CED-Som
|

Maalinta Qowmiyadaha Ethiopia oo laga xusay Garoowe

Xaflad uu soo qaban qaabiyey qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland oo lagu magacaabo Asmalasha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxana ka qayb-galay jaaliyada Ethoipia ee ku nool Puntland, xubno ka tirsan saraakiisha Ethoipia ee ka tirsan qunsiliyada & qaar ka mid ah xukuumada puntland.

Munaasibadan ayaa ahayd toddoba sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aqoonsaday qooamiyadaha kala duwan dalkaasi ku nool, waxaana xubno ku hadlayey magaca jaaliyada Ethiopia ay ku dheeraadeen faa’idada laga dhaxlay isdhexgalka qoomiyadaha halkaasi ku nool & wada noolaanshaha dhex-martay tasoo ay sheegeen inay sababtay horumar uu dalkaasi gaadhay.

Ambasdaor Asmalasha qunsulka Eithopia oo ka hadlayey xafladan ayaa faahfaahiyey taariikhda xuskan & ahmiyada ay dalkaasi ugu fadhido,wuxuuna aad ugu amaanay qomiyadaha dalkaasi inay isdhexgaleen iskana kashadeen hormarka daalkaasi oo sannadihii tegay hore u talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ugu horay Ethoipia ugu hanbalyey xuskan qiimaha ugu fadhaiya, wuxuuna amaanay xiriirka ka dhaxeeya dawladda Puntland & dawladda federaalka ee Ethiopia.

Abdiqani Abdullahi Mohamed

Warfaafiye+ AllPuntland

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 7 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...