Buuq ka dhashay Calanka Shabab iyo Al-qacida oo la suray Swedan: Video

Dhismo ka danbeeya Masjid ku yaal magaalada Gothenburg ee dalka Swedan ayaa la suray Calanka ay caanka ku yihiin Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ee midibka madow dhexdena kaga yaal Ashahaadka iyo Suubanaheena Muxamed CSW.

Muran badan oo ka dhashay maalintii Ciidda ee lasoo dhaafay ayaa warbaahinta dalka Swedan ay baahisay muuqaalka dhismaha laga taagay Calanka, taasoo sababtay in meesha ay yimaadaan warbaahinta oo muuqaalo ka gudbiyay, waxaana markii danbe arinta xalku noqday in la dejiyo.

Calanka ayaa waxaa laga dhex taagay calamada dalalka dalalka Paskistan, Swedan iyo Bosnia, oo jaaliyadahooda ay ku tilmaameen ujeedada in ay  ugu dabaal degayaan maalinta Ciidda ee Muslimiinta.

Arintani ayaa laga wareystay Imaamka Masjidka goobta la suray oo la yiraahdo Sejdulija Huskic wuxuuna sheegay in Calanka madow uu yahay midka Islaamka ee muujinaayo Kalmada xaqa ah ee Ashahaadka iyo Nabi Muxamed CSW in uu ahaa Rasuulkii Alle.

Imaamka wuxuu sheegay in qof walba oo Muslim ah calankani uu yahay kiisa, sida laga fahmayna aysan aheyn ee uu yahay mid nabadeed.

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.