Yaasmiin Calas: Xiddig u soo baxday Soomaalida Holland “Video
20-kii sannadood ee na dhaafay, waxaa dalka Holland sida dalalka kale ee Yurub ku soo furmay hirarka dad magangelyodoon ah oo badankood ka yimaadeen waddamada Afghanistan, Iraaq, Iiraan, Soomaaliya iyo Suudaan, ayagoo ka soo cararay dagaallo iyo cadaadiska siyaasadeed oo ka jira waddamada ay ka soo hayaameen.
Magangelyo doonka kor ku xusan waxay heleen fursado waxbarasho iyo shaqaalayn kaddib markii ay heleen sharci deganaansho, lana siiyay casharro afka Nederland iyo isdhaxgalka bulshada ku saabsan.
Kaddib baaritaan iyo tirokoobyo uu soo ururiyay qalabka warbaahinta Holland waxaa lagu ogaaday in dadka ka yimid Iiraan ay ugu horreeyaan xagga waxbarashada, helidda shaqada iyo isdhaxgalka bulshada ay la nool yihiin, Soomaaliduna ay ugu liidato, ayadoo la dacaayadeeyo inay yihiin dad qaad cun ah oo cayr ku nool ah.
Runtii, waxaa jiro Soomaali ka soo qalinjibisay qaybaha kala duwan ee jaamacadaha Holland daawada, dhaqaalaha sharciga bulshada iyo cilmiga siyaasadda, kuna shaqaysto xirfadaha ay soo barteen.
Hase yeeshee waa kuwo aan muuqanin bulshada ay la nool yihiin.Waxaa jirta in badan oo dadkeenna ka mid ah aysan garanaynin xuquuqda ay leeyihiin ama aysan sheegan karin wixii gef ah oo loo gaysto bacdamaa ay dhowaan yimaadeen amaba aysan afka Dajka baranin.
Illowse, Jaaliyadda Soomaalida Holland waxay aad iyo aad ah ugu farxeen Barnaamij ay soo diyaarisay Yasmiin Calas, kuna soo bandhigtay waalidiin carruurtoodii si sharcidarro ah looga qaatay, loona dhiibay qoysas caddaan ah oo carruurta qaarkeed faraxumeeyay.
Barnaamijkaas oo 7dii bishaan laga daawaday Televisionka Nos2 Todobaadkii hore iyo Todobaadkan.
Waa markii ugu horraysay ee dadka dalkaan loo soo bandhigo in magangelyo doonka halkan loogu gaysan karo dhib ka xun midkii ay ka soo carareen.
Haddaba, wax lala yaabo ma ah in nin qof dhalinyaro ah oo aan aqoonin habka dhaqanka, dhaqaale ee Soomaalida uu ka caroodo Yasmiin oo nagu sheegtay reer guuraa iyo burcadbadeed.
Soomaalidu waa xoolo dhaqato reer guuraa ah oo xoolahooda u kaxeeyo meeshii roob ka da,o oo nag leh, asagana tallaabo xuduudaha Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, dhaqaalaheenuna uu ku dhisan yahay malaayiin geela, lo,da iyo ariga ah oo aan u dhoofino waddamada Carabta.
Reer guuraanimaduna waa mid nalagu garto. Burcadbadeeduna waa xaqiiqa jirta oo aan la dafiri karin.
Ugu dambayntii, dhallinyarada dagaallada ku soo garaadsay waxaan u soo xulay heestii tilmaanta dhulka ee horraantii 60-maadkii uu tiriyay AUN Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, kuna luuqaysay Habboon C/laahi AUN.
Dhegeysi iyo Daawasho Wacan
HALKAN KA AQRISO QORAALKII HORE
GUJI HALKAN FLIM AY KA DIYAARISAY YASMIN BURCAD BADEEDA
Ahmed Mohamed Ahmed
Holland.
