CED-Som
|

Guddiga doorashada Somaliland oo dib ugu noqonaya tirinta cododkii

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland Ciise Xamari ayaa maanta Saxaafadda u sheegay inay Hakiyeen natiijadii Ku meel gaarka ahayd ee magaalada Hargeysa isla markaana ay dib ugu noqonayaan Tirinta Codadkii Musharixiintu kala heleen.

Eng Ciise Xamari waxa uu tilmaamay sababta keentay arrintaasi inay tahay tabashada ay Musharixiintii tartamaysay ka keeneen Codadkoodii iyo sidii loo qancin lahaa dadkii Rabshadaha Dhiigu ku daatay ku muujiyey sida aysan ugu kalsoonayn natiijadii ay shaaciyeen.

“Waanu ku kalsoonahay Natiijadii laakiin si loo hubiyo loona qanciyo Musharixiinta waxaanu go’aansanay inaanu dib ugu noqono, sidaasna waxaanu isla qaadanay Xisbiyada iyo Ururada oo dhan” ayuu yidhi Ciise Xamari oo la hadlay warbaahintu.

Ururka Xaqsoor oo tageerayaashiisu ay dhigeen mudahraadkii khamiistii gilgilay Hargaysa ayaysan wax masuuliyina ka joogin shirka ay guddiga doorashadu maanta layeesheen ururada siyaasadda taasoo muujinaysa inysan weli u cuntamin ama aysan ku kalsoonayn hawsha guddiga doorashada Somaliland.

Inta badan ururada dhaliilaya doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland ayaa ku shubasho ku eedaynaya xisbiga talada haye ee Kulmiye oo inta badan ugu horeeya codadka degmooyinka la tiriyey.

Dhnaka kelena gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi ayaa jawaab kulul ka bixiyey wararkaas sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay Doorashadii Golaha deeganka Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.

Rabshadiihii Hargaysa ka dhacay 6 bishan ayaa waxaa ku dhintay 2-qof halka ay toban kelene ay ku dhaawacmeen,waxaana weli aan deganayn xaafadda Xaaji Dhagax oo ay ku badan yihiin tageerayaasha ururka Xaqsoor.

www.allPuntand.com + www.warfaafiye.com

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 8 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...