CED-Som
|

Kenya oo martigelineysa shirka looga hadlayo maalgashiga Somalia

Caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa la shaaciyay in lagu qaban doono shirweyne looga hadlayo maalgashi lagu sameeyo dalka Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgeli doona madax kala duwan oo lagu casuumay iyo shirkaddo ganacsi oo caalamka si weyn looga yaqaan.

Shirkan ayaa laguu eegi doonaa fursadaha ganacsi ee ka jira dalka Somalia, kaasoo socon doona labo maalin oo ka bilaabmeysa 12 bisha June ilaa 13 June ee sanadkan.

Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Golaha Dhaqaalaha Somalia (Somalia Economic Forum SEC). waxaana uu sheegay Maareeyaha hay’addan Xasan Dudde uu sheegay in xiligan ay jiraan fursado ganacsi iyo kuwo dib loogu dhisi karo Somalia.

Nairobi_warfafiye“Shirka maalgashiga Soomaaliya wuxuu fursad bandhig u noqon doonaa shirkadaha isgaarsiinta, gaadiidka dhismaha, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo warshadleyda” ayuu yiri Xasan Dudde.

Xiligan waxaa Somalia ku sugan shirkaddo ganacsi oo ku soo dhiiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo howlo dib u dhis iyo ganacsi ka wada magaalada Muqdisho, waxaana jira shirkado badan oo dhaqaale geliyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin shirkadaha Coca-Cola, Turkish Airlines, Africa Oil, SKA iyo kuwa kale oo ka howlgalaya caasimadda Soomaaliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Feb 1 2013. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...