CED-Som
|

Safiirka Somaliya ee Addis Ababa oo iibsaday fiisooyinkii Turkiga

Arday Soomaaliyeed oo heer Jaamacadeed ah, qaarkoodna waxbarashadooda ku dhameystay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo magaalooyinka kale ayaa laga hor istaagay iney aqoontooda ku helaan deeq waxbarasho oo Dowladda Turkiga ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo diiday in ay imtixaan u galaan 16 fiiso waxbarasho oo lasoo gaarsiiyay Safaaradda Somalia ee Addis Ababa si ay ugu faa’iideyso ardayda ku sugan Addis Ababa.

Mid ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee laga hor istaagay in uu u galo deeqdaasi waxbarasho imtixaan ayaa Warfaafiye u sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa Saciid Yuusuf uu si cad ugu wargeliyay ardaydii dooneysay in ay deeqdaasi u galaan imtixaan in aysan heli doonin hadii ay ku guuleystaan, qofkii dooneysana fiisahaasina ay ku xeran tahay inuu bixiyo Lix Kun oo Dollarka Mareykanka.

Safiirka-somalia-addis ababaWuxuu sheegay ardaygaasi oo magaciisa diiday in lasoo qoro, in ardaydii oo dhan aysan wax imtixaan ah gelin, iskuna mashquulin, balse qof walbo uu bixiyay Lix Kun Dollarka Mareykabka.

Todobaadkii hore ayaa ardaydaasi ay ka duuleen magaalada Addis Ababa, iyadoo laga iibsaday deeqdii waxbarasho ee Dowladda Turkiga ugu talagashay in looga faa’iideeyo ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Addis Ababa, maadaama gudaha dalka kuwa ku sugan ay heleen deeqo kuwaasi la mid ah.

Tallaabadani uu safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa waalidiin fara badan iyo ardayda ku nool Addis Ababa ay cambaareeyeen, iyagoo ugu baaqay Wasaaradda arrimaha dibada Somalia in ay soo farageliso howlaha guracan ee Safiirka uu kula dhaqmayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 2 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...