CED-Som
|

Taariikhda Madaxweynaha cusub iyo shaqsiyadiisa.

Waxay Soomaaliya yeelatay Madaxweyne cusub oo doorasho xalaal ah ku yimid kursiga, hadaba dad badan ayaa isweydiinaya waa kuma shaqsiyada Dr. Xasan Sheekh Maxamuud?

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa aqoonyahan aan horay loogu arag arrimaha Siyaasadda, wuxuu ka tirsanaa Aqoonyahanada ururada diineed ee dhexdhexaad ah, aaminsan in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan ku dhisan caddaalad.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi sanadkii 1955-kii halkaasi oo uu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe kusoo qaatay, isagoo markaasi kadib waxbarashadiisa sare kusoo qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu waxbarashadiisa sare uu ku dhameystay magaalada Muqdisho, isagoo markaasi kadib ku biiray Jaamacadda Ummada oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1981-kii , kadibna waxa uu Waxbarashadiisa heer jaamacadeed u aaday dalka Hindiya, wuxuuna ka qalin jabiyay Jaamcadda Bhopal University ee dalka Hindiya oo uu ka qaatay shahaadada Masters Digree sanadkii 1988-kii.

Wuxuu kaloo Dr. Xasan Sh. Maxamuud uu kasoo shaqeeyay hey’addaha Qamarada Midoobay gaar ahaan dhinaca Waxbarashadda oo uu u qaabilsanaa Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, sidoo kale  wuxuu Hey’adda QM ahaan qeybta maalgelinta u qaabilsanaa daryeelka carruurta ee loo yaqaan ‘the United Nations International Children’s Emergency Fund’.

Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay Machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna taalla Magaalada Muqdisho. Dad badan oo aqoon u leh Madaxweynaha cusub waxay sheegaan inuu ka tirsan yahay ururada diineed ee ka dhisan Somalia.

Dr.. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sannadkii 2011 asaasay, Guddoomiyene ka noqday Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ‘The Peace and Development Party’.

Dr. Xasan Sh. Maxamuud waxaa leenahay xilka laguu doortay Illaahey hakula garab galo, dadkana waxay kaa sugayaan badbaado, horumar iyo in aad kasoo baxdo balanqaadkii laguugu doortay.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Sep 10 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...