Xukuumad ceynkee ah iyo isbeddel ceynkee ah? “Faallo”

Dowladdan ma ahan mid KMG ah, hannaankii axdiga KMG-na waa laga baxay, Dastuur qabya ah, juujuub ku yimid, ayaa si KMG ah loogu shaqeynayaa. Iyadoo qodobbo badan wax laga badalaaayo ayaa loo awood siiyay Baarlamaanka cusub in mudo Afar sano gudahood ah kusoo dhameystiro. Qodobka ugu muhiimsan, wax ka beddelkana saameyn doono waxaa ugu horreya, “Federaalka lagu muransan yahay”, in ay Soomaaliya u noqon karto majaro siyaasadeed iyo in kale.

Haddii lagu guuleysto in Federaalka laga saaro qodobada Dastuurka, laguna beddalo nidaamka “Regional Autonomous” oo ah in gobolada la siiyo awoodaha madaxabanaan ee habka ismaamuliddooda, kuna dhisan nidaamka furfurnaanta ee loo yaqan “Decentralization sysytem” ayaa waxay noqoneysaa in Soomaaliya ka gudbeyso ilihii saldhigga u ahaa qaababka qarribaadda maamul siyaasadeedkeeda, kaasoo ah Federaalka Mele Zenawism-ka, una gudbeyso in arrimaheeda gudaha ku xalisato hababkeeda siyaasadeed ee u gaarka ah.

Xukuumadda cusub haddii ay aqbaleyso Fedaralismka waa inay noqotaa mid ay u mareyso dib u mideynta ummadeed iyo wadajirka dhuleed ee wadanka, sida marka laga hadlaayo is-waafajinta qaddiyada Somaliland iyo midda Koonfurta, ayna noqon Federalismka, hab maamul ku kooban ama u gaar ah goboloda koonfurta Soomaaliya oo kaliya (Ex Italian Somaliland).

Nooca Xukuumadda cusub ee maalmahaan la rajeynaayo in lagu dhowaaqi doono, waa iney noqotaa mid ka gedisan qaab iyo nuxur ahaanba sida kuwii lagu soo arkay xiliyadii KMG-nimada, marka laga eego dhinacyada tayada, waxqabadka iyo guud ahaan barnaamijyada ku taxaluqa isbeddelka siyaasadeedka ee is hordhigayso. Ineynan ka mid noqon qurba joog kaliya oo dhinaca kale mararka qaarkood looga yeero inay yihiin dad aqoonyahano ah, balse muhim tahay in si ballaaran loo tixgeliyo kaalinta dad leh waddaniyad iyo biseyl siyaasadeed oo ay ka yimaadaan muwaadiniinta gudaha oo ayagu la is leeyahay waxay Dowladda gaarsiin karaan muddada ka horreysa aftida Dastuurka horumar lixaad leh, taasi oo la jaan qaadi karta isbadalada adduunka iyo mida dalka gudahiisaba.

Afar sano kadib, sida qorshuhu yahay waxaa la saadaalinayaa in la helo Dastuur aan qabyo ahayn iyo dowlad awoodaheeda u soo martay doorashooyin guud ee xor ah, dimoqraadina ah, taasoo micnaheeda yahay, waddankeena inuu yeelan doono dastuur joogta ah, jideyn doonana xuriyadda iyo xuquuqda aasaasiga ee muwaadika oo ay ka mid yihiin inuu wax dooran karo, lana dooran karo, xuriyadda hadalka iyo cabbiraadka ra’igiisa iyo sidoo kale inuu toos uga qaybqaadan karo horumarinta dalka iyo kobicinta dhaqaalaha, mid gaar ah iyo mid guudba.

Waxaa la rajeynayaa dastuurka inuu noqon doono mid si bayaansan xeer iyo mabda’iyan u xaarantinimeynaya inuu waddanka u kala go’go Dowlad Goboleedyo ku dhisan habab qiyaali ah, waana in taasi ay u noqotaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu barnaamij siyaasadeed wada-tashi ku yimid oo taariikhi ah, si xukuumadda suurogal ugu noqoto in laga hortagto shirqoolada dastuurka loogu soo gambanaayo si aan loogu dabaqin shuruucda iyo hababka siyaasadeed ee Dowladda mustaqbalka.

Sababtoo ah, haddii sidaas lagu sii daayo dastuurka cusub, sida haddaba muddadii lagu jiray KMG-nida lagu arkay oo kale, waxaa u suuro galeysa dowladaha deriska ah inay dalkeenna ku sameeyaan faragalin siyaasadeed ee aan dhammaad lahayn, oo ay ka mid noqon karaan, in ay nala sheegtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhulkeenna, iyada oo noola soo maraayo sida Shabaab ayaan mandaqadda ka difaaceynaa iyo inay awood isku siiyaan maamul goboleedyo inay ka hirgeliyaan dalkeenna, sida matalan sida hadda Kenya ugu howlan tahay maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo kale.

Sidoo kale, Xukuumadda cusub waa inay ka shaqeysaa sidii loo diyaarin lahaa Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen si toos ah u soo dooran lahaayeen, lagana gudbo midda ku dhisan haanaanka Baarlamaaniga ah, kaasi oo baarlamaanka kaligii u u siinaaya in Madaweynaha dalku doorto.

Dowladdaha deriska la ah Somalia, sida Jabuuti, Yeman, Ethiopia, Kenya, Ugandha iyo Tanzania waaxay qaateen nidaamka ah in shacbigu toos u soo doortaan Madaxweynahooda, taasoo la doonayo in sidaas si la mid ah Soomaaliya dastuuriyan looga hirgeliyo. Taasi waxaa siyaasiyad ahaa ka waxtar badan tahay midda awoodda baarlamaaniga ah ku salaysan tahay. Yacnii awoodda madaxtooyda ayaa dalkeenna muhim u ah.

Xukuumadda shaqo badan ayaa sugeysa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahana, waxaa laga rajeynayaa inay dhexmarto wada shaqeyn wax ku ool u ah danaha qaranka iyo inay markasta tixgeliyaan isla-qaadshada hadaf isku mid ah. In laga gudbo kala daneysiga lagu soo arkay xiliyadii KMG-nimada waxay Somalia u horseedi kartaa in laga gudbo ku takrifal awoodeed, fadeexooyin siyaasadeed, musuqmaasuq iyo maamul xumo intaba. Gobolada hadda jira, kuwa Shabaabka laga xoreeyay iyo kuwii hore ee maamulada dhalanteedka sameystay dhamaantood waa inay noqdaan kuwo hoos yimaadaan xukuumadda Saacid. Ilaha dhaqaale iyo adeegyada Goboladaasna waa in xukuumaddu toos u maamusho sida Airpora-da iyo Dekaddaha.

In dalka laga saaro shirkaddaha aan Dowladda dhexe lasoo marsiin sida kuwa qatartaka ku ah danaha amaanka Qaranka, kuwa maafiyada ah iyo kuwa kale ee sunta ku daadiya baddaha iyo bariga. Waa in laga ilaaliyaa Gobololada inaysan yeelan awood ka baxsan midda dowladda dhexe, lana tirtiro mas’uul dhalanteedyda sida Madaxweyne Goboleed iyo Wasiiro deegaan, kuwaasoo dhab ahaantii si waaci ah qeyb ka noqdeen fowdada, xasilin la’aanta siyaasadeed iyo inaan guud abaanba Somalia gaarin horumar noqon kara wax la taaban karo.

Arrimahaasi aan soo sheegnay ka sokoow waxaa Cabdi Faarax Shirdoon horyaal mas’uuliyad taariikhi ah kuna wajahan xaqiijinta amaanka qaranka, nabadeynta iyo nabad ku wada noolaashaha shacbiga Soomaaliyeed, la dagaalanka masuq maasuqa, hirgelinta shuruucda ku saleysan maamul wanaaga ah, dimoqraadiyeynta nidaamka Dowladda, madaxbanaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga, ixtiraamka xaquuqda muwaadiniyiinta, dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo abuurista shaqooyinka.

Waxaa lagama maarmaan ah inuu jiro wada shaqeyn ka dhaxeysa Madaxtooyadda, xukuumadda iyo Baarlamaanka, taasoo haddii ay dhab noqoto caddahay in Somalia guul ay ka gaari karto arrimo badan oo turaanturo ku ahaan laheyd horumarinta wadanka, xag nabadgelyo, mid siyaasadeed iyo qeybaha kale ee asaasiga u ah nolosha ummada.

Qadiyadda ugu weyn waa inaan la aqbalin faragelinta shisheeyaha mid deris iyo kuwa kaleba, Xukuumaddana waa iney tustaa beesha caalamka in Somalia ay ka baddalan tahay qaababkii lagu aqoon jiray sida waayihii lasoo maray oo kale, haddana tahay, mid dhowrsaneysa karaamadeeda iyo madaxbannaanideeda qarameed.

In Mujtamaca caalamka la tuso in xukuumaddan awood u leedahay iney ka ammaan gasho sharta dowladaha iyo ururada caalamiga ah, iyadana laga nabadgalo. Xiriirka ka dhaxeyn kara Dowladdaha deriska inuu noqdo mid ku saleysan deris wanaag iyo isdhex galka shucuubta, isweydaarsiga ganacsiga iyo ka wada shaqeynta adeegyada socdaalka iyo ammaanka xuduudaha. Sidoo kale waa in dowladdahana ka dhaxeeyaan is-ixtiraam ku saleysan inaan la is faragelin iyadoo tixgelin dhab ah la siinaayo sharuucda caalamiga, kuwa goboleed iyo weliba chatar-ka Qaramada Midoobay intaba.

Qormada Warfaafiye@gmail.com

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.