Warfaafiye » Arrimaha Bulashada

Ayaan Xersi oo qaadatay dhalashada dalka Mareykanka (Video)
Ayaan Xirsi Ali oo asalkeeda ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse haysatay dhalashada wadanka Netherlands horayna ugu soo mid noqotay Baarlamaanka Netherlands ayaa hada qaadatay dhalashada Mareykanka waxa ayna sheegtay in 25 kii April ee sanadkaan ay martay dhaarta dhalashada Mareykanka kadib markii muddo ay ku nooleyd Dalkaasi.

Waxay sheegtay Ayaan Xirsi in ay si adag u dareentay noqoshada ay noqtay Mareykan dhowr marna ay ilmo soo buuxisay indhaheeda iyadoo 10 maalin ka hor maalinta loo dhaariyay noqoshada Mareykanka uu weerar qarax ah ku qaaday oradkii dheeraa ee Magaalada Boston oo ah isla magaalada ay ka qaadaday dhalashada Mareykanka.

Ayaan Xirsi oo markeedii hore ku dhalatay kuna soo barbaartay diinta Islaamka ayaa markii ay soo gashay qurbaha ka baxday waxaana ay ku caan baxday Islaam naceyb iyadoo qortay buugaag ay ka mid yihiin Infidel, Nomad, My Journey from Islam to America iyo waxa ayna qortay filimkii diinta loogu gefay ee submission ee ninkii soo saaray lagu dilay Magaalada Amsterdam iyadoo markaas kadibna ay gashay cabsi joogta oo qalqal badan galisay nolosheeda.

Waxaana markii dambe Muran badan ay ka dhex abuurtay golaha Baarlamaanka Netherlands ee ay ka mid aheyn gaar ahaan markii la soo bandhigay filimo cadeyn u ahaa in ay ka been sheegtay qaabkii ay isku dhiibtay, kadibna waxa ay iska casishay xubin nimadii Baarlamaanka oo ay u wareegtay Dalka Mareykanka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Fogaanarag

Niyadeeda weligeed kama baxeysid hdaad sidaan u sameyso Ninyahoow
Xilliyada xiisaha iyo soo jiidashada badanaa dhalinyarada ama raga aan iraahdee waxey dadaal xoogan u galaan sidey u soo jiidan lahaayeen gabadha ay ishoodu ka heshay, mid walbana wuxuu ku dadaalaa talaabooyin uu isleeyahay waad ku soo jiidan kartaa qoftaas, midbaa baabuur qurux badan soo qaata ama lebis qurux badan isugu roonaada, xariif kalana wuxuu isticmaalaa jeebkiisa oo wuxuu aaminsan yahay in lacagtiisa uu lacag ku jeceyl ku bedelan karo, hadaba aan idiin siiyo talaabooyin aad u fudud oo aad ku soo jiidan karto gacalisadaada.

Xushmad :bini aadamka sidiisuba waa u dhego nugul yahay qofka xushmeeya ee dhageysta ka koobiya waxa uu dareemaayo ama uu ka cabanaayo haweenkuna hadii ay ka helaan xushmad dheeri ah raggooda madaxa korkiisa ayey saartaa. Marwalba ula dhaqan sida qof caaqil ah camal marka aad la macaamileyso gabadha aad jeceshay.

Dareen leh Maad/Kaftan: Haweenka badankood aad ayey u jecel yihiin ninka kaftanka badan ee ku dheereeya madadaalada oo marka aad kulantiiba ku ilowsiinaayo waqtiga, waxaana la sheegay hadii aad ka qoslisiin taqaano haweenka waad hanan kartaa qalbigeeda, ha noqon qof marax ku ah kulamada shukaansiga hadii aad rabto inaad iska dhex aragto qalbiga gacalisadaada.

Garaad leh: Muuqaalka qurxan oo keliya kuuma fududeyn karto inaad hesho gaarida haween, waayo haweenku ma jecla nin doqon ah oo aragtidiisu gaaban tahay.

Haweenka aad ayey uga helaan ninka kartida leh ee caaqilka ah, marka ha ku dhaqmi saaxiibtaa horteed inaad weli tahay qalbi carruureed ama kaftamo doqonimo ah, isku day inaad marwalbo ku xisaabtanto qofka aad xiiseyno heerka ay mushtamaca kaga jirto.

Kalsoonida: waa arin ay haweenka badankood qiimeeyaan qofka isku kalsoon ee yaqaano waxa uu rabo ee aanan la gamban wuxuu damacsan yahay,hadii aad tahay qof isku kalsoon ogow waxaad nasiib u leeahay inaad hanato kalsoonida gabadha aad jeceshay,waayo haweenku ma dareeyaan raga hortooda daciifka ka ah ee aanan go’aano ku saabsan noloshooda qaadan Karin ama marwalbo talooyin ka soo qaata dad kale.

Masuuliyada: Haween badan aad ayey isugu dilaan raga masuuliyadooda aanan ka gamban, hadii aad tahay qof shaqeeya ee ku tunta lacagaha uu kasbado ama aad tahay mid qeyru masuul ah ee aan aduunkaba ka warheyn ee ku kor nool waalidkiis ama ehelkiisa ama aaminsan cideyda ayaa lacag heysata ee maxaan isku dhibaa ogow waxaad wadataa ceebaha ugu adage ee ay dumarku kugu liidi karaan, alcarabiya waxa ay ku leedahay Noqo qof isku filan oo kasban kara noloshiisa una halgan sidii aad u soo dhacsan laheyd baahidaada nolosha, ka shaqeey naftaada ahmiyadna sii xirfadaada si aad u noqoto nin dhameystiran, kadib waxaad noqoneysaa naag walbo dooqeeda.

Halyeey: hadii aad tahay fulay orod dheer oo aan wajihi Karin dhibaatooyinka nolosha aduunka yaala waxaan ka xumahay inaan ku iraahdo dumarka xagooda waad ka qaday,hadii ay nasiibkaaga noqotana waxaad ku nooshahay kalsooni daro iyo yasmo. Side ku rabtaa in ay xaaskaaga ama gacalisadaada nafteeda kugu aaminto hadii aadan ka difaaci Karin culeysyada mustaqbalka imaan kara. U dhaqan sida geesi.

Deeqsi: Ma tahay qof deeqsi ah oo aan gacantiisa dun iyo cirbid lagu tolin? Dhaqanka naxariistinimo wuxuu dhaqaajiyaa qalbiyada, alcarabiya waxa ay ku leedahay marwalbo u dhaqan si deeqsinmo ah qof walbo oo agagaarkaaga ku nool. Haweenku aad ayey u jece yihiin raga qalbigooda weyn yahay ee dareema dhibaatooyinka dadka kale qabaan.

Hadii aad tilaabooyinkaan si taxadir leh aad u sameyso waxey kuu fureysaa qalbiyada haweenka aad jeceshahay inaad mustaqbal la wadaagto.

W/Q Fardowsa Maxamed Cabdulle

fardowsatina@yahoo.com

Ajaaniib shaqo u soo doontay Muqdisho (Video)
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya markii ay ku guuleysteen in ay xoogaga Al-Shababaab ka saaraan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya waxaa la helay xasilooni ganacsatada iyo shacabka ku hoggaamisay iney sameeyaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo nooc walba leh.

Taasi waxay dhalisay in beesha caalamka ay indhaha u soo jeediyaan Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii 22 sano ku guda jirtay, waxaana si xowli ah ugu socda magaalada Muqdisho howla kala duwan.

Labadii sano ee u danbeysay waxaa soo kordhayay ajaaniibta shaqo doonka ah ee kusoo qulqulayay Muqdisho, kuwaasi oo intooda badan si sharci daro ah dalka kusoo galayay.

Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegtay in 900 oo ajaaniib ah oo shaqo doon ah in ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaasi oo howlo kala duwan u jooga magaalada.

Waxayna Dowladda ay arintan ka soo saartay amaro adag oo ku socda ajaaniibta shaqo doonka ah ee ka yimaada dalalka Afrika, Yurub iyo Eeshiya.

Halkan ka Daawo Muuqaal arintan ku saabsan.

Actarad caan ah oo labadeeda naas iska bixisay (Video)
Xiddigta Hollywoodka ee Angelina Jolie ayaa laga saaray labadeeda naas kadib markii baaris in mudo ah u socotay lagu ogaaday in laga helay dhiicaanka cudurka halista ah ee Kansarka ku dhaca Naasaha, sidaasi darteedna waxay buuxisay shuuradaha qaliinka in laga saarayo labadeeda Naas.

Aktaradan caanka ah ayaa fariin culus u dirtay haweenka dunida ku nool ka hor inta aan qaliinka lagu sameyn, iyadoo sheegtay in tallaabadani ay tahay fariin ay u direyso haweenka si ay ugu dhiiradaan baaris ay maraan si caafimaadkooda ugu taxadiraan.

Angelina Julie oo 37 sano jir ah ayaa waxay sheegtay inay go’aankaan u qaadatay si ay nafteeda u bad baadiso, dumarka kalena ay ku daydaan.

Seyga qaba Angelina ee aktarka ah Brad Pitt ayaa tallaabadani isna soo dhoweeyay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay qaliinka labadeeda naas lagaga saaray xaaskiisa.

Hooyadeed Marcheline oo 56 sano jir ayaa u dhimatay cudurkan 2007-kii

Angelina Julie waxay dhashay Sadax caruur ah iyo Sadax ay soo korsatay, waxayna hadda tahay Safiir sharafeed Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF, waxayna dhowr jeer ka qeyb qaadatay barnaamijyada lagu caawiyo caruurta Africa, iyadoo lagu xasuusto booqashadii ay tagtay xerooyinkii qaxootiga Soomaaida ee Dhadhaab.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN MUUQAA AH

<object width="416" height="234" classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" id="ep_1195"><param name="allowfullscreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="wmode" value="transparent" /><param name="movie" value="http://i.cdn.turner.com/cnn/.element/apps/cvp/3.0/swf/cnn_embed_2x_container.swf?site=cnn&profile=desktop&context=embededition&videoId=health/2013/05/14/tsr-cohen-jolie-breast-cancer-wrap.cnn&contentId=health/2013/05/14/tsr-cohen-jolie-breast-cancer-wrap.cnn" /><param name="bgcolor" value="#000000" /><embed src="http://i.cdn.turner.com/cnn/.element/apps/cvp/3.0/swf/cnn_embed_2x_container.swf?site=cnn&profile=desktop&context=embededition&videoId=health/2013/05/14/tsr-cohen-jolie-breast-cancer-wrap.cnn&contentId=health/2013/05/14/tsr-cohen-jolie-breast-cancer-wrap.cnn" type="application/x-shockwave-flash" bgcolor="#000000" allowfullscreen="true" allowscriptaccess="always" width="640" wmode="transparent" height="420"></embed></object>

Daawo Film-ka Hubso oo ah Somali Short Film
HUBSO Waa Film Soomaali ah

Soo saaristii Kooxda Dhambaal

Writer and Director Zaki Olol Diirshe

Camera And Edeting Ali Asluub

Sweden-Eskilstuna 2013

HALKAAN KA DAAWO HUBSO OO DHAMEYSTIRAN

Franck Ribery oo ka carooday Khamri lagu shubay maadaama Muslim yahay
Jerome Boateng iyo Franck Ribery oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda Jarmalka ah ee Bayern Munchen ayaa isku xanaaqsan isla markaana salaanta iska qaadin kadib markii Jerome Boateng uu farxad daraadeed ugu qubeeyay khamro Ribery oo haysta diinta Islaamka.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay kooxda Bayern Munchen kaga badisay kooxda kale ee isla Jarmalka ah Augsburg 3-0.

Franck Ribery oo ah ninka khamriga lagu daadiyay ayaa sheegay in uu horay ugu digay kooxdiisa in qofna uusan khamri ula soo dhawaan karin maadaama uu muslin yahay.

“Mar dambe lama hadlayo Jerome Boateng, wuu ogaa in aan muslin ahay oo aan ka xanaaqo khamriga, kas ayuuna u sameeyay”, sidaa waxaa yiri Ribery.

Kooxaha ka dhisan dalka Jarmalka ayaa waxaa caado u ah in ay isku qubaan khamriga nooca qaaliga ah marka ay guul soo hoyaan.

Lamaane aakhiro isla aaday iyagoo isku dhaggan (Daawo)
Lamaane u dhashay dalka Bangaladesh islamarkaana ka mid ahaa dadkii shaqaalaha ahaa ee uu dabaqa ku soo dumay dhawaan ayaa waxaa la helay iyagoo isku dhagan oo isla dhintay.

Dhacdadan oo ka yaabisay caalamka islamarkaana warbaahinta qabsatay ayaa waxaa warbaahinta u soo bandhigay sawirqaadaha lagu magacaabo Taslima Akhter, waxaana uu sheegay in hadafka uu ka lahaa uu yahay in uu caalamka tuso qaabka shaqaalaha isu jecenl yihiin.

in ka badan 1109 ruux oo shaqaale ah ayaa ku dhintay dabaq ay ka shaqeynayeen oo ku soo dumay, waxaana ilaa iminka soco raadinta dadka ku dhintay dabaqaas.

Injineerkii guriga dhisay, milkiilihii guriga, agaasimaha warshada dharka  iyo dadkale ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaasi oo lagu eedeeyay mas’uuliyada burburka gurigan iyo dhimashada ka dhalatay.8

Daawo Nin dhimasho raadinaayo oo loo diidayo
Goob Train Station ah ayaa waxaa ka dhacday arin cajiib ah, kadib markii uu halkaasi yimid nin dhimasho doonayay, kaasoo mudo daqiiqado ah sugayay Train meesha soo mara si uu iskuugu tuuro, kadibna u dhinto.

Hase ahaatee Shaqaalaha Tareenada ee Security oo goobta uu taagnaa ninkan dhimasho doonka ah, kusoo aaday xiligii tareenka uu soo xeranayay, ayaa shaki ka qaaday dhimasho doonka, wuxuuna markii uu tareenka soo xertay si deg deg ah iskugu tuuray wadadii tareenka marayay, nasiib wanaag, waxaa shaarkii uu xernaa si fudud ugu dhegay ninkii Security ahaa.

Inta badan dalalka Yurub iyo Ameeriko waxaa sanad walba dad dhimasho doon ah ayaa isku tuura xarumaha ay ku soo xertaan tareenada, kuwaasi oo u dhimashada u doorta markii ay la kulmaan arrimo dhinaca maskaxda ah iyo qofka oo isku buuqa.

Muuqaalkaan ayaa ah mid laga qabtay Kaamirada ku xeran meesha laga raaco tareenada, waxayna soconeynaa in ka yar hal daqiiqo oo naxdin leh.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA CAJIIBKA AH OO AH MID GAABAN

Liibiya ilaa Sweden waa video laga duubay Cumar & qaxootinimadiisa
Cali Cumar hadda wuxuu ku nool yahay dalka Swedan, wuxuu ka sheekeynayaa rafaadkii uu u soo maray Tahriibka Liibiya ilaa Tunisia.

Cali Cumar wuxuu ka sheegeeyay nolosha adag ee uu soo maray ka hor inta uusan dib u dejinta ka helin Dowladda Swedan, wuxuuna sheegay in farxad iyo nolol ka duwan tii hore uu la kulmay.

“Weligey kuma riyoon inaan ku noolaanayo gurigan oo kale, laakiin waa ku riyoon jiray inaan Yurub imaado” ayuu yiri Mr. Omar oo muuqaal cajiib ah laga sameeyay qaabkii uu ku yimid Swedan oo Hay’adda dib u dejinta Qaramada Midoobay UNHCR ay kasoo kaxeysay Tunisia iyadoo ay aqbashay Dowladda Swedan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA OMAR UU KAGA SHEEKEYNAYO NOLOSHIISA.

Hooyo wiilkeeda ku waysay isticmaalka Daawooyinka la isku cadeeyo (Video)
Gabar Soomali ah oo magaceeda iyo Magaalada ay ku nooshahay aanan soo bandhigaynin si aan u xafidno Marxaladaha u gaar ah, balse si guud aan u sheegayno in ay ka mid tahay gabdhah ku dhaqan Dalka Holland ayaa waxaa la soo gudboonaaday arrin mugdi galisay nolosheeda kadib markii wiil yar oo ay dhashay uu ka xanuunsaday, markii baaritaan lagu sameeyayna laga helay dhiigiisiisa Kiimiko halis ah oo jar jarta maqaarka jirka baniáadamka.

Dhaqaatiirta oo aad ula yaabay halka ay kiimikada ka soo raacday dhiiga wiilka ayaa ka shakiyay in ilmaha uu cunay qashin kiimikada ay la socotay maadaama uu yahay sanad iyo xoogaa jir hase ahaatee markii ay sii baareen ayay ogaadeen in caanaha naaska ay la socotay kiimikada iyagoo kadibna baaritaan kula dhaqaaqay gabadha dhashay wiilka oo jirkeeda ay ka heleen kiimikada oo xad dhaaf ah.

Gabadha ayaa waaga uu ku baryay markii ay ogaatay in ilmaheeda uu la xanuunsanayo daawo kiimika ah oo jirkeeda ka soo raacay, waxa ayna ogaatay in kiimikada jirkeeda u gudubtay ay tahay daawo ay ku cadeyso maqaarkeeda oo ay isticmaalaysay tan iyo 19 jirkeedii, hadana waa 24 jir.

Waxayna sheekada ku sii xumaatay kadib markii ay u imaadeen qolyaha caruurta ku shaqada leh oo u sheegay in dhaqaatiirta ay ku soo wargiliyeen in aysan sii hayn karin ama sii xanaaneyn karin wiilkeeda maadaama uu u baahan yahay xanaano dheeraad ah oo jirkiisa looga saarayo kiimikadda u raacday naaska ay nuujisay sidaas darteedna laga qaaday wiilkii sanad iyo xoogaa jirka ahaa.

Waxaa kaloo loo sheegay in dhaqtarka ay u tagto siiyo tallooyin la xiriira caafimaadka jirkeeda gaar ahaan maqaarka oo aad u jilcay ilaa heer uusan u dulqaadan karin hawada caadiga ama dabeysha xoogan ee mararka qaar dhacda.

Markii ay dhaqtarka u tagtayna waxa uu u sheegay in iyada xitaa ay u baahan tahay xanaano dheeri ah oo xiliyada isbadelka cimilada aysan ka soo bixin guriga ilaa ay ka dhamaysato daaweyn muddo qaadanayso oo xoogaa lagu xoojinaayo unugyada difaaca jirkeeda si adkeysi loogu yeelo maqaarkeeda.

Waxaa kaloo uu kula taliyay in dadka ay ku dhex jirto ay ka ilaaliso in ay qaadsiiso kiimikada jirkeeda ku jirta waayo waxaa jira nabro yar yar oo meelaha qaar jirkeeda ka soo baxay oo soo daynayo dheecaan kiimikada wata oo xitaa qof kale uu ka gaaro meel jirkiisa ka furan ay u gudbi karto sidaas darteedna ay masuuliyad iska saarto sidii ay u ilaalin laheyn nafteeda iyo nafta dadka kale ee u dhow dhow.

Waxaa sidoo kale uu ku baraarujiyay in daawooyinka ay isticmaashay ay yihiin kuwa aanan ka diiwaan gashneyn dalka oo mamnuuc ka ah sidaas darteedna ay qatar u keeni karto hadii Booliiska ay ku qabtaan.

Gabdha oo kaligeed ku noqotay guriga ay degan tahay ayaa waxaa halkaas ka soo waday gabdho kale oo Soomaali ah oo u cabsaday nolosheeda maadaama ay waysay cunigeeda odaygeedana uusan la joogin sidaas darteed hada waxa ay la joogtaa gabdhaha kale oo go,aan ku gaaray in sheekada ay baahiyaan si gabdhaha Soomaalida ee cadeeya midabkooda ay u ogaadaan qatarta ay keeni karto daawooyinka aanan dheeli tirneyn ee Maqaarka lagu cadeeyo.

Gabadha dhibka uu ku dhacay waa gabar ilaa xad wanaagsan diin ahaan dhaqan ahaanba, mana jiraan waxyaabo kale oo looga qaatay wiilkeeda marka laga reebo arintaan mucjisada ah ee sida lama filaanka ah ugu dhacday.

Dalka Nederland, waxa uu ka mid yahay dalalka Midowga Yurub ee mamnuuca ka ah isticmaalka daawooyinka la isku cadeeyo, iyadoo daawooyinka kiimikada dalka lagu soo geliyo si sharci daro ah, waxaana dhaqaatiirta ay ka digeen halist ay u keeni karto Caafimaada iyo Degaanka.

Muuqaalkaan Hoose waa Gabar Soomaaliyeed oo ka sheekeyneyso qaabka loo isticmaalo Daawada

Fogaan Arag