CED-Som
|

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee Ankara

Qarax ay ku dhinteen labo ka tirsan ilaalada Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Ankara ayaa maanta ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku, waxaana la sheegay in labada qof ee dhimatay ay ahaayeen ilaalada safaaradda.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isa soo miidaamiyay oo iridka safaaradda isku qarxiyay.

Saraakiisha ciidamada Turkiga iyo muuqaalo laga helayay kaamirooyinka ayaa sheegaya in qaraxa ahaa qof isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.

labo qof ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, waxaana durbadiiba goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega iyo gaadiidka dab damiska.qarax-Us embassy-ankara

Cid sheegatay ilaa hada ma jiro qaraxaasi dhaliyay khasaaraha dhimashada iyo burburka dhismooyinka safaarada iyo kuwa ku xeeran.

Sannadkii 2008-dii, ayaa kooxo hubeysan ay soo weerareen dhismaha safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Stanbul, waxaana weerarkaasi ku dhintay saddex nin oo kuwii weerarka soo qaaday iyo saddex boolis ah.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...