CED-Som
|

Madaxweynaha cusub oo weli degan Hotel & Shariifka oo ku sugan Villa

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo weli lagu wareejin xarunta looga taliya dalka ee Villa Somalia ayaa degan Hotelka Al-Jaziira ee ku agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa noqdan kan ugu mashquul badan hoteelada Muqdisho, waxaana ka socda kulamo kala duwan.

Ergada Qaramada Midoobay iyo kuwa kor joogtada ka aheyd doorashada ayaa maanta kulamo kala duwan ay kula yeesheen Hotelka Al-Jaziira Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kala hadlay isbadalka cusub ee dalka ka dhacay iyo sida beesha caalamka ugu taageeri laheyd gudashada xilka cusub ee loo doortay.

Xubnaha Hotelka ku booqday waxaa ka mid ah Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostnine Mahiga oo ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii xalay.

Sidoo kale waxaa kulamadaasi qeyb ka ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo xod xodasho ku wada Madaxweynaha cusubĀ  sidii ay isaga dhex arki lahaayeen dowladda cusub ee lasoo dhisi doono.

Odayaasha dhaqanka ee madala qabiilada Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ayaa buux dhaafiyay Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha, kuwaasi oo doonaya iney kulamo la yeeshaan.

Xarunta Villa Somalia ayaa waxaa weli ku sugan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed, waxaana la filayaa in munaasabad ballaaran oo caleema saarka iyo xil wareejin ah ay ka dhici doonto xarunta Villa Somalia.

Dhinaca kale waxaa hoteelka uu degan yahay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay amaankiisa ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Sep 11 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...