Yasmiin Allas oo meel ugu dhacday umadda Soomaaliyeed (Daawo)
Yaasmiin Calas waa gabar Soomaali Hollandees ah oo labaatan sano ka hor ay reerkooda kala soo qaxeen dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya, dadaal badan kadib waxa ay ku guulaysatay in ay noqoto qof Saxafiyad ah oo sameysa barnaamijyo baaritaan ah oo lagu soo bandhigo dhibka ka dhex jira bulshooyinka hase ahaatee si ay bulshada isaga gado waxa ay la soo shirtaytay barnaamij Documentry ah oo ay ka sameysay Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Hollond ama Netherlands.
Nasiibdarada ugu horeysa ee ka muuqata barnaamijka ayaa waxa ay tahay Magaca ay u xulatay oo Umad dhan waliba umaddii ay ka soo jeeday ay ku tilmaamtay in yihiin reer baadiyaal iyo burcad baddeed (Nomaden en Piraten). HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO
Waxaa laga yabaa in ay isleedahay waa magac wanaagsan oo barnaamijkaada uu ku gadmi karo balse waxa aysan ka sii fikirin gefka intaas leg ee bulshada ay kula kacayso taas oo sabab u noqon karta waxyaabo badan oo saameyn aanan fiicneyn ku yaalanaayo xirfadeeda iyo shaqadeedaba.
Waxaa kaloo aysan fahamsaneyn in dadka Ajanabiga ah ee daawaday barnaamijkeeda ay iyada iyo wixii wata midab Soomaaliyeedba ay u arkayaan reerbaadiyaal iyo burcad baddeed iyagoo marqaati ka dhiganaya barnaamijka ay samaysay, laga yaabo in iyada ay isleedahay waxaa tahay qof heer sare ah oo la qabsatay dalka ay ku nooshahay laakiinse waxaa hubaal ah in hoosta laga leeyahay waa maangaab isu aragta wax aysan aheyn.
Waayo hadii ay leedahaya garasho wacan kuma aysan kaceen gefka intaa le,eg ee xadgudubka ku ah asalkeeda, qofka ku gafa dadka uu ka soo jeedo macnaheeda waa isagaa isu gefay.
Inkastoo qeyb ka mid ah Barnaamijka ay xooga ku saartay dhib dhinaca caruurta ka haysta hooyo Soomaaliyeed oo ilmaheeda lagala wareegay, su,aalo adagna ay hor dhigtay qolyaha ku shaqada leh daryeelka caruurta waalidkooda laga qaato hadana waxaa wax laga xishooda ah in dhanka xumaanta oo kaliya ay ka eegtay bulshada Soomaalieed.
Mana ahan wax laga filaayay in qof sideeda camal ah oo wax bartay uu bulshadiisa liido halkii ay soo bandhigi laheyd in kala duwanaanshaha dhaqanka iyo diinta ay sabab u yihiin dhibka Soomaalida ka haysta Qurbaha iyo sidii xal loogu heli lkahaa islamarkaasna ay wareysato dadka nolol ahaan iyo aqoon ahaanba hormar ka sameeyay.
Waxyaabaha bahdilka ku ah Soomaalida waxaa ka mid ah sida ay ugu jeesjeestay wiil dhalinyaro ah oo barnaamijka ay ku wareysatay oo leh luuqadaan baranaa kadibna xafiis aan ka shaqeynaa, waa fariin aad u liidata oo muujinayso in Soomaalida oo dhan ay aaminsan yihiin in qofkii wax qora waxna aqriya uu xafiis ka shaqeyn karo oo aanan loo baahneyn waxbarasho intaas ka badan.
Mida kale ee in la isweydiiyo mudan ayaa waxa ay tahay in dhamaan Ururada Soomaalida ee ka jira Holland oo dabcan wada daawaday barnaamijka misana aanan ka gilgilanaynin gefka lagula kacay, malaha iyaga kuma jiraan reerbaadiyaasha iyo burcad baddeeda lagu sheegay Barnaamijka mise waxay la tahay in ay noqdeen muwaadiniin Duch ah oo uusan quseyn barnaamijka.
Waa Masuuliyad Saaran dhamaan Soomalaida in ay iska fogeeyaan fariinta qaldan ee laga gudbinaayo iyo gefka ah in ay yihiin reerbaadiyaal iyo burcad baddeed gaar ahaan waxaa si gaar ah masuul uu ugu saaran yahay ururada aan ku ku soo xusay ee meelaha ku xarxariiqda magaca Soomaalida iyo calankaba iyagoo sheeganaya in ay yihiin ururo u dhaqdhaqaaqa Soomaalida.
Ugu danbeyn waa in si wada jir ah loo cambaareeyaa fariinta uu gudbinaayo barnaamijkaasi hadii kale waxaa la aaminaa in Soomaalida Holland ku nool gedigood ay yihiin Reerbaadiyaal ama Burcad Baddeed oo aysan jirin wax kale, taasna waxa ay caqabad hor leh ku noqonaysaa qofkasta oo doonaya in uu hormariyo noloshiisa hadii dhanka shaqada ay ahaan laheyn iyo dhanka wax barashadaba, waayo markii aad shaqo doonataan waxaa la idin arkaa in aad tahiin jaahiliin aanan laheyn aqoon iyo karti ay ku shaqeystaan ama dambiilayaal burcad baddeed ah kadibna wax qiimeyn ah kuma yeelanaysaan bulshada lagu dhexdeeda.
By Abdullahi Jama
Fogaan Arag News
fogaanaragnews@gmail.com
