CED-Som
|

Xaaladda Islii & saakay wixii ku soo kordhay qaraxii xalay kadib.

Xaaladda xaafada Islii ee Soomaalida degto ayaa ah mid degan oo si weyn looga hadal haayo qaraxii xalay ka dhacay afka hore ee msaajidka Al-Hidaaya, kaasoo ay ku tukanayeen Salaadii cisha Xildhibaano laga soo doorto xaafada ay degto Soomaalida ee Islii.

Booliska Kenya ayaa qiray in qaraxii xalay iney ku dhinteen Sadax qof kuna dhaawacmeen 15 kale oo dhaawacyo halis ah qaarkood qaba, waxaana ku jira Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Xaafada Soomaalida, dhaawaca Xildhibaan ayaa la dhigay isbitaalka Aga Khan, waxaa lugtiisa midig la sheegay iney jab soo gaartay, lugta kalena tirir uu ka galay.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa in bartilmaameedkiisa ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah ka mid ah Soomaalida u ololeyn jiray in dhibaatada laga daayo dadka Soomaalida, aadna u cambaareyn jiray qaraxyada.

Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, isla markaana Booliska ay ku sameynayaan baaritaan.

Wuxuu sheegay Taliyaha in qaraxu aanu aheyn miino goobta la dhigay, hase ahaatee ay soo cadeyn doonaan waxa uu ahaa, inkastoo loo badinayo inay aheyd bam la tuuray.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray masaajidka iyo hareerihiisa, iyadoo lagu arkayay banaanka masaajidka dhiig dhulka ka muuqday iyo kabo ay ka carareen dadkii masaajidka ka soo baxay iyo kuwii dhaawacmay.

Qaraxii xalay ayaa noqonaya kii labaad oo mudd labo cisho gudahood ka dhaca xaafada Soomaalida degto ee Islii, iyadoo saameyn ballaaran ku yeelanayo Soomaalida degan iyo kuwa ganacsiga ku leh intaba.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 8 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...