Shangole “Godane ayaa abaabulay dilkii mujaahid Al amriiki”

(WF News) Fu’aad Shangole oo si kulul u weeraray Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane kadib dilkii kooxa hubaysan u gaysteen Abuu Mansuur Al amriiki maalintii shalay waxa uuna ku eedeeyay shangole Godane in uu dilkaa abaabule ka ahaa .fuad-shangole

Waxa uu sheegay in dilkaa ay soo abaabuleen koox uu horseed u yahay Axmed Cabdi Godane waxa uuna sheegay in kooxaha dilkaa gaystay yihiin koox daacad u ah Godane oo ah koox gaalo ah waxa uuna tilmaamay in dilkaa uu soo maleegay Godane .

Fu,aad shangole waxa uu sheegay in ay jireen isku daya dhoor ah oo lala damacsanaa Wadaadka la dilay waxana dhamaan shirqooladaa ahaayeen ayuu yiri kuwa uu dabada ka riixayay Axmed Godane waxa uuna tilmaamay in ay jiri doonto maalin la hor keeni doono cadaalada .

Maalintii shalay ayaa Kooxa hubaysan waxa ay toogasho u gaysteen abuu mansuur Abuu Amriiki iyo ilaala la socotay waxana dilkiisa yimid kadib markii dhawaan waraqo qoraalo ah Ibraahin Afqaan u diray hugaamiyaasha Alqaacida Ayaman Al dawaahir kaa oo ugu dalbanayo in uu soo kala dhaxgala khilaafka soo kala dhaxgalay Alshabab.

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.