CED-Som
|

Daawo Sawirada:- Qalfoofta dadkii lagu xasuuqay Hargeysa: Sawirro

Khubaro ka socota ururo ku xeel dheer baarista xasuuqyada ka dhaca caalamka iyo Lafaha dadka oo mudo bil ah ku howlanaa baarista dadkii lagu xasuuqay dagaaladii ka dhacay Gobolada Waqooyi gaar ahaan Hargeysa ayaa soo bandhigay Qalfoofta 38 qof oo laga soo saaray qabuurihii ay ku jireen.

Qalfoofta 38-aad qof oo ku jiray hal qabuuro ayaa mid walba la isku toos toosiyay lafahiisa si loo garto cida uu yahay iyo eheladiisa baaris la sameyn doono kadib.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen quburadan ayaa waxaa ka mid ah dharkii ay xernaayeen dadkan markii la xasuuqayay qof walba inta xabadood ee lagu dhuftay, waxyaabaha yaabka dhaliyay ee lagu arkay dharkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mid ka mid ah dadkan dharkii uu xernaa oo laga helay in lagu dhuftay 25 xabadood oo loola dhacay inta ka sareysa saableyda sida ay sheegeen quburadan.

Khubaradan ayaa sidoo kale waxaa la socday khabiir ku takhasusay Milateriga iyo Hubka, kaasoo baarayay nooca rasaas ee loo adeegsaday dadkaasi la xasuuqay, waxayna sheegeen in rasaas kala duwan loo adeegsaday dilka dadkaasi lafahooda la helay.

Waxay sheegeen Khubaradan in baaritaankooda ay ku ogaadeen in qaab naxariis daran loo laayay dadkaasi, isla markaana qolfoof walbo la heli doono cida uu yahay iyo reerkiisa, iyadoo uu weli harsan yahay baaritaanka oo uusan soo dhamaan.

Dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee hoggaamin jiray ayaa lagu eedeeyaa iney weeraro ay ku qaatay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale sanadkii 1988-kii waxaa lagu laayay dad shacab ah oo dagaalada ka cararay iyo kuwo kale oo si cad loo dilay.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Oct 19 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...