Maskaxdii Cammirnayd ee Maxamed Muxiyaddiin Cali: W/Q. Saida VIP

Alle ha u naxariistee, 5 sanno ka hor ayuu ku geeriyooday qaraxii ugu horreeyay ee ka dhacay Muqdisho. Markii ugu horreysay ee uu qaraxba ka bilawday magaalada ayuu Maxamed sababsaday gacmihii caadada ka dhigtay in ay dhammeeyaan maskaxda dalka.

Gacmihii dhibsan jiray in ay maskax nooliba jirto. Gacmihii dalka indhaha iyo maanka ka tuuri jiray, dadkana in la laayo kaliya ka door bidi jiray in si nabad ah loo noolaado. Si kastoo ay u diiddanaaayeen maamulka jira ma aha wax lagu degdego dilka sidiisaba meelna laguma bannayn.

1963-kii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisa heerka dhexe iyo hoose wuxuu ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Isla Muqdisho, 1986-kii ayuu Dugsiga sare ee Macallin Jaamac kaga baxay, isaga oo sidoo kalena ku dhex waday howsha warbaahinta, oo uu ka mid ahaa raxantii ka howlgeli jirtay Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

MohamedWuxuu jacaylka warbaahinta ka hiddo raacay Aabbihii Muxiyaddiin Cali oo sannadkii 1984-kii ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Taasi waa iska taariikheyn guud, se Maxamed waxaa aad loogu xasuustaa wuxuu aas-aasay Wargeyska XIDDIGTA PANORAMA oo ahaa wargeyskii ugu horreeyay ee ka soo baxay Muqdisho kaddib markii dawladdii 21 ka sano dalka ka talineysay ay meesha ka baxday. Wuxuu Wargeyska soo saaray xilli aan laba awoodi karin in Wargeys la billaabo ama aanba loo jeedin, oo wax kastaa oo xaashi ahaa Sonkorta lagu duubanaayo. Dadkuna garashadooda ay ku ekayd kaliyah dil, dhac, boob iyo bililiqo, oo ay illoowsan yihiin ama ka arradan yihiin in ay dalka iyagu leeyihiin.

Wuxuu bilaabay wacyi galin xoog badan. Abaabul dhallinyaro iyo inuu u istaago hawl markaas adkayd waa 1991 kiiyee.

Maxamed Alla ha u naxaristee waxaan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo raxantii dhallinyarada ahayd ee uu abaabulay, lana shaqeysay, inkastoo qaar badanna ay iga horreeyeen, oo loo abaabulay isbeddal nabadeed iyo niyad wanaagsan in ay abuuraan jawigaasi gabigiisba qaldannaa si ay wax un uga baddalaan. Bal in ay Xamar indho kale iyo xikmad kale yeelato. Markaan dib u celiyo xusuusteyda waxaa iigu yaab badnaa oo aan illaa hadda markaan xusuustaba aad u jeclaadaa, qormadanna aan dadka kula wadaagi lahaa; in markii ay Magaalada Xamar isku yaacday, oo laba qayb ay u kala go’day, waa bilihii ayaan darradee. Xamarna ay Koonfur iyo Waqooyi noqotay, oo Qadkii Cagaarnaa la jeexay. Wuxuu ahaa ka kaliyah ee Koonfurta u gudbaya, intuu ka tago Waqooyiga. Wuxuuna ahaa mid mar kasta soo gudbiya asxaabtiisa Koonfur ka imaanaysa, si ay u soo galaan Waqooyiga Muqdisho, isla markaana gurigiisa ku qariya ama meel kale. Markaasi Muqdisho waxay kala lahayd xuduud intii ka timaadda Koonfurna Waqooyi waa ay ka baqan jireen u soo gudbiddeeda. Intii Waqooyi ka tagtana sidoo kale Koonfurta. La isma dhex gali jirin, xaalku wuu xummaa. Qad iyo xudduud ayaa magaaladii iyo dareenkii dadkaba la kala dhex dhigay. Maxamed kama raalli ahayn in sidaas ay noqoto Xamar, maskaxdiisa waa ay diidi jirtay, waana lagula yaabi jiray.

Wuxuu ahaa mid nabadda jecel, oo dadka jecel, oo wax kastaa jecel oo aan marnaba colaad iyo dad nacaybka lagu arag. Qabyaalad warkeedba daaye. Intuu ka gaaray nabad jacaylka iyo naxariista maskaxdiisa ku abuuran dad ka qaar baaba u yaqaanay fulaynimo, oo xittaa bahallada ma dilo, waa lagu qosli jiray markaas, illayn dadku waxa ay ku noolaayeen magaalo colaadeed oo dadku is cunayee. Bal qiyaas qof dad iska daayee bahallada aan dilin, iyadoo dilka dadka uu si xawli ah ku socdo?.

Wuxuu ahaa qof u dooda xuquuqda noolaha oo dhan, markii ay dagaalladu xasileen wuxuu abuuray barnaamijyo ka hadla dabeecadda iyo deegaanka badbaadintiisa, dadku uma bisleyn waaba lala yaabi jiray. Waxaase uu usii raaciyay oo dadkii markaas ayba fahmi waayeen markii uu ka fekeray laba arrimood oo Xamar ku cusub, oo midi ay ahayd dadkii oo dhan oo colaaddii ay saamaysay oo aan lahayn aragti kale, oo ka baxsan dagaal, xabbad, colaad iyo xuquuqdii xayawaanka oo lagu xad gudbayo. Markaasu labadii inta uu is raaciyay ku fekeray in dadka maskaxdooda wax kale oo ay ku illoobaan colaadaha u sammeeyo. Isla markaana xaquuqda xayawaanka la dhowro. Markaasuu Xamartii aad ogayd haddaad markaas joogtay ama aad maqashay markaa sidey ahayd ka hirgaliyay Xarun lagu xannaaneeyo xayawaanka. Sidoo kalena ah mid loo soo daawasho tago ama maanta aynu ku aragno dunida oo dhan ee loo yaqaanno ZOO.

Markii hore waan yaabbanayn, innagoo ah dhallinyarada uu abaabulay, inkastoo aan u garaawnay, oo aan shaqada la wadnay. Markii danbe sidii aan is lahayn si ka duwan ayay wax u dhaceen: Waa iyadoo la waayay meel la kala istaago, dadkii oo xeradii ama xaruntii isa soo tubay maalintii koobaadba, qof walbaa wuxuu la baxay lacagtii yarayd ee meesha lagu soo galaayay. Wuxuu Maxamed ku bixinayay xoogaagaasi ka timid dadkii yimi mushaarad uu u qoray dhaqaatiirta daweysa xayawaanka. Sidoo kale raashinka, cuntada iyo biyaha noolaha meesha ku xareysan. Sheekooyinkii colaadeedna waxaa baddalay sheekada ZOO ga. Isbaddal yaab leh ayaa ka dhacay meeshii. Dadkii waa wada yaabeen, laakiin, waxaa ka sii yaab badnaa markii xilligaasi oo ay qabqableyaashii Xamar kufsaday joogeen. Waxaaa caado u ahayd in ay galab kastaa xabbado kor u ridaan, taasoo xayawaankii ZOO ga ku jiray dhammaan qalqal iyo naxdin ku ridday. Maxamed oo calool xumeysan, naxariis badanna ay ka buuxdo ayaa maalin maalmaha ka mid ah hore u kaxaystay dad badan oo magaalada laga yaqaannay, una gar dhigtay qabqableyaashii si uu uga codsado in ay joojiyaan xabbadaha kor loo rido ee macno la’aanta ah. Ayaan darrase waxay ugu soo jawaabeen xayawaanka duurkaa lagu haayaa ee na dhaaf. Sidaas darteed isagoo xamili waayay in ay xayawaankaasi huq iyo naxdin ku noolaadaan maalin kasto ayay dani ku qasabtay inuu duurka u raro. Maanta adoo dunida casrigan ah jooga waad garanaysaa hawshaasi in ay kaliya ka soo maaxan karto maskax cammiran.

maxamedIntaas markaan kasoo tago, Maxamed nabadoonnimadiisii, inuu ka qaybgalay shirarkii dib u hishiisiinta ee lagu hishiisiinaayay Soomaali. Shirar ka dhacay dalal badan oo uu uga qaybgalay magaca Soomaaliya, kaalintiisi horumarinta Sportska, xuquuqda aadanaha, wax akhrintiisi badnayd, gurigiisii maktabadda la moodi jiray ka sokow, wuxuu ahaa nin safar badan oo dalka oo dhan u kala safra, dalka oo kala xir xiran markaas. Maxamed Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee dhallinyarada uga sheekeeyay magalaada Hargeysa, iyadoo markaas ay ku xiran tahay dadka bac iyo been lagu xiray oo ahayd in meeshaasi ay tahay meel halis ah, dadka ku noolna ay yihiin dad laga baqo. Oo qaldaamiin inta loo bixiyay, lagu weeraray, laguna ximiyo, laguna kala fogeeyo walaalaha ayuu dhallinyaro badan oo abaabulan runta uga sheegi jiray, isagoo aan marnaba ka warwareegin ayuu dhallinyarada ka kobcin jiray maanka oo uu ka dhaqi jiray wax kastoo xumme ahoo lagu afuufayay xilliyo kala duwan, samahana ku quudin jiray “Hargeysi waa magaalo qurux badan, wanaagsan, dadkeeduna ay yihiin dad qiimo iyo qaayaba leh, waadna baran doontaan, waa Soomaali aad u qalbi macaan. Ma jiraan waxaan suuqa la wadwado iyo wax qaldaan ah” Ayuu oran jiray. Dadka markaas waxaa ka buuxay uurkooda qurraafad badan oo dadka oo dhan la isku nacsiinaayo, oo Soomaali oo dhan lagu qaybiyay, oo lagu kala fogeeyay.

Hargeysa kaliyah kumuu ekeynee, xittaa wuxuu tagi jiray oo uu dadka bari jiray Itoobiya iyo dhammaan dalal badan oo Afrika ah. Waxbarashada guud ka sokow haddana waxaad moodeysay inuu dagaal kula jiray hagaajinta maanka dadka oo lagu guray wax badan oo aan sax ahayn. Wuxuuna jeclaa Gobolka Geeska Afrika oo dhan oo nabad ku wada nool oo horumar tiigsada.

Dhanka Warbaahinta haddaan in yar ka qeexo dabeecadihii Maxamed. Marka laga soo tago inuu aas aasay Wargeyskii ugu horreeyay ee haddana hirgalay iyo inuu abaabulay dhallinyaro badan oo uu furay tabaabbar xagga garaadka, aqoonta iyo warbaahintaba ah, wuxuu ahaa mid mar kasta ku eedeysnaan jiray urur kastoo ay warbaahintu yeelato inuu ka hor yimaado, inkastoo ay isaga aad u jeclaayeen wariyeyaasha, haddana arrinkaas marnaba kama aysan aamusi jirin, laakiin, Maxamed aniga oo ka mid ahaa dadkii aadka ugu dhowaa wuxuu ahaa nin deggan oo xasilan oo aragti fog. Wuxuuna inta badan ururradaasi uga carari jiray waa:

1- In aysan lahaan jirin aragti fog, oo u dhiganta tan caalamka uu soo arkay.

2- Kala qaybsanaan badan oo ka dhex jiri jirtay.

3- Hanka iyo hiiraalka ururadaasi oo aan qancin marnaba, talana aan laga qaadanaynee meel un gaaban la fadhiyi jiray, Waa sida hadda aysan qof walboo damiir leh ugu dhiirran karin in ay ka mid noqoto urur warbaahintu leedahay iyo il xumada aan wada aragno maalin kasto.

Wuxuuse aad ugu dedaali jiray inuu si gaar gaar ah ama koox koox ah wax u baro, u fahansiiyo, una dhiso dhallinyarada warbaahinta, sportska iyo inta la midka ah. Markaan aniga iyo qaar kaloo ka mid asxaabtii Maxamed aanu soo gaarnay dunidan aan martida ku nahay waxa aan noqonnay kuwo maalin kasta Maxamed xusuusta, nabad jacaylkiisii, nabad ku wada noolaansho jacaylkiisii, xuquuqda dadka iyo xayawaanka ilaalintiisi. Maxamed wuxuu ahaa mar kasta dhiirrigaliye qof walbaa niyadda u feereeya oo wax qurxoon ku tabarruca oo waddo wanaagsan ku hage ah.

Maxamed intii taqaannay waxay ku xusuustaan nolosha qoyskiisa iyo sida uu had iyo jeer ula tashan jiray xaaskiisa uguna qiri jiray kaalinteeda. Markii dib loo akhriyo ama loo baaro kaalintiisi warbaahinta, xuquuqda aadanaha, nabad jacaylka, jid bixiyenimada, hal-abuurkiisii Maxamed wuxuu ahaa isbeddal doon dhan walbaba aan xilligiisii la gaarin.

Sidaas ayuu Alle ha u naxariistee Maxamed Muxuddiin Cali baal dahab ah uga galayaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q. Saida Sheikh Ahmed

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.