Daawo:- Somali American Police ee ka howlgala Minneapolis & St.Poul
Waxaa Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minnaapolis iyo St.Poul ka howlgala Somali American Police, kuwaasoo tiradooda ay tahay 5 dhalinyaro aad u da yar oo dadaal badan ku bixiyay sidii ay ugu mid noqon lahaayeen Policeka dalka Mareykanka gaar ahaan labadaasi magaalo.
Bilowgii bishan ayaa waxaa magaalada St. Paul lagu dhaariyay Offcicerkii ugu horeeyay taariikhda inta la og yahay oo Somali American oo Police ka noqda St.Paul, waxaana lagu magacaabaa Garaad Sahal.
Garaad Sahal wuxuu dalka Mareykanka yimid 2001-kii, ka horna wuxuu ku noolaa xerooyinka Qaxootiga ee Kenya, halkaasi oo laga soo qaaday sanadkii 2001-kii, Garaad wuxuu tusaale u noqday dhalinyaro fara badan oo hamigooda sareeyo.
Sidoo kale waxaa jiro ilaa Afar dhalinyaro Somali American Police ah kuwaasi oo ka howgala magaalada Minneapolis, muuqaalkan hoose waxaa ku jira Waheid Siraach oo ka mid ah dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee ka howlgala Minneapolis, wuxuu filimka ugu hadlayaa dhacdooyinka uu la kulmo, dambiyada ay galaan dhalinyarada Soomaalida iyo Soomaalida ay ula dhaqmaan marka ay la kulmaan.
HOOS KA DAAWO VIDEO-GA IYO SAWIRADA
Email: warfaafiye@gmail.com








