CED-Som
|

Taliyihii Ciidamada Asluubta oo lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ah xabsi daa’in ku riday Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta S/Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil (Indha Buur) iyo Agaasimihii Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cabdi Axmed (Xasan Liibiya) oo Shan sano xarig ah, dhameysan doona, kadib markii lagu soo eedeeyay iney galeen qiyaano qaran.

Taliyihii hore ee ciidamada asluubta Cabdi Maxamed Ismaacil ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay Qaran dumis iyo qiyaano isagoo darajadii Qaranimada loo igmaday u adeegsaday inuu sii daayo 14 qof oo ka tirsan Al-Shabaab, oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukuno kala duwan, isla markaana xubnaha uu sii daayay siiyay darajo ciidan iyo aqoonsiga ciidamada Asluubta.

Sidoo kale Agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada Xasan Liibiya ayaa isna lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falkaasi isagoo ka gacan siiyay taliyihii hore siidaynta xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo xabsiga dhexe ku xernaa, waxaana lagu xukumay Xasan Liibiya Shan sano oo xarig ciidan ah.

Taliyihii ciidamada Asluubta ee la xukumay

Guddoomiyaha maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Liibaan Cabdi Yarrow ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay maxkamada ka gaartay.

“Maxkamada waxay ku xukuntay Ex Taliyihii hore Ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil in ugu horeyn darajadiisa laga xayuubiyay, xil dambena uusan qaban doonin, waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in, sidoo kale Agaasimaha Garsoorka Xasan Cabdi Axmed (Xasan Liibiya) waxaa lagu xukumay xabsi shan sano ah”ayuu yiri Liibaan Yarow.

Waxay sidoo kale Maxkamadda xukuntay in Muuse Ciise Nuur oo ahaa nin horay Maxkamada xukuntay, balse ay sii daayeen saraakiishan la xukumay, iyagoo siiyay darajo ciidan oo dhame ah laga qaatay aqoonsigiisa, isla markaana uu dhameysanayo xukunkii horay lagu riday oo ahaa 8-sano, isagoo tilmaamay in xukunkiisa uu u furan yahay rafcaan.

Waa xukunkii ugu horeeyay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ku rido saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, iyadoo tallaabada uu horey u qaaday Taliyihii ciidamada Asluubta ay dhalisay shaki badan iyo cabsi laga qabay in Shabaab ku dhex milmaan Dowladda.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 8 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...