CED-Som
|

Wariye C/casiis Koronto iyo dad kale oo dacwadooda dib loo dhigay

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dacwadda loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Afar qof kale oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo sayga qaba.

Xeer-ilaaliyaha maxakmadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay illaa maalinta Talaadada ah oo ku beegan 5 bisha, kaddib markii la waayay markhaatiyaal ku filan, dibna loo dhigay illaa shanta bishan.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in wariye C/casiis uu faafiyay warar been ah, sidoo kale haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay inay been abuur sameysay inkastoo haweeneyda ay ku adkeysanayso in la fara-xumeeyay.

Kiiska-Weriye-KorontoSidoo kale ninka qaba haweeneyda ku doodeysa in la kufsaday iyo laba qof oo iyagana la sheegay inay ku lug leeyihiin dacwadda ayaa lagu oogay inay ku dhiirri-geliyeen haweeneyda inay sheegto in ciidammo ka tirsan dowladda ay kufsadeen.

Dhamaan eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay dacwada lagu soo oogay, waxaana sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay qareenada u doodaya eedeysanayaashan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wariye C/casiis Koronto laga yaabo in lagu xukumo Sadax Sano oo xarig ah, inkastoo qeyladhaanta beesha caalamka iyo ururada xaquuqda aadaha ay soo kordhayaan.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 2 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...