CED-Som
|

Madaxweyne Xasan iyo R/Wasaare Erdogan oo kulmay (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Ra’iisul Wasaare Recep Tayyib Erdogan, waxayna labada dhinac ka wada hadleen arrimo fara badan oo quseeyo Xiriirka labada dal, sidii Dowladda Turkiga u sii xoojin laheyd dib u dhiska dalka iyo horumarinta mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka wado Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa Warbaahinta u sheegay in labada mas’uul waxyaabihii ay ka wada hadleen ay isla afgarteen, isagoo tilmaamay in wada hadalka xooggiisa uu ahaa xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa isla markaana Dowladda Turkiga gacan ugu geysan laheyd sidii loo hormarin lahaa ciidamada xoogga dalka iyo Booliska.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Madaxweynahiisa Abdalla Gul waxay balan qaadeen in dowladdooda ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya, waxaana uu soo dhoweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi Cemil çiçek, iyagoo ka wada hadlay sidii baarlamaanka Turkiga u hormarin lahaa baarlamaanka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka iyo taageeradaTurkiga siinayo dowladdiisa.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 7 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...