Itoobiya iyo Masar oo ku muran san Wabiga Nile

Waxaa muran xoogan ka dhax taagan yahay Dalalka Itoobiya iyo maasr kaa oo ka dhashay Mashruuca Biya Xireenka Wabiga Niil oo dowlada Itoobiya sheegtay in ay leexinayso Biyaha Wabigaa .

Dowlada Masar ayaa sheegtay in arintaa ay tahay mid samayn ku yeelanayso Dalka Masar hadii Itoobiya Mashruucaa hirgaliso waxana dowlada masar ka digtay in arintaa lugu deg dego .

Hayeeshee Safiirka Dalka Itoobiya u jooga Dalka Masar ayaa loo yeeray waxana lugu soo waramayaa in ay u badan tahay in arintaa la rabo in la gala hadlo ama loo soo dhiibo Fariin la xariirta Mashruuca biya xireenka .

Khubaro ka socda Dalalka Suudaan Masar iyo Itoobiya ayaa lugu wadaa in ay indhaindhayn doonaan Biyaha Wabigaan oo Dalka Masar aaminsan yahay in samayn wayn ku yeelan doono .

Dalka suudaan ayaa asna ku xiran Wabigaan laakiin Suudaan ayaa kuburo dhanka Korontada ku xeel dheer waxa ay sheegeen in wax samayn ah uusan ku yeelan doonin Dalka Suudaan .

Dowalada Masar ayaa ka soo horjeeda gabi ahaanba Xiritaanka Wabigaa waxana Masar hadii ay dhacdo in itoobiya hirgaliso Mashruucaa hoos u dhac ku imaan doonaa dhaqaalaha Dalka Masar oo ku tiirsan wabiga Niile .

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.