CED-Som
|

Mid ka mid ah Salaadiinta Puntland oo Boosaaso lagu toogtay

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa duhurnimadii maanta toogasho ku dilay gudaha suuqa sarifka Boosaaso mid ka mid ah Suldaanada Puntland oo si weyn loo yaqaan.

Allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ku magac dheeree Onkod ayaa laba nin oo ku hubeysan bastoolado ay la dhaceen rasaas xili uu ku sugnaa suuqa sarifka ee Boosaaso, iyadoo goobta ay ka baxsadeen labadii dhalinyaro ee dilka geystay.

Markii uu dilka dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada amniga oo goobta ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay.

Allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse wuxuu ka mid ahaa Salaadiinta Puntland ee dhinaca nabada iyo dib u heshiisiinta mar walba ku howlanaa, wuxuuna inta badan ka qeyb qaadan jiray nabadeynta beelaha ku dagaalama gudaha Puntland.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 2 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...