Jig jiga “jid masafurka Soomaalida lagu baarto”

Cabasho xooggan oo isa soo tareyso ayey ka muujiyeen dadka Soomaaliyeed ee masaafurka ku ah xarunta ismaamulka Soomaalida ee Jijiga, halkaasi oo ay kala kulmaan dhibaatooyin kaga imaanaya askarta xuduudaha fadhida oo caado ka dhigtay iney furtaan masaafurka laga dareemo inuu yahay Soomaali.

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee Masaafurka ku noqday Jigjiga ayaa sheegay in ku safrida Jigjiga iyo Harar ama deegaanada kale ee qowmiyadaha kale ee Ethiopia maamulaan ay kala duwan tahay.

Xushmad darada Soomaalida ay kala kulmaanna marka ay soo gelayaan iyo marka ay ugu soo baxayaan dhinaca Addis Ababa Jigjiga ayeysan kala kulmin baraha kontorool ee Harar, Debre Zeyit, Awasa, Addis Ababa iyo kuwo kale oo mowmiyadaha Oromada iyo Amharada ay degaan, kuwaasi si bini’aadanimo iyo soo dhoweyn ay ku jirto kala kulmaan halka Jigjiga ay kusoo maraan lacago baad ah oo looga qaado kontoroolka lagaga soo baxo dhinaca Addis Ababa ee lagu magacaabo Karamardha.

buurta-karamardha“Markii aad soo gasho Jigjiga ee damacdo inaad u sii gudubto Addis Ababa waxaa laguugu handadaa booliska meeshaan dadka ayuu qabqabtaa, , taasi waxaa kasii daran marka aad ka gudbeyso kontroolka Jigjiga ee dhinaca Addis Ababa aadeyso qof walba oo Soomaali ah waxaa qasab ku ah inuu bixiyo lacag u dhiganta 10 Dollar, hadii kale maka gudbeysid oo waxaa dhici karta in xabsi laguu gudbiyo ilaa aad ka bixiso lacagta” sidaasi waxaa Warfaafiye.com u sheegay mid ka mid ah dhalinyaro habeen hore laga reebay gaarigii ay ku safrayeen oo lagu magacaabo Cumar Xaaji Maxamed, balse markii danbe qasab ku noqotay iney bixiyaan lacagta.

“Xabashiga Oromada iyo kan Amxaariga ah, ayaa Walaahi dhaama oo ku qadarinaya, intee u socotaa kuma oronayo, kaliya waa lagu baaraa kadibna gaarigaada ayaa ku laabanee, cid lacag baad kaa qaadeyso ma jirto, laakiin Jigjiga waa meel Soomaalida lagu furto, kan furanaya waa Soomaali Ethiopian ismooday” ayuu sii raaciyay Cumar Xaaji Maxamed.

Dadka Soomaaliyeed ee u safra magaalada Addis Ababa ayaa waxay cabasho ka muujiyeen Kontoroolka lagaga baxo Jigjiga iyadoo mararka qaar ay dhacdo in dharkooda iyo alaabahooda lagaga furto, sidoo kale xiliyada qaar kontroolka Wajaale ayaa sidan oo kale ay dadka ugu baartaan askarta oo u badan kuwo Soomaalida Itoobiya ee ku hadasha luuqada afka Soomaaliga.

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.