CED-Som
|

Wasiiro isku dhaf ah oo xoojinaayo xiriirka Ethiopia & Somalia

Dowladda Somalia iyo Ethiopia ayaa Todobaadkii hore heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasoo bog cusub u furaya labada dal, waxaana la filayaa in guddigan heerka wasiir ay ku kulmaan magaalada Muqdisho, marka wafdiga Madaxweynaha uu kasoo laabto magaalada Londan oo hada booqasho ay ku marayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo heshiiskan u saxiixday Dowladda Somalia ayaa sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay si wadajir ah u sameeyeen guddi wadajir ah oo loogu magacdaray, Guddiga wadajirka ee heerka Wasiir.

Waxay sheegtay Wasiir Fowsiyo in guddigan kulankooda ugu horeeyo uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, inkastoo aysan sheegin xiliga uu dhacayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u saxiixay Dowladda Ethiopia, wuxuuna sheegay in dhismaha guddigan uu labada dal u furayo bog cusub oo nabadeed oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo iskaashi dhex mara labada dhinac.

Xiriirkan cusub iyo heshiiskan ayaa dhacay kadib shirkii Midowga Africa ee Isniintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maalintii Khamiista su’aallo ka weydiiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud xiriirka Dowladda Ethiopia iyo Somalia, wuxuuna sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa ay wanaajineyso xiriirka dalalka deriska oo Dowladda Somalia ka taageerto dhinaca milateriga iyo nabadgelyada.Guddi Wasiiro isku dhaf ah oo xoojinaayo xiriirka Ethiopia & Somalia oo ku kulmaya Muqdisho

Somalia-Ethiopia

Dowladda Somalia iyo Ethiopia ayaa Todobaadkii hore heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasoo bog cusub u furaya labada dal, waxaana la filayaa in guddigan heerka wasiir ay ku kulmaan magaalada Muqdisho, marka wafdiga Madaxweynaha uu kasoo laabto magaalada Londan oo hada booqasho ay ku marayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo heshiiskan u saxiixday Dowladda Somalia ayaa sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay si wadajir ah u sameeyeen guddi wadajir ah oo loogu magacdaray, Guddiga wadajirka ee heerka Wasiir.

Waxay sheegtay Wasiir Fowsiyo in guddigan kulankooda ugu horeeyo uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, inkastoo aysan sheegin xiliga uu dhacayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u saxiixay Dowladda Ethiopia, wuxuuna sheegay in dhismaha guddigan uu labada dal u furayo bog cusub oo nabadeed oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo iskaashi dhex mara labada dhinac.

Xiriirkan cusub iyo heshiiskan ayaa dhacay kadib shirkii Midowga Africa ee Isniintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maalintii Khamiista su’aallo ka weydiiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud xiriirka Dowladda Ethiopia iyo Somalia, wuxuuna sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa ay wanaajineyso xiriirka dalalka deriska oo Dowladda Somalia ka taageerto dhinaca milateriga iyo nabadgelyada.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 2 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...