Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay 4 Caruur Mataano ah (Sawiro)
Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah ayaa habeen hore ku umushay halka ay degan tahay, iyadoo Illaahey ugu deeqay Afar caruur ah, balse hal cunug uu ka saqiiray.
Xaliimo Maxamed Cali oo ah hooyada dhashay Afarta Caruurta ee mataanaha ah ayaa Sadax ka mid ah ay hada heysataa, kuwaasoo aan heysan wixii ay ku noolaan lahaayeen.
Hoyga ay degan yahay oo ka sameysan baakado iyo iyo marooyin la soo aruuriyay si ay qoraxda iyo dabeysha ugu onkortaan, inkastoo roobka uu ku da’ayo hadii uu yimaado.
Hooyo Xaliimo ayaa ku calaashay in aysan heysan wax ay ku habto caruurteeda hadii ay gaajo u ooyaan marka laga reebo naaska. hase ahaatee arinta murugada leh ayaa waxay tahay ilmo labo maalin dhalan oo ku jiifo Baakado dhulka loo dhigay.
Shacabka Soomaaliyeed ayay ka codsatay Xaliimo in wixii ay u awoodaan ku taageeraan si ay nolosha caruurtaasi iyo maalin quudkooda ugu dhigato.
Email: warfaafiye@gmail.com






