Ethiopia oo ka hadashay doorashada Madaxweynaha cusub
Danjiraha Dowladda Ethiopia u fadhiya magaalada Muqdisho oo lagu magaabo C/casiis Aadan ayaa soo dhoweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Xildhibaanada xalay doorteen.
Wuxuu sheegay Danjiraha in doorashadii dhacday ay aheyd mid ka turjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana rabitaankooda uu noqday mid hirgalay.
“Waxaa ii muuqatay in dadka Soomaaliyeed ay hal cod ku hadleen oo ay cadeeyeen inay isbedel rabaan, isbedelka waa mid loo baahnaa” ayuu yiri danjire C/casiis Aadan.
“Anagu hadaanu nahay Dawladda Ethiopia waanu sii wadeynaa wada shaqeyntii aan la lahayn dawladda sidii aan ula shaqeynay dawladdihii hore” ayuu sii raaciyey danjiraha.
“Ciidamadeena waxay ku yimaadeen fasax dawlada iyo madaxda Soomaalida, haddana waxay ku xiran yihiin dawladda cusub iyadaana go’aan ka gaari doonta iney sii joogayaan iyo iney baxayaan” ayuu yiri danjiraha Ethiopia oo ka jawaabayay su’aal aheyd maka baxayaan ciidamadiina gudaha Soomaaliya mar hadii isbadal uu dhacay.
Danjiraha Dowladda Ethioia u fadhiya Muqdisho C/casiis Aadan ayaa tilmaamay in ay haboon tahay in laga faa’iideysto fursada cusub ee ay heystaan dadka Soomaaliyeed isagoo xusay in doorashada baarlamaanka ka dhacday ay muujisay in dareenka Soomaalida uu hal dhinac u jeedo.
Email: warfaafiye@gmail.com
