Maxaa kaaga soo baxay caleema saarkii Madaxweynaha?

45 sano kadib, waxaa Soomaaliya ka dhacay doorasho Madaxweyne oo si haabsami leh xil loogu kala wareegay, iyadoo loo maray sida uu qabo nidaamka dastuuriga ah. Burburkii kadib, Soomaaliya waxay u tahay fursad taariikhi ah ee loogu gudbaayo marxalad ku dhisan Dowlad saldhig u ah nidaam dastuuri ah, kadib doorasho dhacday 10kii September ee sannadkan, taaso oo Baarlamaanka cusub cod buuxa ku aqbleen Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee afarta sanno soo socota.

Waxaa dhab ahaantii dhammaaday muddadii kala guurka oo aheyd xaqiiqdii 12 sanno marxalad adag oo ay soo mareen dowladdihii kala dambeeyay min Carta, Mbagathi ilaa Jabuuti 2000-2012. Waxay ahaayeen dowladdo waqtiyadooda ku dhamaaday fashil ka yimid sababo khilaaf awoodeed, faragelinta dowladdaha deriska, dagaalka Shabaab, is xisaabin la´aan iyo masuq maasuq.

Heshiiskii labada Shariif, “Kampala Accord” wuxuu horseeday inuu dalku galo marxalad adag oo aan qiyaas laheyn, laguna burburiyay dhammaan wixii nidaam ah oo horay u jiray iyo haggaanka dowladeed oo ay madaxda ka ahaayeen. Masśuliyadii Baarlamaanka KMG, awooddii maamul ee Xukuumaddii TFG iyo tii Madaxtooyada waxaa la wareeegay wax lagu sheegay xubno isku magacaabay “saxiixayaal”aan heysan haba-yaraatee kalsoonida iyo taageerada shacbiga.

Saxiixayashu waxay bah-dileen wax kasta oo nidaam dowladeed ah, waxayna ugu danbeyn soo saaareen wax lagu sheegay Road Map iyodastuur oo dadweynaha Soomaaliyeed ku tilmaameen inuu yahay mid `Cantar Baqash ah`. Waxaa sharci ahaan lahayd in loo maro marxaladdii kala guurka “dhabbaha Baarlamaankii” lagu kala diray tixgelinta danaha waddamada deriska ah.

Madaxweynaha cusub waxaa horyaal su´aalo qaran oo waa weyn, waxaana ugu horeeya “Qaddiyadiyadaha amniga wadanka, dib u mideynta Soomaaliya”, dib u dhiska iyo dhaqan celinta, dib u soo noolenta kaabiyaashii dhaqaale iyo soo celinta adeegyadii mujtamaca, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta iyo in la helo caddalad xaq ah iyo tixgelinta xuquuqaha aasaasiga ah ee Muwaadinka.

Dowladda cusub waxaa kaloo horyaal la dagaalanka kala qeeqeebinta wadanka sida, wax lagu sheegay Dowlad Goboleedyo oo ay ka mid tahay tan Faroole horjoogaha ka yahay oo u taagan qas iyo iney u adeegto danaha dowladdo deriska ah sida Ethiopia, Ilaalinta xuduudaha bariga iyo badaha iyo faragelinta shisheeyaha, gaar ahaan damaca dowladaha deriska marka loo eego hanka ay u haayaan kheyraadka Soomaaliya.

Faroole oo aaminsaneen inaan laga xukumin Xamar oo Madaxdiisa kalsoonida ku qabo u fadhido Addis Ababa ayaa xusul duub ugu jiro in uu gooni u dhaqmo, isagoo ka baxsanaya shuruucda iyo hoggaaminta mideysan ee dowladda dhexe. Caleema saarkii maanta Xamar ka dhacay, Faroole kama soo qeyb gelin, haddii Aadis Ababa lagu qaban lahaana waxay u ahaan lahayd farxad uu la qushuuco, deg degna uu u aadi lahaa si la mid ah sida uu ugu qeybgalay Aaskii hoggaamiyahiisii weli daacadda u yahay, isagoo dhintay Ato Meles Zenawi.

Waxaa u laaban lug, waxaana la moodaa inuu ka noqday hambalyadii uu u soo jeediyay Madaxweynaha cusub, sababaha uu Xamar u imaan waayayna waxaa ka mid ah isaga og in aan lagu qaabili doonin habmaamuus uusan is-taahilin iyo in loo tixgeliyo soo jeedin kasta oo uu la yimaado, kuna saabsan xubnaha Dowladda iyo Ra´iisul Wasaaraha lasoo magacaabi doono.

Sakiin baxyee, maxay reer Garoowe ku fayalayaan Faroole , kaasi oo lagu tilmaami karo inuusan la qabsan karin hanaqaadka cusub ee Dowladdnimada dastuurka ku dhisan. Fowdadii dhamaatee, maxaa Faroole u laaban, waa su´aalaha la iska weydiin karo mustaqbalkiisa.

Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maanta Xamar ka dhacday waxay astaan u tahay marka loo fiiriyo kasoo qeybgalka Madaxda caalamiga iyo kuwa Gobolka in Soomaaliya u furuntay bog cusub iyo marxalad hor leh. Waxaa dhammaaday isqab-qabsi dhanka awoodda ah, khilaaf iyo fashil ku dhaca nidaamka sida looga bartay dowladihii u jiri jiray sida ku meel gaarka ah.

Dowladda la soo dhisi doono, “hadafka amniga iyo dib u mideynta wadanka” ka sokoow, waxaa horyaal sidii wax ka baddel ballaaran loogu sameyn lahaa “Dastuurka Cantar Baqashka ah” ee aan u qalmin in Soomaaliya lagu hoggaamiyo.

Dastuurkaasi waa inuu noqdaa mid dib loogu laabto iyadoo lala beegsanaayo sixitaan sal iyo baar ah. Waxaa lagama maar noqoneysa in Baarlamaanka cusub dib u soo celiyo xubnihii iyo howshii Guddigii madaxa bannaanaa iyo kii qubarada ee horay u daadiheyn jiray qabya qoraalkii dastuurka muddadii siddeedda sanno ahayd, si ay ula wareegaan tacdiilaadka ama wax ka badalka lagu sameyn doono dastuurka hiilka badan siinaya danaha cadowga shisheeyaha.

Gaas iyo Xoosh ayaa waxay noqon doonaan rag mar dambe lagu arki doonin fagaareyaal Dowladeed, goobo looga munaaqishoonaayo dastuur, waxayna la baxeen caasi garoobid marka loo eego xiriirkii ay la lahaayeen Madaxweynihii doorashada looga adkaaday iyo iyagoo isku dayay in mustaqbalka Soomaaliya ay geliyaan mugdi iyaga taasi darteed uga ambaqaadaayeen khiyaano iyo u kal kaalid danno dawlahada deriska ah.

Qormadan waxay gaar u tahay Warfaafiye.com
Warfaafiye@gmail.com

Leave a Comment

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.