CED-Som
|

Madaxweyne Shariif iyo Madax kale oo ka qeybgalaya aaska Males

Meydkii Raiisul Rasaarihii dalka Ethiopia Meles Zenaw, ayaa la dhigay qasriga Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Addis Ababa, waxaana gelinkii danbe ee shalay laga soo qaaday magaalada Brussels oo uu ku geeriyooday.

Kooxda Baambeyda ayaa u garaacay muusikada baroor diiqda, waxaana meydka Ra’iisul Wasaarihii hore lagu xardhay calanka Ethiopia, dadweyne far badan oo ka murugeysan geerida Meles ayaa wadooyinka iyo garoonka diyaaradaha kaga hortegay, kuwaasi oo shumacyo wadooyinka la taagnaa.

Lama sheegin xiliga rasmiga ah ee la aasayo, iyadoo la filayo in magaalada Addis Ababa ay gaaraan Madaxda dalalka caalamka oo ka qeybgeli doona aaska Meles Zenawi.

Madaxweynaha dalka Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo shalay tacsi u diray dowladda Ethiopia iyo shacabka ayaa ka mid ah madaxda Soomaalida ee ka qeybgeli doona aaska Meles.

Meles Zenawi ayaa geeriyooday habeenkii Talaadadii,  kadib muddo dheer oo uu xanuunsanayay, inkastoo siyaasiyiinta badan ay sheegayaan in mar hore uu geeriyooday balse la qarinayay.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 22 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...