Al-Shabaab oo soo bandhigtay Film dagaalyahano ajnabi ah “Daawo”

Maliishiyada Argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia ayaa soo bandhigay Muuqaalka Film cusub oo ka hadlaya noloshooda iyo kalimaad ay u jeedinayaan kooxaha ku fikirka ah ee caalamka ku nool.

Shabakadda Alkataib ee taageerta Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalkaan loogu magac daray Mujahideen Moments oo ku baxaya luuqada Englishka iyo Sawaaxiliga waxaana ka dhex muuqanaya Ajaaniib u badan Afrikaan iyo Madow kale oo Yurub iyo Ameeriko ka tegay, sidoo kale waxaa ka muuqda muwaan caddaan ah oo Mareykan ah.

Waxay ugu baaqayaan kooxaha ku fikirka ah ee ku nool dalalka reer galbeedka in ay ka soo haajiraan, kuna soo biiraan wax ay ku tilmaameen jihaadka xaqa ku saleysan ee ka socda Somalia.

Halkan ka daawo FilmkaMujahideen Moment

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.