CED-Som
|

Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray Londan

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xalay si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Londan ee dalka Britain.DSCF4441Booqashada Madaxweynaha ee Londan ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu ku maraya wadamada Yurub, iyadoo ay barbar socoto casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Britain si ay ugu wada hadlaan arrimaha shirka Soomaalida ee 7-da bisha May ka furmi doona Londan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibada ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiyo Yuusuf iyo madax kale.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska oo ah tii ugu horeysey ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii la soo doortay horaantii bishii September ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo dowladda Ingiriiska ay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland inay kasoo baxaan sababo ammaanka la xiriira.

Shalay iyo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shirar kula lahaa xarunta Midowga Yurub madaxda Ururkaasi iyo Baarlamaankooda oo ay isla meel dhigeen qorshaha taageero ee Soomaaliya tobanka sano ee soo socda.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...