CED-Som
|

Maxkamad lasoo taagay Haweeney la kufsaday iyo wariyihii baahiyay

Haweeney u xeran Dowladda Somalia oo sheegtay iney kufsadeen ciidamada Dowladda iyo wariyihii baahiyay warkaasi  ayaa kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha waxay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay maxkamad soo taagtay labadaasi dhibane, iyo ninkii qabay, si loo dhageysto dacwada loo haysto.

Kooxaha u dooda xaquuqda aadanaha ayaa dowladda Somalia ugu baaqay in ay kiiskaasi loo haysto haweeneydaasi eedeysan iyo wariye Cabdicasiis Koronto in kiiskooda lasoo gabagabeeyo, maadaama bey yiraahdeen aysan jirin wax danbi ah oo ay leeyihiin.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNPOS ayaa walaac ka muujisay qaabkii ay u socdeen baaritaanka iyo xirnaanshaha wakhtiga dheer qaatay ee wariye Cabdicasiis Koronto, haweeneyda ku eedeysan iney sheegtay warbixin been abuur ah iyo sadax qof kale, iyadoo aan wax dambi ah lagu helin dadkaas.

Kiiska-Weriye-KorontoXafiiska waxa uu sheegay inuu la socon doono dacwadda ka dhanka ah dadkaan, ayna u rajeyneyso inay helaan maxkamadayn xaq ah, oo ku dhisan caddaalad.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxay waydiiyeen dacwadda ka dhanka ah wariyaha, haweeneyda sheegtay in la kufsaday iyo 3-da qof ee kale, isagoo sheegay Madaxweynaha in hay’adda caddaaladda ay u madax bannaan tahay howlaheeda.Wariye Cabdi casiis koronto oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgalo Muqdisho ayaa maxkada la geeyay si loo dhagaysto dacwada loo haysto oo ah in uu wareystay haweeneydaasi oo sheegatay in Ciidamada Dowlada ay kufsadeen iyadoo aysan jirin wax kufsi ah oo lagula kacay sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada ee xiray wariyaha.

Haweeneyda oo iyana u xiran dowlada ayaa la geeyay maxkamada iyadoo lagu haysto in ay sheegatay wax aanan lagu sameyn iyadoo doonaysay in ay lacag ku hesho sida ay sheegayaan Ciidamada ay u xiran tahay.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...