CED-Som
|

Aroos Soomaaliyeed oo 84 sano ka hor ka dhacay Jarmalka! (Daawo )

Inteenii aqrisatay asbuucii hore waxa aan soo qaadanay dhacdo qabsatay Soomaali degeneed magaalada Berlin ee Jarmalka sanadii 1910-kii oo aynu haatan ka joogno in kabadan 100 sano.

Dulucda sheekadu waxa ay eheyd in Sooomaali badan ku noolaayeen halkaas oo weliba shukaansi ay samaynayeen dhallinyaro Soomaaliyeed ay sababtay in xaafaddii Soomaalidu ka deganaayeen Berlin hal maalin ay xireen boolisku si loo hakiyo buuqa iyo falceliska Soomaalida ay ka samayn lahaayeen arrinkaa qabsaday.

Haddaba asbuucaan waxa aynu ku madalsanayn in aynu wada aqrisano aroos ka dhacay isla Berlin sanadii 05-09- 1928.

Sheekada arooska waxa boggiisa 4aad ku daabacay joornaalka “Amersfoortsch Dagblad” oo ka soo bixi jiray xilligaas magaalada Amersfoort ee waddanka Holland isagoo cinwaan uga dhigay “ Aroos Soomalaiyeed oo ka dhacay Berlin”.

Wargeysku waxaa uu sheegay sida uu ka soo xigtay madaxii xadiiqada xayawaanka( Dierentuin) ee magaalada Berlin in arooska lagu soo bandhigay , oo uu weliba ka dhacay xadiiqada gudaheeda isla markaana ay joogeen dad badan oo soomali ah oo weliba ku lebisan dharkii hidaha iyo dhaqanka soomalidu ab iyo isir u lahaan jirtay sidaba uu wargaysu ku soo bandhigay sawir laga soo qaaday arooska. Joornaalku waxa uu intaa raaciyey in caruusaddii oo gebi ahaanba asturan oo qarsoon ay soo aaday meeshii uu ku sugnaa caruusku.

Runtii markii si dhab ah u fiirisid muuqaalka laga soo qaaday arooskaas waxa kuu muuqanaya faras, dumar Soomaliyeed oo mid ka mid ah u egtahay hooyada, mid ka mid ah 2-da is aroostay iyo weliba qof ay iila ekaatay in uu ahaa caruuskii oo ay ka muuqatay kalsooni iyo dhiiranaan inkastoo la iiga fiicanyahay sawir aqrinta haddana aqristayaasha ayaan u daynayaa wixii ay kala soo dhex bixi karaan sawirka iyo muuqaalka wargeyska lagu soo bandhigay 1928-dii oo aynu haatan ka joogno 84 sano, laga yaabee caruurtii ay kala heleen in qaarkood noolyihiin oo ay daaha nooga qaadaan qaabka wax u dheceen iyo sida waalidkood meesha ku soo gaareen iyo weliba soomaalidii kale oo halkaa kula nooleed. Waa inoo asbuuca danbe iyo salaadiintii reer Luuq waraaq ay u qoreen talyaaniga hal qarni ka hor in shaa allah.

C/llaahi Khadar, Amersfoort, Nederland

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...