CED-Som
|

Soomaali ku xeran Addis Ababa oo la maxkamadeynayo Isniinta

Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya oo todobaadkii hore xaafadaha Addis Ababa ka qabqabtay in ku dhow 30 qof oo Soomaaliyeed ayaa la sheegay in maalinta Isniinta maxkamad lasoo taagayo, kuwaasi oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

Dadkan la qabqabtay ayaa waxaa ku jira rag caan ka ah Addis Ababa oo ganacsato ah gaar ahaan shirkaddaha xawaaladaha ka shaqeeya, waxaana raggaasi qaarkood la sheegay in caddeymo muujinaayo iney xiriiro hoose la leeyihiin kooxaha looga shakiyay ee Al-Shabaab.

Ethiopian-courtDad badan oo ku sugan Addis Ababa ayaa weli muujinaayo cabsi la xariirta in ciidamada Booliska Federaalka ay ka qabqabtaan xaafadahooda, waxaana yaraaday socodka dadkaasi ay ku imaan jireen magaalada iyo goobaha lagu kulmo.

Lama oga waxa uu noqon doono xukunka dadkan Soomaaliyeed iyo go’aanka maxkamadda sare ee dalka Ethiopia ay ka qaadan doonto dadkan Soomaaliyeed ee ku xeran xabsiga weyn ee Addis ababa, inkastoo ay jiraan dad tiro yar oo lagu waayay danbiyo, kuwaasi oo Isniinta la filayo in maxkamadda ay fasaxddo.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...