Warka Musaveni oo wadna qabad ku noqday Musharaxiinta Daarood iyo
Siyaasi u waramay Warfaafiye oo diiday inaan magaciisa daabacno ayaa sheegay in Musharaxiinta u tartamaya Maadaxtinimada dalka Somalia ee ku sugan Muqdisho, in walaac xoogan ka muujiyeen warka kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Ugandha ee ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, kaasoo sheegaya in beesha Hawiye ay yeelato xilka Madaxweyne ee dhawaan la filayo in doorashadeeda dhacdo.
Musharaxiinta ugu cad cad ee aan kasoo jeedin beelaha hawiye ayaa ku calaacalaya iney u xagliyeen beesha Hawiye, waxayna Madaxweynaha Ugandha iyo Midowga Afrika isku aragti ka noqdeen in nin aan u dhalan beesha Hawiye la soo dooran.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka lagu amray isagoo jooga Kampala dalka Ugandha in uu iska casilo xilka Ra’iisul Wasaarenimo ayaa ragga ololahiisa u wada wuxuu ku yiri “AMISOM iyo Ugandha intee ka galnaa, cid walba oo loo arko iney dalkeeda wax u qabaneyso dhibaato ayey ku furaan si loo tuso indhaha caalamka, maaantana nin aan Hawiye aheyn mala dooran karo ayuu la yimid Madaxweynahooda”.
Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas ayaa cabasho ka gudbiyeen warqad qoraal ah oo la soo gaarsiisyey xafiisyada Midowga Afrika, UN iyo AMISOM oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Musefeni taasoo sheegeysay in carqalad ay ka horimaan karto hannaanka nabadda ee Soomaaliya hadii la doorto nin aan Hawiye u dhalan, waxayna Gaas iyo Shariif Xasan cabashadooda gaarsiiyeen Midowga Afrika, iyagoo codsaday in Madaxweynaha Ugandha oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya dhexdhexaad ka noqdaa arrimaha doorashada.
Safaarada Mareykanka ayaa iyadana la sheegayaa in mowqifka Madaxweynaha Ugandha horay u taaganeyd maadaama Dowladda Mareykanka ay dooneyso in meesha laga saaro awooda Shabaab oo Muqdisho aysan ku soo laaban, cida awooda u lehna waxay aaminsan tahay in laga dhex helo karo qabaa’ilka Hawiye.
Welwelka Madaxweynaha Ugandha ee uu qaba hadii aan la dooran nin aan Hawiye u dhalan waxay tahay maadaama ciidamada ugu badan ee AMISOM ay Ugandha tahay in gumaad iyo dagaalo hor leh ay ku soo laaban doonaan Muqdisho sidii xiligii Dowladdii Madaxweynaha geeriyooday cabdullaahi Yuusuf oo ciidamadii Ethiopia gacan ka helayay balse hanan waayay amaanka Muqdisho.
Wuxuuna Musaveni fiiriyay isbadalka Dowladdaasi iyo Dowladda hada dhacday ee Madaxweyne Shariif taasoo uu door biday in mar kale uu dib u soo laabto Madaxweyne Shariif oo uu farta ku fiiqayo.
Arintan ayaa waxay fursad qaali ah siineysaa Madaxweyne Shariif oo aysan jirin rag miisaan culus ku leh siyaasada dalka oo la tartamaya, kana soo jeeda beesha Hawiye aysan jirin.
Email: warfaafiye@gmail.com
