CED-Som
|

Saadaasha MAAYA oo sheegeyso in adduunka rogmayo 21 Desember

Quraanka kariimka ah sida kutubtii kale ee ka horreysay, wuxuu noo sheegay in maalin maalmaha ka mid ahi ay dunidani kharribmi doonto, nolosha dusheeda ahina ay idlaan doonto, dadka iyo jinkana dib loo soo noolayn doono si loo xisaabiyo, loogana abaalmariyo wixii shar iyo khayr ahaa oo ay faleen.

Sidoo kale, wuxuu noo sheegay in ogaanshaha maalinta qiyaaha dhici doonto in ay ka mid tahay 5 waxyaalood oo Eebbe u gaar ah, afka carabigana lagu yiraahdo “Mafaatixulgeyb” ama furayaasha waxa cillan oo cid ogaan kartaa aysan jirin.

Maalintaas waxaa degdegsada kuwa aan rumaysnaynin, kuwa aaminayna way ka baqaan, waxayna og yihiin inay dhab tahay. Sidaasoo ay tahay, haddana waxaa facebuugga ka bilowday abaabul xaflado loogu talagalay dhammaadka aduunka oo ay wadaan kooxo ku saamoobay saadaashii reer Maaya ee dhammaadka aduunka Disembar 21 2012. xiliga 11:11i Utc ama 14.11 xilliga Muqdisho.

Taariikhda kor ku xusani, waxaa soo afmeermaayo wareegga shintiriska Maaya (Mayan Calendar) oo soo socday muddo dhan 5,125 sannadood, soona bilowday 11-gii August 3114 dhalashadii Nabi Ciise ka hor.

Dadka reer Maaya oo ahaa hunuudda cas (red indians) dadka reer Muqdishana u yaqaanaan Cali Beesteen, kuna noolaa bartahama qaaradda Maraykanka,waxaa laga yaqaan wax aan badnaynin waxayse lahaayeen ilbaxnimo, kuna fiicnaayeen xisaabaadka, xiddiga, aqoonta iyo xiddigsiga intaba (astronomy and astrology).

Hase yeeshee, dad fara badani waxay rumaysan yihiin in dhaqaankaan hore ay ku qarsoon tahay aqoon u suuragelisay inay sii saadaaliyaan dhammaadka adduunka. Waxaa jira dhawr aragtiyood oo laga aaminsan yahay inay sabab u noqon doonaan burbur ku yimaado dunidaan, waxaana ka mid ah tan sheegeyso in isweydaaran doonaan cirifta waqooyi iyo tan koofureed ee dunida (Northe South Polar Shifts). Taasoo dhib keeni doonto.

Aragti kale waxay leedahay waxaa isku soo aadi doono qorraxda iyo godka madow Black Hole ee loo yaqaano (Sagitarius A) kuna yaallo bartamaha diilin caanooddaa, isjiidashadooduna uu halaag ka dhalan doono.

Qaar kalena waxay qabaan in meere lagu magacaabo: X ama Nibiru uu sammadda ka soo dhici doono, kaasoo sababi doono khasaare ballaaran.

Sida hadalhaynta saadaashaan ay u faaftay waxay keentay inay ku lug yeelato Wakaaladda Sahminta meerayaasha ee Maraykanka tasaoo baaritaan samaysay kaddib markii barteeda internet su,aallo lagu tubay, waxayna sheegtay in uusan jirin wax meere ah oo cirka ka soo socdo ama isku aad meerayaal (Planetary aligment).

Isweydaaradka cirif waqooyi iyo kan koofurana xilligan aysan dhici karin inkastoo taasi ay dhacdo 400.000 sannadoodba mar wax dhib ahna aysan u keenaynin nolosha adduunka, 21ka Disembarna ay ahaan doonto maalin caadi ah.

Hase yeeshe warbixinta Nasa ma qancin kuwa rumaysan saadaasha Maaya ee dhamaadka adduunka, kooxo isku magacaabay Surviva  Groups oo aaminsan inay ka badbaadi doonaan ayaa facebuugga ka bilaabay abaabul xaflado ay dhacdadaasi u sameeynaayaan.

Koofurta Galbeed ee dalka Faransiis buur ku taallo oo la sheegay in ciddii tagto ay ku badbaadi doonto, waxaa isku gadaamay Boolis si ay dadka uga celiyaan.

Adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban?

AHMED MOHAMED AHMED

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Dec 4 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...