xoogga dalka, Booliska, Nabadsugida iyo qeybaha kale ee amni ilaaliyaasha waxaa la gudboon iney ka dhowrsadaan u adeegida cid kasta oo wax u dhimeysa qaranimada Soomaaliya, Hambalyo sanad guurada aas-aaska xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ali Muhiaddin Ali

muxiyaddiin@hotmail.com

http://facebook.com/<wbr />sheekha2

Faallo: Muqdisho Nolol iyo dib u soo kabasho dhab ah.
Haddii aad muddo dheer qurbaha ku ahayd dareen ku joog, ma ku noqotay dalkaada, mase soo booqatay Xamar? Waxaa kuu muuqanaya marka dhinac kasta la fiiriyo ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib u dhis iyo gaar ahaan Muqdishoow oo si xowli ah, mucjiso ah u soo kabanaysa.

Ummad kasta iyaga ayaa aayahooda hormarsata, waxaase lagama maarmaan ah in la helo kalsooni ku timaadda isku tashi iyo iskaashi dhexmara shacab iyo dowlad. Nabagelyada oo ah isha ugu muhiimsan ee horumarka aadamiga ayaa u baahan in si buuxda gacanta loogu dhigo, sharci iyo kala dambeyna si wada jir ah loo soo wada celiyo.

Muqdishoow taariikh ahaan iyo maqaam ahaanba waxay qeyb muhiim ah ka tahey taariikhda iyo xadaarada Somalia, midda Bariga iyo Geeska Afrika, Soomaaliyana kama jiraan magaalo ama deegaan la mid ah ama la barbardhigi karo xamar xag baaxad, tirada dadka, ganacsiga, bilicda iyo casrinimada intaba.

Magaaleynta Muqdisho waxay salka ku haysaa taarikkh fog iyo isbadalo maraaxil kala duwan soo mareen waqtiyo ka hor iyo kadib dhalashadii Nabi Ciise, Caleehii salaam. Ilaa hadda taariikhiyahannduna waxay xusaan Muqdishoow iney soo jirtay in ka badan 2,000 oo sano, waxaana ku noolaa jiray ummado kala duwan xiliyo kala gooni gooni ah, kuna kala dherarsan casriyadii Persia, Ummawiyiinta iyo curashadii islaamka kadib.

Waxaa la haayaa raadad muujinaya Xamar, Xamar kale inay ku hoos aasan tahay. Sida culumada archaeology-ga iyo kuwa baara culuunta taariikhda ay xaqiijinaayaan, waxaa lagu arkay inay dhulka hoostiisa ku aasan yihiin dhismooyin badab, kuna kala teedsan min deegaannada xeebta ah ee Muqdisho, sida Kaaraan, C/casiis, Shangaani, Xamar Weyne, Xamar Jajab, deegaanka Jaziira, Marka Caddeey ilaa Baraawe, sidoo kale qalab qadiimi ah iyo raadad kale oo taariikhi ah oo aysan weli arkin kuwa wax baliliqeysan jiray.

Marka taariikhda la fiiriyo, burburkii Muqdisho ee dabayaaqadii qarnigii tegay (horraantii1991) ayaa wuxuu ahaa kii Labaad, waxaa ka horeeyay burbur isna dhacay xili ku dhow bartamihii isla qarnigaas,(Sannadkii 1941-kii), kadib hajuumkii dhinaca hawada diyaaradaha Ingiriiska kaga soo qaadeen xarumihii maamulka isticmaarkii fashistihii Talyaaniga ee Somali gumeysanaayay.

Xiligaas waxaa socday dagaal weynihii labaad ee aduunka. Bililiqadii ugu horreysay waxaa lagu arkay xaruntii “Gaziani”, hadda ah “Villa Somalia” si la mid ah tii dhacday1991-kii. Ingriisku wuxuu xiligaas xoog ku qabsanaayay koofurta Soomaaliya, wuxuuna bililiqaystay hanti badan oo ay ka mid tahay khadkii “Ferro-via”-hii (Rail waygii-tareenkii) isku xiri jiray Xamar-Jowhar.

Haddaan u soo noqon bururkii dambe ee Muqdishoow, 1991, Wuxuu ahaa wax aan laga sheekeyn karin marka la fiiriyo baaxada uu lahaa iyo sida qotoda dheer oo u saameeyay qeybaha kala duwan ee nolosha aasaasiga ah iyo adeegyada horumarka mushtamaca, ma ahay wax ay indhahooda ku fiirin karaan dad dareen iyo damiir aadanimo leh. Lama arkin wax badbaaday, geerida iyo burubrka waxay ka mid noqdeen noloshii caadiga, dalkana wuxuu galay fowdo iyo guul darro qarameed ee taariikhi ah.

Somalia waxay ka baxday hawada iyo Juqraafiga adduunka, waxayna ka maqneyd mudo 21 sano ah. Waxaa la soo maray qax, kala yaac, xili dowlad la’aan ah iyo fowdo, awood qabqablayaal dagaal, ururo argagixiso ah iyo kuwo kale, sida maamul deegaan beeleedyo ku dhasheen faragelinta iyo saameynta dowladaha deriska ah. Arrimahaas hadda waxay dhamaantood u muuqanaayaan kuwo hadda ku sii xaroonaayaan madfaxyo iyo sheekooyin taariikhda gala.

Sumcaddii iyo bilicdii Muqdisho ayaa dib u soo noolaanaysa. Waxaa ku soo qulqulaya dadkeedii oo ka kala imaanaayaan dunida daafaheeda kala duwan. Laga ma sheekeyn karo nolosha iyo horumarka ka bilowday. Waxaa ka socda dib u dhis iyo dhaqan celin baaxad weyn leh. Nabadda iyo horumarka oo hadda laga dareemayo ayaa ah kuwo is-barbar-socda. Waxay soo jiidatay beesha caalamka iyo dunidii la’eed Somalia meel ay kasoo gasho si maalgashi iyo iskaashi ula sameeysato.

Hadda waxaa horumar xowli ah ku socda dhisida amaanka iyo soo celinta qeybihii kala duwanaa ee adeegyada bulshada. bilicda Xamar ka bilaawatay waxay saameyn ku yeelatay isbadalka siyaasadeed ee dalka, waxaa laga gudbay marxaladii kala guurka, waxaa dhashay nidaam dalka oo dhan mideynaya iyo dowlad dastuuri ah.

Waxaa shaaca laga qaaday dhowaan inay bilaabmi doonaan doorkii dowladda iyo shirkadaha madaxa bannaan, kuwaasoo saameyn doona hirgelinta dhismooyin iyo marshaariic ballaaran oo hor leh, sida waddooyinka, daayac tir kuwii hore iyo kuwo cusub oo waaweyn, Isbitaalo, Dugsiyo waxbarashada aasaasiga ah iyo xarumaha tacliinta sare, korantada, biyaha, Airport Caalami ah, ballaarinta labada Deked ee Xamar, dib u dhaqan celinta dhammaan xarumihii dowladda iyo kuwa ciidamada qalabka sida iwm.

Waxaa hubaal ah haddii Xamar ay dib u soo kabato in dalka oo dhanna dib u midoobaayo, lana arki doono amni, horumar iyo noloshii lagu yaqiinay Jamhuuriyadda Somalia oo qof kasta hoos harsado. Waxa hadda hey’ado badan oo caalami ah, sida laamihii Qaramada Midowbay, kuwa Midowga Europe iyo dowlado badan shaaca ka qaadeen inay xarumahooda dibloomaasiyadeed dib uga furanaayaan Muqdisho.

Qormadan Waxay gaar u tahay Warfaafiye, Hadii aad jeclaato inaad qaadato Xigasho Sameey, si Xaquuqdeena noo siiso

Daawo muuqaalka Muqdisho ee xiliyada habeenkii sida ay u ifeyso

KISMAAYO:- Hal Booli ah oo Rag aan laheynin maalayaan “Taariikha”
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, wuxuu si cad oo mugdi ku jirin u sheegay in shirka ka furmay magaalada Kismaayo oo la doonaayo in maamul loogu sameeyo Jubbaland, uusan waafaqsanaynin shuruucda dhisidda maamul goboleedyada iyo dastuurka dalka intaba, dowladdiisuna ka xun tahay, kana soo horjeedo.

Haddaba aan dib u jaleecno sooyaalka Taariikheed ee gobolka Jubbada hoose iyo sida markastaba gobolkaasi taariikh ahaan dadka dega loo afduubi jiray mustaqbalkooda iyo xuquuqdooda oo dad socoto ah ilaa hadda duudsiinaya.

Magaalo Xeebeedka Kismaayo waxay Muqdisho ka xigtaa xagga koofur galbeed, ayadoo u jirta 528 km (328 miles),  waxay u dhowdahay Goobweyn oo ah meesha webiga Jubba uga darsamo badweynta Hindiya. Waxaana asal ahaan aasaasay beesha Baajuunta oo kalluumaysato ahayd, una bixisay magaca magaalada oo ah Kisimayu oo ka kooban: Kisima (ceel) Yu (sare).

Waayo magaaladu waxay caan ku ahayd ceelaal gaagaaban oo aan hoos u dheereen oo cadaadis dhulka dhaxdiisa ka jira uu biyaha kor u soo qaado, waxaana loo yaqaan ceelsare (artesian well) sida ceelsaraha ay ku yaalo magaalada Warsheekh. Waxaana magacii afka sawaaxiliga ka soo jeeday u rogay Kismaayo xoola dhaqatadii iyo doonleeydii beeyada (Luubaan) iyo cawda ka keeni jiray gobolka Bari oo ku soo qulqushay gobolka 65 sannadood ee la soo dhaafay.

Kismaayo oo ah magaalada 3aad ee Soomaaliya marka loo eego Xamar iyo Hargeysa, waxaa sannadkii 1835tii qabsaday suldaankii Sansibaar. Wuxuuna dhisay magaalada sannadkii 1872. Sannadahii 1875-1876 waxaa ka talinaayay xukuumaddii Maxamed Cali Baasha ee dalka Masar. Sannadkii 1887dii, guud ahaan gobolka iyo jasiirahii Baajuunta (Bajuni Island) waxaa la wareegtay Boqortooyadii Britain. 1 July 1895, dhulkii loo yaqiin Trans Giubba Land wuxuu si rasmi ah uga mid noqday maxmiyaddii Ingiriiska ee Bariga Afrika (British East African Protectorate).

15 July 1925, Ingiriisku wuxuu dhulkii Trans Giubba ku wareejiyay Talyaaniga Taasoo noqotay bilowgii musiibadii ku habsatay gaar ahaan Beesha Baajuunta, guud ahaanna beelaha mushulguliga oo beeraleyda ahaa ee gobolka asal ahaan u degganaa, ilaa iyo haatanna degaannadoodii lagu magacaabo magacyadii ay u bixiyeen sida Mana Moofa, Labaanga, Zanguuni, Bangeeni, Ras Kianboni iwm. Waana dhulkii uu ka talin jiray Boqorkii Nasiib Buundo.

Barbaartii lagu addoonsan jiray gobolkii Banaadir marka ay cawayska dheelaayaan waxay isku guubaabin jirin: “Nimcadaan Nasiib Buundo maxaa kaa nageeyay?”. Waxay u baxsan jireen Jubbada Hoose oo cid uga daba tagi kartay aysan jirin.

Aun Xaaji Busuri Sheekh Cabdulcasiis oo ka mid ahaa raggii lagu marti qaaday xafladdii Talyaanigu kula wareegay dhulkii Trans Giubba wuxuu ii sheegay in 15 July 1925 in Kismaayo Baajuun qura ay degganayd. waana sida aan ku haayno mapkii Talyaaniga qoray oo sheegaayo gobol walbo dadka deggan iyo duurjoogta laga helo.

Musiibada ku dhacday dadkii asal ahaan u degganaa Jubbada Hoose waxay la mid tahay tan hadda ku socoto dadka reer Muqdisho, kuna dhacday reer Gaalkacyo iyo Hobyo sannadkii 1887dii, kaddib markuu ku soo duulay Cali Yuusuf Keenadiid oo watay koox calooshood-u-shaqaysato hadramiyiin hubaysan ee uu Yaman kala yimid ama tii ku dhacday reer Gedo sannadkii 1910kii, markii qabiil hubaysan oo ka soo hayaamay Cabuudwaaq uu dadkii degaanka ku laayay Garbahaarreey oo ciddii tagtay xawaalahoodii indhahooda ku soo arkeen.

Ragga barakicinta iyo cadaadinta beelahii Baantuuga ugu magac dheeraa waxaa ka mid ah: Cumar Lulaaye oo Guddoomiyaha Gobolka J/hoose noqday, dadka degaankuna ku magacaabi jireen: “Governatore di Alabama”.

Alabama State waa Gobolka koofureed ee dalka Maraykan oo dadka madowga ahi sida xun loogu cadaadin jiray. La yaab ma leh in dhul uu isbaddal deganaansho (demografic change) ka dhaco. Waayo Cristoforo Colombo wuxuu qaaradda Maraykanka daaha ka rogay 12ki Oktoobar 1492, taasoo keentay in loo hayaamo, lana baabi,iyo Cali beesteenkii dhulka deganaa oo hadda inyar ka soo hartay oo ku nool ceshiimooyin (reservations) ama duurka amasoon-ka. Hase yeeshee waa loo qirsan yahay inay ayagu yihiin kuwii dhulka loogu yimid asal ahaan, inkastoo ay ka soo wareegtay 520 sannadood.

Hase yeeshee Soomaalidu waxay isku dayee in daboosho dhulboob soo bilowday 87 sanno oo qura muddo haatan laga joogo.

Sannadkii 1960-1969kii, xubnahii Baarlamaanka ka soo galay gobolkii Jubbada hoose la dhihi jiray oo ka mid ahaayeen:

1. Hilowle Macalin

2. Xaaji braahim Osmaan (uunlaaye)

3. Cabdi Cigaal

4. Xuseen Jiis

5. Maxcamed Bile Jaamac

aaabbayaashood daayee, ayagu kuma dhalanin gobolka, qaarkood waxay ka soo tallaabeen xuduudda ama waalidkood ka soo tallaabshay. Kaddib dhiciddii xukunkii kelitaliyahii Siyaad Barre, waxaa Kismaayo ku dagaalamay:

1. Maxamed Faarax caydiid

2. Aaadan Gabyow

3. Maxamed Saciid Morgan

4. Barre Hiiraale

5. Yuusuf Mire Seeraar

6. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale.

Kuwaasoo midkoodna uusan gobolka ku dhalan, midna Keenya ka yimid. Haatanna waxaa maamulka Gobolka u soo haliilaayo Axmed Madoobe oo Keenyaanka maqaasaar u ah meeshana ka saaray professor Gaandi oo ku hungoobay riyo maalmeedkiisii Asaaniya.

Hadda, sida nooga muuqato sooyaalka taariikhda, Kismaayo oo ah caamimadda Gobolka Jubbada Hoose waa hal booli ah oo ay maalaayaan rag aan lahaynin sida Axmed Madoobe oo ah ajnabi ku hadla Af-Somaliga, kana yimid Qoraxey oo ka tirsan kililka 5-aad ee degan Itoobiyaanka Afsomaliga ku hadla.

Muddo dheerna sidaasay ahayd, arrintu waa nin xoog leh xaajo u toostay. Allaha na gaarsiiyo marka Soomaalidu xaqa u soo laabato, kana harto damaceeda waallan.

Axmed Moxamed Axmed

Faallo: Sicir barar iyo hoobashada maciisadda.
Somalia meel u fiyoow ma jirto, saameynta burburkii xiligii colaadaha iyo dowlad la’aanta waxaa ilaa iyo hadda laga dheehan karaa nolosha dadweynaha iyo qeybaha kale ee aasaaska u ah adeegyada mujtamaca.

Amni xumada ka sokoow, waxaa hoobtay dhammaan nidaamkii maaliyadeed, ganacsi iyo qeybaha kale ee adeegyada horumarinta dhaqaalaha wadanka, sidaas darteedna, dhaqaaluhu wuxuu weligiisba u muuqan jiray meesha kale ee ugu xun, lagana il-daran yahay.

Ka hor fowdada, dowladdii kacaanka dagaaladii gudaha kaga furnaa ka sakow, waxaa kaloo jilbaha dhulka u dhigay ku takarifal hantida dadweyne, dhac iyo musuqmaasuq sabab u noqdeen jiritaan sicir barar iyo burbur dhaqaale oo baaxad leh, taasoo dhanka kale noqotay dhaxal maguuraan ah xiligii dowlad la’aanta, iyo colaadihii sokeeye. Waxaa tirtirmay dhamaanba ilihii iyo adeegyada dhaqaale iyo horumarkii bulshada, mana jirin mashaariic dan guud ah ee nool , iskaba daa’ horumar kale oo himilo ahaan loo hiigsado.

Abuuritaanka ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa waxay ku dhasheen si jaantaa’ rogan ah iyo isgarab yaac, iyadoo aan dalka ka jirin wax sharci ah iyo adeegyo kale oo qaababeynaya horumarinta qeybta gaarka {Privite Sector}.

Waxaa qeybsamay dalka iyo deegaanadii, waxaana dhasheen xaalado noloshii qaranka jahwareer geliyay. Ganacsato ku taajirtay xaaladihii dagaalka, kuwii ku hanti yeeshay dhaca iyo bililiqada hantidii guud ee qaranka iyo reer guuraa hantiilayaal noqday ayaa waxay dhab ahaan yihiin kuwa cunoqabateynta iyo dabargoynta ku haaya noloshii shacabka, dowladdana ka maareeyn la’dahay hababka lagu xakameyn karo sicir bararka iyo maciishadda sii hoobanaysa.

Qof kasta wuxuu la dhibbanaa Sicir bararku siduu weligii saameyn ugu lahaa noloshiisa, sida haddana, dhanka kale xabaddu ay qeyb uga ahayd nolosha bulshada. waxaa sidoo kale la qirsan yahay in mushaakilka dhaqaale ee jira ay qayb weyn ku leeyihiin ganacsato ka soo jeeda maamul beeleedyo waqtiyadii dambe abuurmeen iyo kuwii u adeegi jiray qabqablayaasha dagaalka, waxayna dhammaantood dagaal la galeen luminta iyo tirtirida qiimaha Shilin Soomaaliga.

Waxay si fowda ah u daabici jireen, suuqana soo gelin jireen lacago aan xadi laheyn ee Shilin Somali ah. Makiinadaha lagu daabaco lacagata Shillin Soomaaliga ah ayaa waxay ahaayeen kuwo looga faa’ideysanaayo dano burburin ah oo wakiilo looga ahaa dalal deris ah. Sidoo kale, daabacaadda Lacagaha been abuurka ah waxay kaloo fursado u sameysay “War Lords-kii” iska soo horjeedi jiray inay ka dhigtaan waddo ay u maraa ka mid noqoshada hoggaanka dalka.

Taariikhda Sicir Bararka iyo dhibaatada mudada dheer ee Somalia haysatay waxay kaloo ku qotontaa iyada oo aan jirin fursado ama hannaan wax dhoofin ah, in wax la keeno mooyee, tusaale, looararka faraha badan ee suuqyada daadsan, kuna kala yimid qaabab ganacsi ama kaalmo waxay sun ku noqdeen noloshii iyo horumarkii dhaqaalaha Somalia. Ma jirin adeegyo dhiirogeliya wax soo saarka gudaha, wax dhoofinta iyo maareyn ku wajahan hannaan maaliyadeed, bankiyo iyo mid baayamushtar hagaagsan ah oo ka wada turjumaayaan nidaamka suuqa xorta ah iyo guud ahaan horumarinta iyo kobacinta dhaqaale.

Mudooyinkan danbe gaar ahaan 6-dii bilood ee jirtay Dowlad Dhexe ee Dastuuri ah, waxaa lagu naalooday wax xoogaa ah ee amni ah, kaasoo dhiirageliyay qaxooti iyo qurba joog badan iney wadanka ku soo noqdaan, waxaa sameysmay in Shlinka Soomaaliga oo mudo dheer la ildarnaa qiima dhac aad u qoto dheer uu hadda soo xoogeysto, kadib markii lacago fara badan oo adag wadanka ay soo galiyeen.

Iyadoo aan jirin Banki dhexe iyo heya’do kale ee ku shaqo leh maareynta keydadka maaliyadeed ayaa haddane mushaarooyinka shaqaalaha, kuwa ciidamada iyo hababka wax kala iibsiga suuqyada badeecadaha, dhulka iyo dhismooyinka waxay noqdeen kuwo dhex ordaayaan isticmaalka lacagaha Dollarka, sidoo kalena qoysas badan oo dibadaha laga soo biilo ay si toos ah noloshooda ugu xiran tahay suuqyada xawaaladaha ee lacagta adag laga isticmaalo.

Somalia waxay noqotay suuq xor ah oo haddana xaaraan ah, sababtoo ah waxaan jirin nidaam isku duwaaya dhammaan wax kastoo la xariira nolosha suuqa xorta ah iyo lacagaha, mana jirto siyaasad qeexan ee habka canshuuraha iyo qaababka dakhli ee dowladdu maamusho. Inkastoo Dhaqaalaha iyo Kheyraadka wadanku aan mideysneyn ayaa haddana waxaa dhanka kale jiro dhibaato Dowladda kaga imaaneyso deegaano beelo maamulaan oo aan awoodeedu hoos imaan, kuwaasoo si xaaraan ah ku haysta ilo adeegyo muhim ah, kana soo xaroodaan dakhli iyo canshuuro aan lala socon.

Dowladda waa iney la timaadaa qaabab ay ku xakameyneyso jaho-wareerka caadiga iska noqday ee suuqyada xorta ah, kuwaasoo qatar ku ah nolosha mujtamaca, dhaqaalaha iyo amaanka qaranka intaba. In laga hortago sicir barrar si xun u saameeya maciishada, waxay la mid tahay waajibnimada ka hortagista cudurada faafafa ee qatarta ah. Waxaa loo baahan yahay in la soo saaro shuruuc iyo nidaam ku wajahan inan ganacsato faro ku tiris ah awood u yeelan iney sidey doonaan ka yeelaan dhaqaalaha iyo ganacsiga suuqa xorta ah.

Samatar ma mudan yahay Xasaanad siyaasadeed?
Wargeyska Washington Post wuxuu shalay daabacay Dowladda Somalia oo weydiisaneysa Mareykanka inuu xasaanad siiyo Maxamed Cali Samatar, kuxigeenkii hore ee Kaliyii Taliyihii Somalia. Ra’iisul Wasaare Saacid waraaq uu qoray ayaa soo gaartay Dowladda Mareykanka oo arintaasi kaga codsanayo.

Maxamed Cali Samatar waxay sanadkii hore ku heshay maxkamad ku taal Mareykanka inuu dambiyo iyo godob fal dhanka aadamiga ah ka galay qeybo ka mid ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidaas darteed Maxamed Cali Samatar Waxaa lagu xukumay in uu siiyo aduun dhan $21 Malyan [21 MIlyan oo Dollar} Todobo qof oo soo dacweysay, dhamaantoodna ah Soomaalida reer Waqooyiga ah ee haysta dhalashada Mareykanka.

Dacwaddaasi oo aheyd mid madani ah wuxuu Samatar kaga jawaabay xukunka Maxmakamada “Default” yanci in maxkamadda sii wadi karin, racfaana qaadan karin wax la’aan darteed.

Saxnimada Waraaqda Saacid ayaa shaki badan abuurtay. Dad badan ayaa qaba waraaqda iney been abuur tahay, soona qoreen shaqsiyaad ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo qaar ka mid ah Website-ka White House-ka ku qora hadalo looga soo horjeedo Dowladda Somalia iyo inaan cunaqabateynta hubka laga qaadin Somalia. Qaar kalena waxay qabaan waraaqda iney u eg tahay mid dhab ah, Ra;iisul Wasaarahana ku deg degay iyadoo la tashi kala sameyn ama soo marin Baarlamaanka.

Siyaasiyiin iyo qaanuunyahano Soomaaliyeed oo degan wadanka Mareykanka ayaa Warfaafiye.com u sheegeen waraaqdu hadii Ra’iisul Wasaare Saacid qoray ay noqon karto mid niyad jab ah, dhaleeceyna ugu imaan karto dad badan oo Dowladda taageersan.

Xukunka Maxamed Cali Samatar waxay soo martay geeddi socod xagga qaanuunka ah sanado badan. Sharciga Mareykanka waa oggol yahay in dacwad lagu soo oogi karo qof kasta oo magangelyo u jooga dalka Mareykanka, hadii uu wadankiisa kasoo galay dambiyo mansab kasta uu dalkiisa kasoo hayn jiray.

Dacwada Samatar waxaa lasoo mariyay ururo u doodda dhibanayaasha iyo xaquuqda aadamaha oo caalamka iyo wadanka Mareykanka magac ku leh, kuwaasoo dacwada u gudbiyay maxkamaddo madani ah oo mudo dheer socotay, maxkamaddaha Mareykankana waxay xaq u leeyihiin iney dhageystaan dacwad kasta oo leh dabeecad nooc ka mid ah dambiyada ka dhanka ah aadanimada iyo kuwa la xariira dambiyada dagaalka.

Dambiyada ugu waaweyn ee Somalia ka dhacay waxay kasoo bilaabmeen mudadii dheereed ee xukunka kaliye talisnimada oo sababay burburka Qaranimada iyo fashilka dowladeed ee mudada dheer Somalia wajaheysay, waxaa la galay dambiyo dagaal iyo kuwo lid ku ah aadanimada, xiligii Siyaad Bare oo Maxamed Cali Samatar ka ciyaarayay kaalinta Labaad ee xukunka kaliyetalisnimada.

Samatar markuu soo galayay Mareykanka Somalia xil kama hayn, wuxuu ahaa shaqsi caadi ah oo magangelyo doon ah, mana laheyn xasaanad gaar ah ee lagu soo dhoweynayay, xafiisyada socdaalka Mareykankana uma arkeynin mas’uul magangelyo doon ah ee wadankiisa kasoo baqo cararay. Waxaa la siiyay xeerka inuu Mareykanka ku noolaan karo isagoo ah shaqsi caadi ah, lana xaquuq ah sida mida la siiyo laaji kasta ee magangelyo doon ah.

Xukuumadda Somalia xaq uma laha in xasaanad u weydiiso Samatar iyo qof kasto oo la mid ah loona haysto gabood fal mudadii xukunka haayeen, xukuumaddana hadii arintaasi ay ku dhaqaaqeyso waxay tahay iney u marto Dastuuriyan Golaha Baarlamaanka oo awood u leh inuu sharci kasoo saaro xeerarka xasaaniyada, marka laga hadlaayo taariikhda dambiyada dagaal iyo mida laga galay xaquuqda dadka Soomaaliyeed mudadii xukunka xiligii kaliyetalisnimada.

Weli ma dhicin in la helo wadiiqo Somalia ku xaqiijisay dib u heshiisiin buuxda iyo is cafin la xariirta nidaamkii Afweyne.

Qormadan Waxay gaar u tahay Warfaafiye.com Hadii aad jeclaato inaad qaadato Xigasho Sameey, si Xaquuqdeena noo siiso

Qormo: Guulaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.
Aqoonsiga sharciyadeed ee waafaqsan qaanuunka dowliga ah ee la siiyay Dowladda Somalia ayaa waxay ku timid mudada kooban ee maamulka cusub ee Dowladda federaalka Somalia howlaha adag ay ku tallaabsatay oo ay ugu horeeyaan xagga amniga iyo horumarinta.

Arrimahaasi waxay iftiimiyeen mabaadiida siyaasadda arrimaha dibada ee Somalia oo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ka muujisay dadaal badan oo ku dhisan karti iyo aqoon.

Mudada ay Wasaaradda arrimaha dibada madaxda ka tahay ayaa waxaa u soo hoyatay Somalia guulo diblumaasiyadeed oo taariikhi ah. Hadaba gabadhaasi Soomaaliyeed waxay ku talo jirtaa:

1- Beesha caalamka in ay ka iibiso dowladdaha iyo ururada caalamiga ah inay xarumo iyo rugo diblumaasiyadeed ku yeeshaan Muqdisho.

2-Xarumihii beesha caalamka ee qaabilsanaa arrimaha xiriirka Somalia ee fadhigooda ahaa Nairobi in loo soo wareejiyo Muqdisho.

3-In iskaashiga iyo wixii kaalmo ee dowladda Soomaaliyeed loogu deeqayo ay noqoto mid aan loo soo marin Qaramada Midoobay iyo Hay’addo kale aan dowli aheyn.

4- In la isku shaandheeyo Safaaraddaha iyo qunsiliyadaha dibada ee Somalia, lana soo koobo iyadoo lagu jaangoynayo awooda dhaqaale ee dalka.

5- Mustaqbalka African Unian, IGAD, Ururka Islaamka, kan dowladaha dhexdhexaadka iyo Jaamacadda Carabta oo dhamaantood Somalia xubin ka tahay in shirarkooda iyo kulamada ay yeelan doonaan lagu dhigo Somalia marka ay lagama maarmaan noqoto.

6- In la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, xiriirka lala leeyahay dowladdaha iyo ururada caalamiga ah, si gaar ah, Dowladdaha Carabta, Africa, dowladdaha deriska iyo kuwa Somalia ay la wadaagto Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

7-In Siyaasad cad laga qaato heerka xiriirka Somalia ay la yeelaneyso dowladdaha deriska, iyadoo la tixgelinayo amaanka Qaranka, madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Somalia.

8-Somalia waxay taageereysaa qadiyadaha adduunka ee sharuucda caalamiga ah waafaqsan, la dagaalanka argagixisada iyo in la dhowro xaqnimada dal walba u leeyahay amni iyo madaxbannaanidiisa dowladeed.

9-Somalia waxay aqoonsan tahay, kuna soconeysa mabaadii’da aasaasiga ah ee xeerarka ummadaha midoobay, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo kan Islaamka.

10- Somalia waxay aqoonsan tahay heshiisyada caalamiga ah ee jideynaya xaquuqda insaanka iyo sharafta aadanimada.

11-Somalia waa dal dhexdhexaad ah, lana siman dowladdaha aduunka, xaqna u leh difaacida Qaranimada, xuduudihiisa dhuleed, bad iyo hawaba.

Qodobada kor ku xusan oo ah mabaadii aasaasi ah oo ay ku howlgaleyso Wasaaradda arrimaha dibada Somalia ayaa noqonaya jadwal camalkii ugu horeeyay ee Somalia ku caddeyneyso mowqifyadeeda caalamig ah.

Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyadoo kaashaneysa waaya aragnimadeeda mudada fog ay ku soo dhex jirtay howlihii  wasaaradda arrimaha dibada ayaa hadda waxay toosh ku baadi goobeysaa rug caddaayaashii hore ee wasaaradda ka tirsanaan jiray, kuwaasoo kaabi kara waajibaadka culus ee wasaaraddu is hor dhigeyso.

Kaadiriintii ugu cusleyd ee wasaaradda ayaa weli waxay yihiin qaar diyaar u ah in aqoontooda iyo waaga aragnimadooda ugu faa’iideeyaan dowladda Soomaaliyeed iyadoo aan wax shuruud ah ku xirneyn, sida Danjire Maxamed Shariif, Danjire Baazi M. Suufi, Danjire Maxamed Cusmaan, Danjire Maxamed Axmed Caalim, Danjire Ciise Maxamed Cali “Ciise Dheere”,  Danjire Faadumo M. Eenoow  iyo aqyaar iyo Gabdho kale.

Qormadan Waxay gaar u tahay Warfaafiye, Hadii aad jeclaato inaad qaadato Xigasho Sameey, si Xaquuqdeena noo siiso

Shirqoolada Kenya ku hayso Somalia {Faallo}
Wixii ka danbeeyay Septembar sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxay yeelatay dowlad dastuuri ah oo beesha caalamka si buuxda u ictiraafsan tahay. Kenya iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo dano gaar leh ayaa iska kaashanayaan in hormarkaas Somalia kasbatay la wiiqo iyo in weli lagu sii jiro dhaqammadii qaranimo-diidnimada ku saleysnaa intii lagu guda jiray xiliyadii Ku meelgaarnimada iyo kii ka horreeyay ee qabqablayaasha.

Siyaasadaha Kenya ee maanta ka mid ma ah inay xushmayso, ama caddeysato iney Soomaaliya yeelato Dowlad iyo nidaam deggan oo ay la sameysato xiriir ku qotoma derisnimo wanaag iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo si siman ugu adeega danaha labada dal. Taas beddelkeeda, waxay Kenya ku haysaa faragelin aan xushmadeysnayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo qaddiyadaheeda dowladnimo, si gaar ah waxay qaataa taaloobooyin iyo xadgudubyo qatar ku ah amaanka qaranka Soomaaliyeed iyo soodimaheedaa dhuleed iyo badeed.

Sidoo kale waxay ku hanjabtaa in la eryayo ganacsatada iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee managelyada ku jooga Kenya, gaar ahaan kuwa magaalooyinka iyo xeryaha deganba, mararka qaarkoodna waxay u adeegsataaba xadgudubyo ka dhan ah sharafta aadanimada .

Ilaa iyo hadda Kenya waxay weli ku dhegan tahay qeybo ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, sida J/hoose iyo magaalada Kismaayaba in ay ka sameyso maamul iyada taabacsan iyo xeendaabyo laga difaaco dalkeeda. Tallaabooyinkaas, waxaa ugu qarsoon in ay dhulkeeda ku darsato qeybo ka mid ah biyaha dhuleed ee koonfurta Soomaaliya, si ay halkaasi uga la soo baxdo wixii kheyraad dabiici ah, sida Gaaska iyo Shidaalka. Waana Arrimo strategic ah oo qayb weyn ka ah siyaasadaheeda ku aaddan Somalia.

Midowga Africa iyo Umaddaha Midoobay waxay qaranka Soomaaliyeed meel uga dhaceen markii ay soo dhaweeyeen in Kenya qaadato go’aan iskeed ah oo ay ciidamadeeda ku soo gelinayso gudaha Soomaaliya, haddana ay u oggolaadeen in ay ka mid noqdaan AMISOM. Taasi waxay kaloo Kenya ku dhiirogelisay, haddana, inay iskeed u weydiisato Golaha Amaanka ee umaddaha midoobay in ciidamadeeda badda loo fasaxo iney ka howlgalaan gudaha biyaha Somalia.

Meel ka dhaca dowladda Kenya ay ku heyso madaxbannaanida qarameed ee Somalia ma ahan wax qarsoon, bal way caddahay inay ka fa’iideysaneyso xiliga dhibaatada oo ay ummada Somaliyeed ka haysato difaacidda xagga amigeeda qarameed iyo inay si dhab u hirgasho talaabo kasta oo lagu xoojin karo dib u heshiisiin ka aslaaxda dhexdeeda.

Nairobi waxaa hadda ka socda abaabulo dowladda Kenya ku shirinayso dad Af-Soomaaliga ku hadla oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana soo kala jeeda Zoonka 5-aad ee Ethiopia iyo NFD, kuwaasoo sheeganaya iney degaan gobolka Jubbada Hoose.

Waa arrin qayb ka ah istaraatiijyada Kenya ee ajnabigaasi looga sii jeedinaayo iney qayb ka yihiin qoomiyadaha wax ka dega Ethiopia iyo Kenya. Axmad Madoobe oo dambiyo argagixiso ugu xernaa Ethiopia ayaa hadda isagoo xor ah wuxuu madiidan weyn u yahay Kenya sidii himilooyinkeeda iyo danaheeda siyaasadeed ugu meel mari lahaayeen gudaha Somalia.

Waxba isma dooriyaan qatarta qaran diidnimada Somalia ugu imaaneya Kenya iyo argagixisada Al-Shabaab, waa isku mid waana isku hadaf, waxayna yihiin labo argagixiso oo dano kala duwan leh, halisna ku ah amaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo guud ahaan xasiloonida mandaqadda oo dhan.

Waxaa horay looga soo gudbay faragelintii Ethiopia oo ku soo gababoobmay guuldarro taariikheed kadib markii ay ku fashilantay xoog adeegsigeedii ka baxsanaa danaha amni ee mandiqada, hase ahaatee, Kenya oo hadda loo arko inay ku cibaarad qaadan waaya-aragnimadaas ayaa kol dhow waxay wajihi doontaa cawaaqib xumo ka sii darran guuldarradii Ethiopia marka dib loo eegoo damacyadeeda waalan ee caddaawadda ah oo ay Somalia la dul joogto xiliga ay dhibaateysan tahay.

Dabcan Shacbka waddaniyiinta Soomaalidu waxay og yihiin Kenya shirqooladaas inay u marto maamul beeleedyo si dhoobdhoob ah uga dhisan qaybo ka mid ah gudaha Somalia sida kan artifishaalka ah ee Garoowe ka jira oo kale, taasi oo turaanturo ku ah isbadalka cusub ee Somalia ka hana qaaday.

Ajaaniibta argagixisada ah, kana barbar dagaalama Al-shabaab waxay xooggooda ka soo gudbaan dhanka Kenya, iyada oo ay shaki badan ka jiraan in Askarta Kenya ay ku lug yeeshaan u fududeyntooda. Dhanka hubka iyo saannadoodana ay ka soo gudbaan xeebaha gobolada Bari iyo sanaag, waxaana loo arki karaa inay yihiin qorshe qarsoodi ah oo isku xiran.

Todobaadkii lasoo dhaafay dooddii Golaha Amaanka ee QM ka yeeshay arrimaha Somalia waxay Wasiirka Arrimaha Dibadda, gabadha Soomaaliyeed, Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan gaashaanka u duruurtay codsigii Dowladda Kenya, kuna saabsanaa in Ciidamadeeda badda magaca Amisom uga howlgasho ilaalinta baddaha Somalia, welibana beesha caalamka kaga hesho qarash tobanaan malyan oo doolar gaaraya.

Talaabada Dowladda Soomaaliyeed ee arrintaas ka qaadday waa geesinimo dhab ah oo soo dhaweyn leh, mudana in la bogaadiyo. Kenya ilaa hadda waxay hor taagan tahay in Somalia laga qaado cunuqabteynta ee labaatankii dhowrkii sanno saarnaa iyo in beesha caalamka dhisto aawoodihii ciidan ee ku filnaan lahaa difaaca qaranimada Soomaaliya.

Shacbiga waxaa la gudboon feejignaan iyo iney indhaha u furaan dhaqdhaqaaqyada Kenya wato iyo gaar ahaan shirarka shirqoolada ah oo ay ka abaabuleyso Nairobi gudaheeda. Waxaa habboon inay muujiyaan waddaniyad, dib u midow iyo inay is-cafiyaan. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan, kuwa ula qaxay naftooda iyo maalkoodaba Kenya, kuna heysan sharaf iyo xurmo loo haayo canshuuraha ay bixiyaan, waxaa kaga habboon dareen xumada ay ku joogaan halkaasi iyagoo dib ugu soo noqda dalkooda hooyo, kana qaybqaata dib u dhiskiisa iyo dib u mideyntiisa Kenya la daba joogto shirqooladeeda.

FG. Qormadan waxay gaar u tahay Warfaafiye.com, hadaad qaadaneyso xigasho ku sameey meesha aad ka qaadaneyso

Dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga ah soo gaarsiiyo Dumarka
Maanta {06-02-13} oo caalamka dhan laga xusayo maalinta gudniinka fircooniga “FGM” ayaa waxay qormadan ka hadleysaa dhibaatada iyo halista gudniinka fircooniga u leeyahay haweenka, inagoo soo qaadaneyso qodobo taariikheysan iyo suugaan muujineysa gabar uu haleeyay Laf guri ka dhashay gudniin ku xumaaday, balse marka hore aan qeexno gudniinka.

Gudniinka Gabdhaha (Clitorydectomy) waa mid gabdhaha lagaga xayuubiyo qolofta ku daboolan xubinta muujisa rabitaanka raaxada iyo dareenka (Clitoris), taas oo qabata howsha dareen ee haweeneyda xiliiga howlaha isutagga (Orgasm). waxayna caadadaan lagu naafeynayo xubnaha taranka ee haweenka sanad kasta asiibtaa in ka badan boqol iyo afartan milyan oo gabdhood oo caalamka ku nool, kuwaas oo ay ugu badan yihiin kuwa qaaradda Afrika.

Qur’aanka kariimka hal Aayad oo in la gudo Gabdhaha ku qeexan kuma jiro, mana jiro Xadiis saxiix ah ama go’aan ay mashaa’iqda gaareen oo banneynaya in la xayuubiyo gabdhaha, taasina waxaa tusaale noogu filan, Nabigu SCW wuxuu dhalay afar gabdhood, dhamaantood inuu guday sunnadiisa iyo siiradiisa midna laguma sheegin.

Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan iyo  caado soo jireen ah Kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise”CW’ hortii, oo diinteena suuban wax raad ah ku laheyn, taariikhdana waxay sheegtaa in uu ka yimid Faraaciintii xukumeysay dhulweynihii ku teedsanaa webiga Niil, mana jirto dhul aan aheyn waadiga Niil iyo dhulalka ku dhow dhow oo dhaqankaasi ilaa hada ka jiro.

Dhibaatada ka dhalaata Gudniinka Gabadha ee laga goynayo qeyb ka mid ah jirka “Kintirka”!

Gabadha la guda waxay nolosheeda saameeya cuduro, cuqdad nafsi, nacayb iyo cadawtinimo, ay ka qaato xubinta dareen ee laga gooyay, waxaana u sii dheer in galmada ninkeeda ugala qaybgeli karin sida dabiiciga ah ee haweenka kale ula dhaqmaan raggooda.

Waxay weysaa qeyb ka mid ah nolosheeda mar hadii raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, dareemi karin waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, oo isu badala cudurro nafsiyeed,  iyo mid jinsiyeed, waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guryaha Soomaaliyeed saameeyay.

Waa dhacdo xanuun badan oo bini’aadamka u adkeysan karin in xubin ka mid ah jirkaada oo saameynaya noloshaada danbe iyo mustaqbalkaada in waalidiinta qaarkood cadaabaan caruurtooda, iyadoo aysan jirin qalab casri ah oo xannuunka ka yareynaya, iyadoo la og yahay danbiga iyo xadgudubka aad u geysaneyso ilmahaada.

Sugaanleyda Soomaaliyeed iyo Hal Abuurka cabiray dhaqankaasi foosha xun!.

Qoraaga sare ee Buugga Gabar Tima Tidcan, Maxamuud Cali Calasoow (Jaani Dheere), ayaa tix uu ku muujinayey calaacalka gabar dhibaatadii uu gudniinka soo gaarsiiyey ay lafguri isu beddeshay, balse marka hore Jaani Dheere ha inoo macneeyo waxa uu yahay Lafguri.

Lafguri wuxuu Buugaan ku sheegay isagoo soo xiganaya Dhakhtarka la yiraahdo Dr.Maxamed Soomaali Allaha u naxariistee oo sanooyin fara badan ku soo dhex jiray howlaha gudniinka, in ay tahay qodbid gudniin fircooni ah oo xumaatay, kuna timid murqo laysku tolay, kuwaas oo kaashaday dhiiggii caadada ee gabadha ka soo bixi waayey kuna xirmay, kaas oo sida shubka u adkaaday.

Jaani Dheere wuxuu tixdiisa calaacal ee Buugga Gabar Tima Tidcan ku billaabayaa middan oo muujinaysa gabar lafguri qabta oo tilmaamaysa xanuunka iyo dhibaatada shaqsiyadeed ee lafgurida, waxaana ka mid ah miraha tixdaas:

Walaal gacalisaay

Gashiyo middida

Mataanaha is gabay,

Nasiibkii gugcay

Sababtuu u guray

Waa iin-Lafguri.

Ganuunkii la tolay

Cudur iga galaa

Goobtaas i dhigay,

Dabiib gayn iyo

Gubid waa ku dayey

Waana garan la’ahay.

Guumeys ma ahiyoo

Anoo gabar yar ah

Ayaa gariir cadde

Geedkaas ii yimid,

Hoo gabbaati iyo

Ballan aan galno,

Guuleed i yiri.

Gabar ma ahiyoo

Saddex guuris ayaa

laysii galbiyey,

Garoob ma ahiyoo

Gujo mooyiyee

Isma dheerin giif.

Mana gees xirni

Gu’ga soo socda

Guur uma fadhiyo.

Gunda haysi dhib

Guul kuma timaad,

Waa guud markiye

Aan gardaadinee

Talo ila gorfee.

Dhanka kale dalalka wax ka saxiixay heshiiskii guud ee Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuquuqda Carruurta ayaa billaabay inay sharciyo adag oo lagu xoojinayo heshiiskaas, laguna mamnuucaayo nooca gudniin ee fircooniga ka billaabay dalalkooda. dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Finland, Holland iyo kuwo kale oo ka mid ah dalalka horey u maray ayaa durba billaabay in dadyowga magangelyada ku jooga waddamadooda oo ay ka mid tahay Soomaalida ku wacyi geliyey inay joojiyaan gudniinka fircooniga ah ee Gabdhahooda, iyadoo digniin lagu siiyey in waalidkii lagu helo inuu gudniinkaas u guday gabdhihiisa la ciqaabayo.

Mowduuca gudniinka gabdhaha waa mid waayadii hore ay aad u yarayd ka hadalkiisa, iyadoo ay dadku ka xishoon jireen sheegistiisa. fiiri kitaabka Soo Nooleynta Culimada Diinta ee uu qoray Imaam Xaamid Al-Gasaali kaas oo shan sadar keliya ka qoray gudniinka, waxaana jira axaadiis muujinaysa inuusan gudniinka firc-oonigu wax raad ah ku lahayn diinteenna.

Xarunta Waxbarashada iyo Horumarinta (Center for Education and Development ) oo xafiiskeeda ugu wayn uu yahay Magaalada Muqdisho, ayaa barnaamijkan lagu xusayo maalinta Guddniinka Fircooniga iyo baraarujinta xambaarsan ayaa suurageliyay soo gudbintiisa, waxayna xarunta horay u qabatay barnaamijyo wacyi gelin oo ku saabsan dhibaatada uu gudniinka fircooniga ah u leeyahay gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo qabatay seminaar ay ku tababareysay tababarayaal loogu tala galay inay bulshada u sii gudbiyaan casharradii ay seminaarkaas ku qaateen ee la xiriiray ciribtirka nooca gudniinkaas.

W/Diyaariyay: Ali Muhiaddin Ali

Muxiyaddiin@hotmail.com