CED-Som
|

Awdal State oo ka digtay dhul boob Somaliland wato +Sawiro

Waxaa xalay magaalada Leiden ee dalka Holland lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Awdal State Garyaqaan Rashid Nuur Xirsi, waxaana kasoo qeybgalay Jaaliyadda Awdal Sate iyo taageerayaasha maamulkaasi.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Awdal Satate ayaa waxay ujeedadeeda aheyd kala war qaadasho iyo warbixin ay Jaaliyadda ka dhageysanayeen Madaxweynaha Maamulkaasi Rashiid Nuur Xirsi oo ka warbixiyay waxqadka maamulkiisa iyo himilada uu tiigsanayo.

Wuxuu si dheer ugu hadlay dhul ballaarsi uu sheegay in ay wadaan wax uu ku sheegay Beesha Naasa Hablood oo uu ula jeeday Maamulka la magac baxay Somaliland, wuxuuna ugu baaqay in ay dhowraan xuduudaha Goboleed iyo sharciyada caalamiga ah.

Rashiid Nuur Xirsi Madaxweynaha maamulka Awdal State wuxuu bulshada ku abtirsada Gudabiirsi iyo taageerayaasha Adwal in ay u istaagaan difaaca qeyraad deegaanada Awdal oo uu sheegay in shaqsiyaad doonaya iney kala qeybiyaan Soomaalida ka wada deegaanadooda.

Wuxuu Madaxweynaha Awdal uu si caro leh ugu hadlay midnimada Soomaaliyeed in ay tahay mid lama taabtaan ah, isagoo ugu baaqay Dowladda cusub ee Soomaaliya iney ka shaqeyso sidii la isugu keeni lahaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna hambalyo u diray Madaxweynaha cusub iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xafladda xalay ka dhacday Leiden ayaa waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay xubno lagu casuumay, Guddoomiyaha Mudug Foundation Maxamed Cusmaan Guure oo maamulka Awdal State ku amaanay sida Soomaalinimada leh ee ay u doonayaan midnimada jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Oct 6 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...