CED-Som
|

Puntland “Maqsuud ayaa ka nahay doorashada Madaxweynaha cusub

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee ay yeelatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud.

” Aniga oo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka puntland in aanu maqsuud ka nahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay,waxaan si gaara ugu hanbalyeynayaa xildhibanada Soomaaliya sida diiran ee ay ugu dhabar adeegeen xiliga doorashada iyo go,aanka wax ku oolka ah ee ay ku doorteen Madaxweynaha cusub” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha cusub uu yahay nin aqoonyahan oo dhalinyaro ah isbedelna keeni kara. isla markaana maamulkiisa uu diyaar u yahay iney la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

Faroole ayaa hada la doonaya Ra’iisul Wasaaraha cusub in loo magacaabo shaqsi kasoo jeeda Puntland, walow uusan weli arintaasi ka ka hadlin.

 Wareysi uu dhawaan C/raxmaan Faroole siiyay BBC wuxuu ku hanjabay in hadii lasoo doorto madaxdii hore uu maamulkiisa ka fiirsan doono  ka mid ahaanshaha dowlada haddii madax aysan dooneyn dalka loo doorto.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Sep 10 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...