Saxaafadda Ingriiska oo soo bandhigay Mataanihii dahabiga Mo Farah+Sawiro
Saxaafadda dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay muuqaalka Labada gabdhood ee u dhashay Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda balse u ciyaara dalka Ingiriiska Mo Farah, oo maalmo kadib markii uu qaaday labo biladood oo dahab ah ciyaarihii Olombikada adduunka ee lagu qabtay Londan.
Mataanaha u dhashay Mo Farah ayey ku tilmaameen Saxaafadda Ingiriiska “Mataanihii Dahabiga”, wuxuuna ugu magac daray labadiisa gabdhood Aisha iyo Amani.
Mo Farah oo ku guda jiray maalmihii farxada Olombikada Londan markii uu qaaday orodka 10.000 iyo 5.000 ayaa waxaa ugu sii darsantay Mataanaha kusoo siyaaday isaga iyo xaaskiisa 26-ka jir ah ee Tania.
Wargeyska Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa baaritaan wariye u diray Soomaalia waxay kusoo barteen oo ay kusoo shaacbaxiyeen qoyska Orodyahanka Mo Farax oo asigoo kasoo jeedaa halkaasi iyadoo ay soo sawirteen wareysina ka qaadeen Xasan Farah oo mataan la ah Mo , aadna isku shabaha wajiyadooda.

Mo Farah iyo Xaaskiisa Tania oo u dabaal degaya guushii biladaha
Hassan Farah ayaa haatan ku nool magaalada Hargeysa waxaana Xasan uu yiri aniga iyo walaalkeey waxaan caruurnimadeenii ku wada seexan jirnay sariir waxaana iskula wada cuni jirnay saxan, waxaan isla xiran jirnay dharka , balse daruufo ayaa inakala waday aniga iyo mataankeeygii, sidaas ayaana laga filayaa Mataanaha u dhashay Mo Farah.

Hasaan Farah oo Mataan la ah Mo
Email: warfaafiye@gmail.com
