Daawo:Naagta dunida ugu weyn oo codsatay iney aragto Salman Khan

Zeenat Bi, ayaa loo aqoonsaday Haweeynayda Dunida ugu wayn kadib markii buuga lugu diinwaan galiayo waxyabaha la yaabka leh  Aduunka Guinness World Records la galiyay, waxaana haweeynaydaan ay ku qaadatay da’adeeda oo gaartay 113 Sano .

Hawaynaydaa oo u dhalatay Dalka Hindiya kuna nool Magaalada Bhopal ayaa dalbatay in ay la kulanto Jilaaga wayn ee  Salman Khan ka hor inta aysan dhiman, waxa ayna sheegtay in Jilaagaas ay tageera u tahay .

Zeenat oo 113 Sano jir ah ayaa  guusha ay gaartay ee ah in loo aqoonsado Haweeneyda Dunida ugu wayna ku tilmaamtay guul taariikhi ah, iyadoo sheegtay in Sumcad u soo jiiday Ehelkeeda iyo Dalka Hidiya oo ay ka soo jeedo.

Hawaynayda ayaa xustay in aay joogtay Magaalada Bhopal muda dheer kuna soo kortay oo aysan meelna uga bixin tan iyo Xiligii uu dalkaa gumaysanayay Ingariiska waxa ayna sheegtay in xiligaa ay goob joog u ahayd markii gumaystaha Dalkaa soo galayay.

“Aniga aad ayaan u waynahay waana u joogay inta Magaalada ay koraysay ,xitaa waan xasuustaa markii uu Magaalada soo galayay Gumaystihii British” ayay tiri Zeenat Bi.

Hawaynaydaa ayaa ah mida aan wax daryeel ah ka haysan Xukuumada Hindiya, sida uu sheegay wardiyaheeda Abrar Khan, hayeeshee hawaynaydaa ayaa kaligeed nooleed 50 sano  sida uu sheegay waardiyaheeda.

Zeenat waligeed ma aysan guursan mana haysato wax caruur ah, waxa ay leedahay sedax ilkood oo kaliya, waxaana qaliin lugu sameeyay afar jeer sida uu dhaqtarkeeda sheegay  waxana qaliinka looga sameeyay indhaha hayeeshe hada waa ay fiican yihiin indhaheeda .

Waardiyaha Hawaynaydaa ayaa ku dhawad 20-sano la noolaa waxuuna tilmaamay inuusan jirin kaalmo ay ka hesho Xukuumada iyo Hay,addaah kale ee Caalamiga ah, marka laga reebo kaalmo yar oo ay siiso Chief Minister of the state, Uma Bharti kaas oo gaaraysa 2500 rupees (£30) bil walba.

Zeenat Bi Waxa ay iminka sugaysaa in ay la kulanto Jilaaga Salman Khaan kaas oo la filayo in codsigaa hawaynayda dunida ugu wayn ka soo baxay uu aqbali doono .

W/diyaariyay: Cabdiraxmana ilkacase

Odagal@gmail.com
odagacal1@hotmail.com

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.