CED-Som
|

Video:Soomaali cooshado ka dhistay Amsterdam

Dhowr qof oo isugu jira Soomaali, iyo Suudaan oo sharciga deganaanshaha dalka Holland loo diiday ayaa waxay guryo cooshado ka sameysan ay ka dhisteen Galbeedka cusub ee Magaalda Amsterdam oo lagu magacaabo Nieuw-West, halkaasoo nolol xun ku heysato. (HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO).

Maamulka Neieuw West ee galbeedka Amsterdam ayaa ku guul dareystay iney wax ka qabtaan dhibaatada dadkaasi ku heysa halkaasi, waxayna sheegeen in aysan habayaraatee waxba u qaban karin dadkaasi u badan Soomaalida.

Dadkaasi la diiday dacwadooda lana xeray feelashoodii Qaxootinimo ma haystaan wax suuli ah, waxayna ku saxaroodaan meel ay iyaga ku daboosheen cooshado, biyo, nalal iyo cuno, mana jirto wax ay ka sugaayaan Dowladda hoose.Guddoomiyaha qaybta magaalada Nieuw-West oo la yiraahdo Baadaa”uud ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay, wuxuuna yiri” ma doonaayo in qaxootiga rajo been ah la geliyo. Mushkiladdu waxay taallaa Den Haag” ayuu yiri oo uu ula jeeday in dad sidan oo kale ah ay buuxaan dad aan hoy heysan iney ku nool yihiin magaalada Denhaag.

Dadkan oo u badan Soomaaliya iyo Suudaan ayaa tiradooduna kor u dhaafeysaa 40 qof kuwaaso oo ilaa iyo toddobaadkii horena ku noolaa xero teendhooyin ka samaysan, waxayna cuno ka helayeen maalmihii la soo dhaafay dadka deriska la ah meesha ay ka dhisteen cooshadaha iyo hey’adda caawisa qaxootiga ee la yiraahdo vluchtelingenwerk xili la guda galay qaboowaha Yurub.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Oct 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...