Ninkani waa Aabbaha caalamka ugu da’da weyn. Daawo +Sawiro
Nin beeraley ah oo u dhashay dalka Hinndiya oo lagu magacaabo Ramjeed Raghav ayaa noqday aabbaha caalamka ugu da’ weyn ee dhalay cunug yar xiligan isagoo 96 sano jir ku dhalay wiil yar. Ramjeet Raghav iyo xaaskiisa Shakuntala ayaa dhawaan dhalay wiilkooda labaad isagoo wiilkiisii horena ku dhalay da’da 94 jirka .
Ramjeed oo ay ka muuqato diifta duqnimada ayaa waxuu hadana sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu cimrigan ku dhalo ubad waxuuna sheegay inay tahay Alle awoodiisa waxaasi oo dhan waxuuna intaas raaciyay inuu aad u raadin jiray uuna 3 ilaa 4 jeer u galmoon jiray xaaskiisa isagoo xusay inay muhiim tahay in uu fuliyo waajibka gogosha ka saaran uuna jameeca ku dadaalo marwalba inuu sameeyo waajibkiisa.
Waxuu sheegay sidoo kale inuu cabo subag iyo caano , caafimaadkiisana uu aad u wanaagsan yahay xaaskiisana ay jeceshahay dhaqankiisa jiifka iyo howshaba waxaana uu Ramjeet oo 96 jir ah sheegay in xaaskiisa Shakunta oo 50 jir ahi ay aad u jeceshahay kuna faraxsantahay inuu ahaado odaygeeda.
Waxaa odaygani oo ilkahu daateen uu saxaafadda usoo bandhigay cunugiisa isagoo farxad muujinayo , ayna ka muuqatay sida uu u xiiseynayo inuu aabbe ku noqday cimri gaboobay.


Email: warfaafiye@gmail.com
