CED-Som
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho kana hadlay…

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan dambe safaro ku joogay dalka Turkiga ayaa maanta wuxuu soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo madax ka tirsan Dowladda ay garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyeen.

Garoonka Muqdisho waxaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafada Muqdisho Garoonka kula hadlay ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in madaxda dalka Kenya uu uga tacsiyadeynayo shacabkii halkaasi kaga dhinteen isaga oo kuwa dhaawaca ahna urajeeyay inuu Alle caafiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dalka Kenya qaraxyada looga geysanayo ay tahay taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay arin aad ufool xun.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo qaraxaasi ku dhaawacmay ayuu urajeeyay inuu Alle caafimaad siiyo isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya iyo shacabka Soomaliyed inay iska kaashadaan sugidda ammaanka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa dalka Turkiga isaga oo sheegay in Turkiga madaxdooda ay soo kala sixiixdeen heshiisyo caalami ah oo ku saabsan horumarada dalka Soomaaliya.

Sanadka cusub ayuu sheegay inuu furmi doono waji cusub oo wada shaqeyn ah oo dhexmari doonta Dowladda dalka Turkiga iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Safarkiisa ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliye wasiirada arimaha dibada,Gaashaandhiga,iyo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 8 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...