Saadaasha Jubbada Hoose, Shabaab Kadib‏: Faallo

Kismaayo waxay wajahday duruuf qalafsan oo hor leh iyo faragelin Milateri, Siyaasad iyo Maamul oo Dowladda Kenya ay ku xaqiijineyso damaceeda ah in ay kala baxdo kheyraadka dabiiciga ah ee ceegaaga biyaha dhuuleed ee Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska aaggaas ku jira iyo inay Jubbooyinka ka aasaasto maamul maqaar saar ah ee iyadu sida ay doonto u maamusha si waafaqsan danaheeda. Shirkado reer Galbeed ah ayaa arintaasi ay kaga garab helaysaa.

Dhowr jeer ayuu Baarlamaankii hore ee Soomaaliya fashiliyay qorshe heshiis macbil ah oo si dhoobdhoob ah loo soo farsameeyay, si xukuumaddii waaya aragnimo la’aanta haraysay ee ina C/rashiid Cali Sharmaarke looga meel mariyo ogolaashaha ah in qayb ka mid ah dhul biyoodka Koonfureed ee Soomaaliya lagu tilmaamo inay tahay meel “muran ka taagan yahay”. Tan iyo waqtigaas kadibna, Dowladda Kenya waxay bilowday inay toos u soo farageliso si iskeed ah, colaadaha ka jira Soomaaliya. Waxay ku guuleysatay inay wakiilo u adeega danaheeda ku yeelato Dowladdihii u jiri jiray sida KMG-nimada ah, sida lagu arkay markii ugu dambeysay Cabdiweli Gaas iyo xubno kale oo muhiim ah, gaar ahaan marka la tixgeliyo sida tooska ah uu Gaas u difaacay in ciidammada Kenya ay si sharci darro ah uga soo gudubaan xuduudaha Soomaaliyeed.

Waxay (Kenya) bilowday inay sameyso dhaqdhaqaaqyo ku wajahan shirar iyo fikrado ka dambeeyaan tabo “marmarsiinya” ah Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Arrintaas waxay taageero kaga heysataa mid ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed oo hadda ku dagaalama magaca Raas Kambooni iyo maliishiyaad kale oo Kenya soo tababartay, loona ekeesiiyay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyagooku dagaalamaya magaca XDS.

Shabaabka Argagixisada ah ayaa ka mas’uul ah in Soomaaliya loo fududeeyo damaca shisheeyaha dariska ah. Kuwa Raskiyaambooni magac ahaan u sita qudhooda ayaa la xusuusan yahay inay yihiin kuwo taariikhiyan ka soo go’ay Al-Shabaab, haddana suuragal tahay inay ku jiraan, isla kuwii ama kuwo kale oo weli ku hubeysan afkaaraha khawaarajnimada fogaatay ee argagaxisada Al-Shabaab. Waxyaabaha la yaabka leh oo iyadana hubaal ah, lana arkay ayaa waxaa ka mid ah Jabhadii ONLF oo halgankeedii u soo weecisay waxa loogu yeeray xorreynta Jubbooyinka, kadib markii ay ku fashilintay dagaalkii ay ka wadday Soomaali Galbeed, Jabhadaasoo hadda magaca loogu yeero ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ee kaashanaya kuwa Kenya.

Falsafadda Gaandi ayaa noqotay mid howlgash, laguna fuliyo isku keenidda qorshooyinka hadafkaas, halka Ra’iisul Wasaarihii horena Cabdiweli Gaas iyo Faroole ay ka noqdeen kuwo u sacaba tuma xaqiijinta arintaas iyagoo ka eegaya danno qabiil iyo maasaaliix kale ee gaar ah intaba.  Haddaba Qiyaamooyinka socda ma yihiin kuwo guuleysan kara?. Waxaa lagu soo waramayaa Nairobi inuu ka socdo shir dhallanteed ah, kuna saabsan, wax loogu yeeray,”maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo”, taasoo ay ku lug leeyihiin qabiil ka socda hal dhinac, iyada oo dhanka kalena qabaa’ilka faraha badan oo dhinacyo badan kasoo jeedaan ay iyagana Muqdisho uga socdaan shirar iyo wada tashiyo dhab ah, kuna saabsan, “maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka”, iyada oo Dowladda Soomaaliyeed ka dalbanayaan in lagu taageero inay ku dhawaaqaan, ka xoreynta Shabaab kadib.

Dowladdaha deriska waxay waligood ka shaqeyn jireen sii hurinta daruufaha colaadeed ee ka jira Soomaaliya, isku dhacyada beeleedna waxay u arkaan inay yihiin kuwo looga faaiideysto xaqiijinta himilooyinkooda guracan. Kenya waxay si aan sax ahayn ugu hoos dhuumatay dallada AMISOM, iyadoo dhanka kalena shirarka Nairobi ka socdaan ay ka wadato dallada IGAD, si xun u adeegsiga magaca IGAD-na waxaa lagu yaqaan inay isticmaalaan Kenya iyo Ethiopia marka laga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Shabaabka oo qeyb ka ah Argagixisada Al-qaacida ah una baahan in si caalami ah loola dagaalamo ayaa waxay noqotay fursad dalalka deriska ah ay ugu faa’iideystaan iney sii murjiyaan xaalada Soomaaliya, taasoo ay ku doonayaan in Gobolka iyo dalka Soomaaliyeedba helin fursadaha Nabadda, Horumarka iyo Dimoqraaddiyadda.

Weli ma dhicin beesha caalamka iney ku soo baraarugto tacaddiyada ay ku kacayaan labadaasi dowladood, waa Kenya iyo tan Ethiopia gaar ahaan intii uu noolaa Meles Zenawi, iyadoo dhanka kalana Augostina Mahiga oo xilkiisa ergayga Xoghayah Guud ee Q.Midoobay uusan weligii uga hadlin si toos ah iyo dadbanba dibandaabyada deriska ku hayaan Soomaaliya. Waxaa la diiddan yahay in Soomaaliya gaarto horumar xagga Nabadda, Dib u heshiisiinta iyo inay xaqiijiso Midnimadeeda Qarameedba.

Waxaa looga baahnaa Augostine Mahiga inuu dibloomaasiyaddiisa ballaariyo, una arko Cadowga Soomaaliyeed inuusan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida kaligood ku sinneyn, bal ay jiraa kuwo kale oo aan ka dhicin, sida Kenya iyo Ethiopia. faragelintooda qaawan waxay qayb ka yihiin burburka taariikhiga ah iyo dowladnimada fashilantay ee Somalia. Waxay ahayn si gaar ah Kenya inuu ka ilaaliyo  damaceeda ku saabsan kheyraadka Soomaaliyeed oo ay bartilmaameedsaneyso. Mahiga waxaa lagu eedeeyaa wakiilnimadiisa inuu ku ekeysiiyay oo kaliya hirgelinta Roadmap iyo wax ay Soomaalida ku yaqyaqsooto ah sida hanjabaadyada qaswadanimada ah ee looga digo Madaxda Dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed haddii laga horyimaado go’aamada saxiixayaasha inta lagu jiro marxaladda kala guurka.

Juboyinka waa gobol ka mid ah dhulalka ay ku nool yihiin beelo badan oo isku wada dan ah, hase ahaatee, awoodaha gobolkaasi ay ku tartamaayaan beelo mucayin ah doolna ku yimid. Bartamihii sagaashameeyadii ayaa badi beelaha deegaanka ay isku raaceen heshiis loogu magac daray qorshihii Liiqliiqadato, kaasi oo gobalka u horseedi lahaa dhammaan dadka deegaanka inay nabada ku wada noolaadaan, balse waxaa ka horyimid qabqablayaal dagaal oo ay yar tahay garaadka iyo naxariista aadanimada ay leeyihiin, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Morgan, Gabyow, Sayid Hussein iyo Jees oo midkoodna aan u dhalan deegaanka.

Kismaayo oo ah magaalo madaxda Jubbada hoose haddii ay u dhacdo gacan aan ahayn midda dowladda dhexe, rajadeedu waxay galeysa mugdi iyo inay soo noqdaan colaadihii aan dhammaadka lahayn,  Kenya waa inay aqoonsataa xuduudaha iyo wadajirka dhuleedka ee shacnimada ah. Marmaarsiinyadeeda ma noqon doonto mid dhulka Soomaaliyeed looga sameysto waxa loo yaqaan “Buffer Zone Protection” oo ah  Shabaab ayaan ka ilaalinaynaa halkaas inay Kenya ku soo xadgudbin.

Hadda xaalada waxay mareysaa Kismaayo oo Shabaabkii ka baxay, Kenya oo soo gashayna aan u rooneyn, waa murugo kale oo hor leh. Sida la rabo waxay tahay in laga hortago isku dhacyo kale ee xagga beelaha in uu ka bilowdo Gobolkaas, haddii aan xal caddaalad ah loo helin arrimaha maamul u sameynta Gobolka. Kenya waa inay ciidamadeeda la baxdaa, halkaasna lagu joojiyaa faragelinteeda oo dad badani ka shaki qabaan, taasoo la aaminsan yahay inaysan waxba dhaami doonin tii Shabaabka oo kale. Beesha caalamka waxaa la gudboon iney u garowdo Dowladda cusub ee Soomaaliya si arrimaha u gaarka ah Soomaaliya looga ilaaliyo faragelin danbe iyo in kaligeed loo daayo xalka gudaha dalkeeda.

Xukuumadda cusub iyo Madaxweynahaba waa ineysan u dabcin damac kasta oo shisheeyaha gaar ahaan kuwa deriska ah, lidna ku ah danaha midnimada dhuleed iyo amaanka Qaranka.

Qormada Warfaafiye@gmail.com

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.