CED-Som
|

Wasiirad Fowziyo ayaa boorso looga xaday Hotelka Grand ee Brussels

Wasiirka arrimaha dibada Somalia ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ayaa laga xaday boorso nooca garabka lagu qaato ee xarakada ah isla markaana lagu xafido documentiyada iyo alaabaha yaryar.

Lama oga cida sida rasmiga ah u xaday, laakiin Security-ga hotelka ayaa ku guul dareystay in ay helaan boorsada iyo ciddii xaday in la helo, iyadoo Kaamirooyinka Hotelka baaris lagu sameeyay laga arki waayay cidda qaadatay boorsada.

Wasiiradda ayaa Warfaafiye u sheegtay in boorsada ay ugu jireen documenty muhiim ah iyo sharcigeeda dhalashada dalka Britain, taasoo keentay in ciidamada Booliska ay soo farageliyaan maadaama ay ka mid tahay wafdiga Madaxweynaha oo la filayo in ay booqdaan Londan, lana siiyay documenty muujinaya in sharcigeeda uu ugu dhumay hotelka ay ka deganeyd Brussels.fowsiya-yusuf

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in boorsada ka luntay Wasiirad Fowziyo ay ugu jireen documentiyo muhiim ah oo muujinayay ujeedada socdaalka iyo heshiisyo ay wada galeen midowga yurub, laakiin wasiiradda ma aysan sheegin arintaasi.

Jahawareer ay ka qaatay Wasiirada boorasada ka luntay ayaa keentay in ay ka qeybgeli weydo xaflad ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Biljamka iyo Holland Madaxweynaha kula hadlayay.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...