CED-Som
|

Sunderbari oo laga mamnuucay in Haweenka ku hadlaan Mobile

Tuulo lagu magacaabo Sunderbari oo ku taal Gobolka Patna ee Waqooyiga  dalka Hindiya ayaa laga mamnuucay in haweenka ay ku hadleen Taleefanka gacanta ee Mobile-ka, kadib markii Golaha deegaanka Sunderbari ay soo saareen go’aan ah in Haweenka wadata ama ku hadleysa Mobile la arki karin.Sababta arintan keentay ayaa waxay ku sheegeen dhowr qodob oo ay ka mid tahay in ceeb iyo fool xumo ku tahay bulshada deegaankaasi, maadaama ay soo kordheen ragga la baxsanaya Haweenka ee waalidkood raali ka aheyn, taasoo fududeeysay in si fudud haweenka iyo ragga iskula xariiraan.

Tuulada Sunderbari oo ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaa waxaa artintan ay saameysay qoysas badan, iyadoo Madaxa guddiga loo xil saaray dhaqan gelinta go’aankan oo lagu magacaabo Manuwar Alam uu sheegay in arintani ay fadeexad ku tahay bulshada maadaama ay soo kordheen masaafada dhalinyarada ragga ee haweenka kula baxsanayaan.

Wuxuu sheegay Manuwar Alam in haweeneydii la qabo ee lagu arko iyadoo ku hadleyso Mobile la ganaaxi doono 2000 Rubi ee lacagta Hindiya una dhiganta 36 Dollar, halka haweenka aan la qabin ay mudeysan doonto ganaax lacageed oo intaas ka badan oo dhan 180 Dollar.

Manuwar Alam sidoo kale wuxuu sheegay in ay soo kordhayaan ragga cabasho ka keenaya haweenkooda, kuwaasoo dayacay noloshii guriga, ee ku mashquulay ku hadalka Mobile-ka iyo rag kale oo ay qadka iska barteen.

Waxaase go’aankan uu noqday mid dhaliyay doodo iyo murano ku saabsan dhaqan gelintiisa, iyadoo ururada u dooda xaquuqda aadanaha ee ka jira dalka Hindiya ku doodayaan in ay tahay cuuryaamiin haweenka la doonayo in lagu cuuryaamiyo nolosha.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 8 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...