CED-Som
|

Qaramada Midoobay & caalamka oo taageray dhaarinta Xildhibaanada

Qaramada Midoobay ayaa tallaabo horumar leh ku tilmaamtay dhaarinta iyo magacaabista Xubnaha cusub ee baarlamanka dalka Soomaaliya.

Warmurtiyeed uu soo saarayAfhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa waxa uu ku sheegay in Ban Ki Moon uu soo dhaweynayo Dhaarintii shalay ee Xildhibaanada cusub, taasoo uu ku tilmamaay guul taariikhi ah oo uu qaranka Soomaaliyeed kaga talaabsanayo dhinaca ammaanka ah xaalada kale

“Waxa uu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed inay gaarayaan wadadii loogu talagalay nabadda, dib u dhiska Xasiloonida iyo in laga gudbo siyaasadda qalafsan” sidaasi waxa yiri Afhayeenka Xogahayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Afhayeenka Ban Ki Moon ayaa sheegay in Soomaaliyaay geli doonto weji cusub kadib sanado badan oo dagaalo ay ku jirtay, wuxuuna amaan u soo jeediyay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya Augustine Mahiga iyo dadka shaqada la wado.

Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, IGAD, Ingiriiska, Talyaaniga, Norway, Turkiga iyo Dowladda Maraykanka ayaa si wada jir ah u sheegay in Soomaaliya ay taageersan yihiin islamarkaana ay la garab taagan yihiin taageero dhinac waliba leh, iyagoo guul ku tilmaamay soo xulista iyo dhaarinta xildhibaanada cusub.

Waxay sheegeen in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, waxayna ku boorinayeen dhamaan dhinacyada Soomaalida inay sii laba jibaaraan dhismaha Dowlad-midnimo qaran iyo sidii loo horumarin lahaa Dhismaha dalka Soomaaliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 21 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...