CED-Som
|

Xaaska Meles oo badeecada kala soo degto Berbera Canshuur la..Video

Xaaskii Ra’iisul Wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia Melas Zenawi oo lagu magacaabo Azeb Mesfin ayaa ka mid ah haweenka adduunka ugu lacagta badan, waxayna kaalimaha koowaad kaga jirtaa haweenka maalqabeenada ee masuq maasuqa hantida Dowladeed iyo mida shacab.

Azeb iyo caruurteeda oo barooranaya ayaa warbaahinta caalamka maalmahan laga soo deynayay iyadoo ka xun geerida odaygeeda Melas Zenawi oo ku u dhintay cudurka ku dhaca dhiiga ee daweyntiisa adag tahay.

Azeb Mesfin waxay sheegeen warbaahinta iney si gaar ah u leedahay hanti xoog leh iyo lacag aan ka yaren hal Billion dollarka Mareykanka.

Waxay toos badeecadda ugala soo degtaa dekedda Berbera canshuur la’aan. Iyada oo weliba xushmadda daacadda ah loo haayo darteed ayaa marka Berbera laga soo dejinaayo badeecaddeeda waxaa la joojiyaa howlaha iyo adeegyada kale dhammaantood.

Badeecada Azeb Mesfin lama mid ahan kuwa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kasoo dega dekadda Berbera, waxaana looga taxadiraa si weyn, mana jirto canshuur laga qaado, saraakiil Ethiopian ah ayaa kor joogto ah marka ay degeyso badeecadaasi.

Madaxweynaha DKMG ee waqtigiisa dhammaday iyo Madaxweynaha Gobalka Somaliland waxay tacsi murugo leh ka dhiibteen geeradii Meles Zenawi oo ay ku tilmaameen hoggaamiye dhab oo ka tagay Gobalka Geeska Africa.

Ahmed Siilaanyo wuxuu si gaar ugu tilmaamay Meles Zenawi hoggaamiye daacad ah iyo curiyaha nabadda ee mandaqadda.

Abdirahmaan Faroole ayaa murugo darran iyo naxdin ka muujiyay geerida Meles, waxaa ka geeryooday hoggaamiyahiisii dhabta ah, waxaa la sheegaa inuu ahaa qaadum u qaabilsan hergilinta mashuurca federaalka ah, laguna tijaabinaayo Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO BAROORTA AZEB MESFIN IYO NINKA BADALAY

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 28 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...