Gabadhii ugu horeysay ee Xijaab xeran oo ka hadashay Telefishinka Masar+video.
Waxaa markii ugu horeysay laga daawaday shaashada Telefishinka Qaranka Masar Gabar xijaaban oo aqrineysa warka, taasoo aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen shacabka, waxayna noqotay wax ku cusub warbaahinta Masar, kadib markii dowladihii dalka soo maray ay ka mamnuuceen in gabar xijaaban ay soo fadhiisato Idaacadda Telefishinka Qaranka, arintaan ayaa ku soo aadeysa xili siyaasada dalka ay la wareegeen Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin.
Fatima Nabil ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay oo eyadoo xijaabaan aqrisa warka idaacadda ama News-ka, waxayna fulisay go’aankii Waziirka warfaafinta dalka Masar Salah Abdi Maqsuud oo kamida Jamaacada Ikhwaanka, kaas oo u ogolaaday in Telefishinka Qaranka Gabar xijaaban ay warka ka aqri karto, arintaan ayaa mamnuuc eheed xiligii Mubarak dalka taladiisa hayay.
Fatima ayaa mar qura saameyn weyn ku yeelatay goobaha bulshadu ku kulmaan sida Facebook, Twitter iyo Youtube oo meel walba lasoo geliyay Video yar oo muuqaalkeeda ah, kaas oo lagu dul qoray cinwaan ah gabadhii ugu horeysay oo eyadoo xijaaban war ka aqrisa shaashada telefishinka qaranka Masar.
Arintaan waxaa ka hadlay dad badan oo qubaro ah, kuwaas oo kasoo shaqeeyay dooladihii hore sida ku xigeenki hore ee gudoonka Barlabaanka Dr Xatim oo ku tilmaamay in gabar xijaaban war ka aqriso telefishinka qaranka wax caiib ah oo muddo dheer aan la arag, isagoo sheegay inay wanaagsantahay inaan lakala soocin shaqaalaha laguna kala saarin muuqaal ama Diin.
Dhinaca kale Khabiir warbaahinta Masar aad looga yaqaan oo lagu magacaabo Yasir Abdiaaziiz ayaa sheegay in tani tahay qalad muddo dheer socday oo hada la saxay, isagoo yiri waa wax aqligu qaadan karo in la helo weriyayaal xijaaban.
Ugu Dambeyn Waziirka warfaafinta Masar ayaa daaha ka qaaday ogolaadayna in gabdhaha xijaaban ay warka ka aqri karaan telefishinada dowladu leedahay, isagoo sheegay in arintaani ka dhalatay Tawradii ka dhacday Masar 25-Janaayo 2011, isagoo hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay qaanuunku qof kasto oo dulman xaqeeda ayuu sii doonaa.
Alamtara Haji
jilaa.com
